Maaddeey Posted December 21, 2009 No website reported this? Madaxa Amaanka Galkacyo ayaa caddeeyey in sababta weriyaha loo xiray uusan garaneyn & dembigiisa toona. Weriyaha VOA ee Galkacyo (Maxamed Yaasiin *****) ayaa waxa xirtay PIS-ta, waxaana la sheegay in la jir-dilay. Faah-faahinta dib baan ka sheegi doonnaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 21, 2009 Wariye lagu xiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Hornafrik Mogadishu 21-12-2009. Ciidamada la dagaalanka argagaxisada maamul goboleedka Puntlan ee loo yaqaano PIS-ta ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxay wariye Maxa’ed Yaasiin Isxaaq oo ah wariyaha VOA-da uga warama magaalada Gaalkacyo. Lama oga sababta rasmiga ah oo ay ciidamadaasi u kaxeysteen wariyahasi, balse wararka ayaa sheegaya in lagu heysto war uu kasii daayay idaacadda uu ka shaqeyo. Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Dhanka maamulka Puntland Muuse Xasaasi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn xagooda xarigga wariyaha loo geystay. Ma jiro wax war ah oo kaso baxay ciidanka xirtay wariye Maxa’ed Yaasiin Isxaaq. Written by: HornAfrik Webmaster Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Dhanka maamulka Puntland Muuse Xasaasi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn xagooda xarigga wariyaha loo geystay. You see this is what I was talking about. PIS's role in Puntland is negative, counterproductive, and it needs to be reformed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 21, 2009 ^^Xiin, Ciyaalki Ilaahey ma kaa soo fakiyey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 ^^Save from few scratchs on my back, I am fine Maadeey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 21, 2009 ^^Alxamdulillaah, the moral of that incident?, 'dhul-dhacaaga hubso' Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 ^^ Cunug yaroo adeer-adeerow ku dhacay baa macawista iskay kaa laa laadiyey. It was necessary to untangle kid’s grip without making a scene, at least I think so . Note: adoo geeraar misplaced ah tiriyey ku arkay Laakiin Allahu huwal mucdhii Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 Gaalkacyo: Suxufiyiinta gobalka Mudug oo shir ka yeeshay Xariga Maxamed Yaasiin, warna ka soo saaray. 21. december 2009 Gaalkacyo(AllPuntland)- Shir ay iskugu yimaadeen Suxufiyiinka ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa cambaareyey xarigii xalay saqdii dhexe loo geystay Wariye Maxamed Yasiin Isxaaq, oo ka tirsanaa Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da. Wariyaasha ayaa ku sheegay talaabadaasi mid ka baxsan sharciyada caalamiga ah, waxa ayna sidoo kale Wariyaashu ku eedeeyeen Maamulka in ay qaab qaldan umareen xariga Maxamed Yaasiin loo geystay, oo aysan marin sida loo baahnaa in loo soo xiro qof dambi lugu eedeeyey oo kale. Shirkan oo lugu soo qaaday tacadiyada ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee ku aadan Saxaafada, ayaa Shir jaraa’id oo ay qabteen qaar ka mid ah Wariyaashii ka qeybgalay wada hadaladaas, waxa ayna sheegeen in aad uga walaacsan yihiin, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo Wariye Maxamed Yaasiin oo aan la garan Karin halka lugu hayo. Ciidamada P.I.S-ta loo yaqaano ee Puntland ayaa la sheegay in ay xalay saqdii dhexe galeen guriga uudegan yahay Maxamed Yaasiin, isla markaasna ay kala baxeen gurigiisa, isagoo jiifay waxaana aan jirin in wax fariin aan loo soo gaarsiin. Lama yaqaano halka u ku xiran yahay Maxamed Yaasiin, waxaase la rumeysan yahay in ay uu ku xiran yaahy goob ugaar ah ciidamada PISta oo ay dadka ku xiraan, iyadoo loo diiday Wariyaasha kala duwan iyo Qaraabadiiba in ay arkaan Maxamed Yaasiin ama ay codkiisa maqlaan, iyadoo la joojiyey shaqeynta Telfoonkiisii gacanta. Xasan Maxamed Jaamac & Burhaan Maxamed Cabdi oo markii uu dhamaaday shirkan la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ay talaabadan aad uga xun yihiin, waxa ayna sheegeen in aysan garan Karin sababaha ka dambeeya qorshayaashan. Xasan Maxamed Jaamac ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalka Mudug, kan degmada iyo shaqsiyaadka dawladda ee jooga gobalkan in aysan garan Karin, waxyaabaha ay shaqada uhayaan, isagoo sheegay in ay la kulmeen gudoomiyaha gobalka Axmed Cali Salaad, Duqa magaalada C/rixmaan Maxamuud Xaaji, Taliyaha ciidamada Booliska ee Mudug Axmed C/rixmaan oo ay dhamaantood sheegeen in ay maqleen xariga Maxamed Yaasiin, balse ay xireen ciidamada PISta aysana garan Karin sababaha lugu hayo. Wariyaasha guud ayaa cambaareeyey talaabadaasi, iyagoo ka muujiyey shirkooda sida ay uga walaacsan yihiin tacadiyada lugu hayo guud ahaan Suxufiyiinta Puntland oo dhan, waxa ayna ku baaqeen in lama huraan ay tahay in si deg deg ah loo sii daayo Maxamed Yaasiin Isxaaq oo uxiran ciidamada PISta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 Xasan Maxamed Jaamac ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalka Mudug, kan degmada iyo shaqsiyaadka dawladda ee jooga gobalkan in aysan garan Karin, waxyaabaha ay shaqada uhayaan,isagoo sheegay in ay la kulmeen gudoomiyaha gobalka Axmed Cali Salaad, Duqa magaalada C/rixmaan Maxamuud Xaaji, Taliyaha ciidamada Booliska ee Mudug Axmed C/rixmaan oo ay dhamaantood sheegeen in ay maqleen xariga Maxamed Yaasiin, balse ay xireen ciidamada PISta aysana garan Karin sababaha lugu hayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 21, 2009 Originally posted by xiinfaniin: ^^ Cunug yaroo adeer-adeerow ku dhacay baa macawista iskay kaa laa laadiyey. It was necessary to untangle kid’s grip without making a scene, at least I think so . Note: adoo geeraar misplaced ah tiriyey ku arkay Laakiin Allahu huwal mucdhii looool, markaas miyir maadan lahayn!, bahashu Filin Action-Thriller ah bey ahayd!, i can quote some from memory! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 ^^Or so you assumed, Maadeey. Actually, I noticed your little intrusion for I was in full control of the script, though characters proved to be tough to handle. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 21, 2009 ^Dhib maleh, 'AWLIYADA' afkaaga ka duw, hadda kadib Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 21, 2009 loooooooool@Awliyadda afkaaga ka duw I got it adeer Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 22, 2009 Jealousy.com .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites