Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fresh fighting in galgala Bari heavy casualties

Recommended Posts

War Deg Deg Ah:Dagaal saaka ka bilowday Galgala.

8. august 2010

 

APL

 

 

FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa Saaka markale uu dagaal xoogani ka qarxay Buuraha gobolka Bari gaar ahaan Deegaanka Galgala oo aanan waxbadan ujirin halkii uu Dagaalka culusi ka dhacay Labo todobaad ka hor,waxaana dagaalkani u dhexeeya Ciidamo xoogan oo katirsan kuwa dawlada Puntland & Malayshiyada Sheekh Atam oo in mudo ah halkaas ku dhuumaalaysanaysay.

 

Dagaalkan oo saaka goor hore bilowday ayaanan weli lehelin Khasaaradiisa dhabta ah,balse Sarkiil katirsan Ciidamada dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalkan ay saaka iyagu qaadeen waxaana ay taas ku macneeyeen in laga fursan waayey islamarkaasna madaxda sare ee dawlada Puntland amartay Dagaalkan.

 

Warar hoose oo ay APL dagaalka saaka ka helayso ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 10-Askari oo dhaawac ah oo katirsan kuwa Puntland laga sooqaaday jiida dagaalka islamarkaasna loo soo dhaadhiciyey dhanka magaalada Boosaaso,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Ciidamada dawlada Puntland.

 

Taliye sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalka saaka ka hor ay ka horeeyeen Madaafiic ay ciidanka Puntland shalay galab ilaa xalay ku asqeeyeen Halka Difaaca u ah Ciidanka Sheekh Atam oo uu sheegey inay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

 

Wixii war ah oo kasoo kordha Dagaalkan APL kala soco Daqiiqad kasta,Saacad kasta & Meel kastaba.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:Warkii u danbeeyey ee Dagaalkii Galgala saaka ka Qarxay.

8. august 2010

 

APL

 

 

FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

 

Galgala:(Allpuntland)-Waxaa Sidii wararkii hore ee Allpuntland saaka idiin soo daabacday Dagaal culus oo aanan waxba la’iskula harinin uu saaka Abaare 6-dii Aroornimo si kulu uga bilowday Togga Suggure & Bali Khadar oo u dhexeeya Deegaanada Karin & Galgala ee gobolka Bari waxaana dagaalkani uu bilowday kadib markii ay dawlada Puntland si muquunin ay kujirto ay saaka uweerartay Goobaha Alshabaabka Puntland ee bari mudada dheer ku dhuumaalaysanayey.

 

Dagaalkan oo Saacado badan socday islamarkaasna uu xoogiisu joogsaday wixii kadanbeeyey labadii Duhurnimo ee Maanta Saacada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu geystay Khasaare aad u badan oo naf & Maal labadaba leh,waxaana qaarkamid ah Dadka Deegaanku ay APL u sheegeen in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Kooxdii Galgala oo lasheegey in Saraakiishoodii laga daadgureeyey halkii ay awal kusugnaayeen.

 

Dagaalkan oo ay Ciidamada Puntland saaka labo Wajhadood ku weerareen islamarkaasna Weerar xoogan ugu qaaday Ciidanka Alshabaab ee uu hogaamiyo Wakiilka kooxdaas ee Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa ay Xukuumadu sheegtay in kudhawaad 20-kamid ah Kooxdii Hogaamiye Atam ee halkaas ay dileen islamarkaasna dhaawac aad u farabadan & Jab ay gaarsiiyeen Ciidamadii fadhiyey Difaaca hore ee Buurta Galgala oo ay Puntland ciidankeedu imika u jiraan wax kayar 1-Km.

 

Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka Miinooyinka saara ayaa ay Dawladu maanta duhurkii geysay Agagaarka Deegaanka galgala oo ay horay ujoogeen Ciidanka Alshabaab kuwaas oo ay dawladu ka shakisantahay in halkaas oo Difaac u ahayd Ciidamada Mucaaradka laga yaabo in miinooyin lageeyey,waxaana imika halkaas ka socda Miino Baaris ay ciidamadu wadaan.

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawlada Puntland ayaa siweyn looga dareemay Dagaalkan,waxaana maanta barqadii si wadajir ah hakad & Joogsiba looga dareemay Ganacsigii magaaladaas oo aanan in mudo ah Waqti maalin ah istaagin,imikase galabta ayaa meelaha qaar Ganacsigii caadi kusoo noqday.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Degdega Dagaal Qaraar oo Saaka Waaberkii ka bilaabmay Nawaaxiga Degaanka Maraje

August 8, 2010

By admin

 

Maraje:-Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso.

Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan.

Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa.

Maxamed Axmed Ciise

Bosaso Dhahar Onlline

Wixii faahfaahin ah saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin donaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

Wasirka aminiga indicated that they did not capture any one, the galgala spokes man in bbc indicated that they have capture many prisoners of war. You do the math, who got defeated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ACUUDU BILLAAH WAR NINKAN CLAN IYO FUTUUT KU HAYO TAN IYO INTUU KU SOO BIIRAY SOL.WARYEE CEELAYOHOY WAR ISKU XISHOO NINYAHOOW, 2010 BAAD WALIWAXAAD WADAA CLANKEENAA SIDAAS AH IYO REERKEENAA HADA KA HOR IDINKA ADKAADAY, ACUUDU BILLAAH, UF IYO AKH BAA LAGU YIDHI. WAR MEESHA LABA KOOX OO AAN QABIIL SHAQO KU LAHAYN BAA ISKU HAYSTA, NINNA TORABORA LAGA SOO AMRAY, NINNA MEEL KALE. SO PLEASE STOP THIS CHILDISH STUP1D NONSENSE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Xoogan Oo Saaka Barqanimadii ka Qarxay Buuraleyda Galgala Iyo Baabuur Laga Gubey Puntland

Warkii 08-Aug-2010 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho

Wararka kaa imanaya buuraleyda Deegaanka Gal Gal ayaa sheegay in saaka barqanimadii uu ka bilowday dagaal xoogani oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta ee uu hogaaminayo maxamed saciid Atam iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo weliba ciidamada PIS-ta iyo weliba kuwa puntland oo dhinac ah ...

 

 

Wararka ay ka helauyso shabakada afnugaal ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal laga gubay Ciidamada puntland iyo kuwa PIS-ta kuwaasoo saaka barqanimadii weerar xoogan ku waaday deegaanka gal gala ee gobolka bari

 

 

 

Sidoo kale qaar ka tirsan dadka shacabka degmada Galgala oo khadka telafoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay in dagaalku socdo waloow ay sheegeen in gawaari tikniko ah laga gubay ciidamada puntland islamarkaana ay ciidamada Mujaahidiinta ee uu Sheekh Atam horkacayo ay Jilibka u laabteen oo ilaa iminka la maqlayo Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

 

 

 

Axmed weli oo kamid ah dadka deegaanka gal gal oo war siinayey warbvaahinta uqdisho ayaa sheegay Inay 5 Gaari gacanta ku dhigeen ciidamada sh ,atam oo kaashanaya dadka deegaanka halka Mid kamida gaadiidkaasi uu gubanyahay, qaar ka tirsan ciidamada puntland ahna ay ku go,doomeen buuraleyda gala gala

 

 

 

Dhinaca kale Odayaasha deegaanka Galgala ayaa saxaafada u xaqiijiyay in madaxweyne Faroole uu si cad u diiday Wadahadallo lagu doonayay in lagu dhax dhaxaadiyo labada dhinac, ciidamada Faroolena uu ku weeraray deegaanada ku dhaw dhaw Galgala ayaa dhawaanahanba lagasoo daad guraynayay Garowe oo ah halka ay saldhiga ugu weyn ku leeyihiin ciidmada PIS –ta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Galgala oo joogsadey welina la isku horfadhiyo BALI KHAYRE

Aug 08, 2010

Galgala(Riinjinews)Saraakiil PIS-ta oo Geeriyootay,Puntland oo maxaabiis laga qabqabtay,Dhawaca oo buux dhafay 50 iyo dhimashada Bosaso la keenay oo dhan 12 Askari...

Dagaalki saaka ayaa waxaa weeraraka qaday Ciidamo uu Hogaaminayo Cabdisamed Cali Shire oo PL ah dhirbaaxo wayn ayaa ku dhacday waxaana dib loogu soo celiyey goobihii ay ka soo duuleen intaasi kadib dagaalkii waxaa soo galay Ciidamada loo yaqaano A-SHAHAADO LA DIRIRKA (PIS)halkaana dagaalkii ayaa ku qadhadhaday oo waxaa ka dhacay khasaare wayn oo aan weli si rasmi ah loo helin. Wararka aanu helayo Deegaanka GalGala ee Galbeedka Bari ayaa sheegaya in Maydka Saraakiil Sar Sare oo PL dhanka PISta la Arkay, Warka ayaa intaasi ku daraya in la Xaqiijiyay Axmed Yaasiin Ilay oo ahaa Sarkiilkii Igu Sareeyay dhanka Hawl Galinta Ciidamada PISta ee Galay Deegaanka Galbeedka, Bari, Ruux Nala soo xidhiidhay ayaa sheegay inuu Arkay Maydka Ninkaasi oo Gor Hore Rasaastu Haleeshay. Dhinaca kale maxaabiis ayaa laga qabqabtay PL Liiska Askarta Laga qabtay PL. 1-Ahmed Ali Muuse Madaxii Saadka ee Ciidanka PL. 2- Mustafe Guray Laba Xidigle. 3- Maxamed Dheere 4- Jamaal Ciisa Kaar 5-Cali Muuse Xidgle. 6- Maxamuud Qodox 7-Jaamac Axmed Yuusuf [Darweel Gaadhi Dagaal] 8-Maxamuud Haybe [ Gaandhari Macaa Gaadhigiisii] 10- Farxaan Qooje Lixdan Maxbuus ayaa Ciidanka Deegaanku sheegeen inay si Hordhaca ah u sheegeen Magacooda kuwaasi oo lagu Qabtay Dagaalkaasi Saaka iyaga oo dhanka xusay inay dhawaan War Murtiyeed Dhamaystiran soo saarayaan. Isku soo wada duubo labada dhinac ayaa weli isku horfadhiya BALI KHAYRE oo dhaca salka buuraha GALGALA,waxaanna laga yaaba in beri uu dib u bilaabmo dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia minister says regional government soldiers kill 15 militiamen in northeastern region

 

 

Sunday, August 08, 2010

 

 

MOGADISHU, Somalia — A Somali minister says security forces have attacked the base of a militia group linked to an extremist group and killed 15 militiamen.

 

Security Minister Yusuf Ahmed Kheir says soldiers in the semiautonomous northeastern region of Puntland on Sunday countered the militia's attack on an army post.

 

Militia spokesman Abdullahi Sheik denies they attacked first, saying the soldiers surprised them. Sheik says no militiamen were killed and only seven were injured.

 

Sunday's clash is the second in two weeks between Puntland forces and the militia group, which is led by arms dealer Mohamed Atom. He has been singled out by the U.N. for supplying arms to the al-Shabab extremist group. The U.S. has declared al-Shabab a terrorist organization.

 

Copyright © 2010 The Canadian Press. All rights reserved.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by ceelayohoyoo:

The SSDF clan could never defeat the Maakhirian clans. This is 1840 all over again and we've gotten started.

 

 

Bal Aan Maakhir Haybsado

Ceelayo, tell us what happened in 1840. You make us very curious about the heroic history of Maakhir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this