Sign in to follow this  
Maaddeey

VOA reporter arrested by PIS

Recommended Posts

Maaddeey   

No website reported this?

 

Madaxa Amaanka Galkacyo ayaa caddeeyey in sababta weriyaha loo xiray uusan garaneyn & dembigiisa toona. Weriyaha VOA ee Galkacyo (Maxamed Yaasiin *****) ayaa waxa xirtay PIS-ta, waxaana la sheegay in la jir-dilay.

 

Faah-faahinta dib baan ka sheegi doonnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Wariye lagu xiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Hornafrik Mogadishu 21-12-2009.

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada maamul goboleedka Puntlan ee loo yaqaano PIS-ta ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxay wariye Maxa’ed Yaasiin Isxaaq oo ah wariyaha VOA-da uga warama magaalada Gaalkacyo.

 

Lama oga sababta rasmiga ah oo ay ciidamadaasi u kaxeysteen wariyahasi, balse wararka ayaa sheegaya in lagu heysto war uu kasii daayay idaacadda uu ka shaqeyo.

 

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Dhanka maamulka Puntland Muuse Xasaasi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn xagooda xarigga wariyaha loo geystay.

 

Ma jiro wax war ah oo kaso baxay ciidanka xirtay wariye Maxa’ed Yaasiin Isxaaq.

 

 

 

Written by: HornAfrik Webmaster

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Dhanka maamulka Puntland Muuse Xasaasi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn xagooda xarigga wariyaha loo geystay.

 

You see this is what I was talking about. PIS's role in Puntland is negative, counterproductive, and it needs to be reformed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

Cunug yaroo adeer-adeerow ku dhacay baa macawista iskay kaa laa laadiyey. It was necessary to untangle kid’s grip without making a scene, at least I think so .

 

Note: adoo geeraar misplaced ah tiriyey ku arkay :D

 

Laakiin Allahu huwal mucdhii

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Suxufiyiinta gobalka Mudug oo shir ka yeeshay Xariga Maxamed Yaasiin, warna ka soo saaray.

21. december 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Shir ay iskugu yimaadeen Suxufiyiinka ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa cambaareyey xarigii xalay saqdii dhexe loo geystay Wariye Maxamed Yasiin Isxaaq, oo ka tirsanaa Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da.

 

Wariyaasha ayaa ku sheegay talaabadaasi mid ka baxsan sharciyada caalamiga ah, waxa ayna sidoo kale Wariyaashu ku eedeeyeen Maamulka in ay qaab qaldan umareen xariga Maxamed Yaasiin loo geystay, oo aysan marin sida loo baahnaa in loo soo xiro qof dambi lugu eedeeyey oo kale.

 

Shirkan oo lugu soo qaaday tacadiyada ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee ku aadan Saxaafada, ayaa Shir jaraa’id oo ay qabteen qaar ka mid ah Wariyaashii ka qeybgalay wada hadaladaas, waxa ayna sheegeen in aad uga walaacsan yihiin, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo Wariye Maxamed Yaasiin oo aan la garan Karin halka lugu hayo.

 

Ciidamada P.I.S-ta loo yaqaano ee Puntland ayaa la sheegay in ay xalay saqdii dhexe galeen guriga uudegan yahay Maxamed Yaasiin, isla markaasna ay kala baxeen gurigiisa, isagoo jiifay waxaana aan jirin in wax fariin aan loo soo gaarsiin.

 

Lama yaqaano halka u ku xiran yahay Maxamed Yaasiin, waxaase la rumeysan yahay in ay uu ku xiran yaahy goob ugaar ah ciidamada PISta oo ay dadka ku xiraan, iyadoo loo diiday Wariyaasha kala duwan iyo Qaraabadiiba in ay arkaan Maxamed Yaasiin ama ay codkiisa maqlaan, iyadoo la joojiyey shaqeynta Telfoonkiisii gacanta.

 

Xasan Maxamed Jaamac & Burhaan Maxamed Cabdi oo markii uu dhamaaday shirkan la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ay talaabadan aad uga xun yihiin, waxa ayna sheegeen in aysan garan Karin sababaha ka dambeeya qorshayaashan.

 

Xasan Maxamed Jaamac ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalka Mudug, kan degmada iyo shaqsiyaadka dawladda ee jooga gobalkan in aysan garan Karin, waxyaabaha ay shaqada uhayaan, isagoo sheegay in ay la kulmeen gudoomiyaha gobalka Axmed Cali Salaad, Duqa magaalada C/rixmaan Maxamuud Xaaji, Taliyaha ciidamada Booliska ee Mudug Axmed C/rixmaan oo ay dhamaantood sheegeen in ay maqleen xariga Maxamed Yaasiin, balse ay xireen ciidamada PISta aysana garan Karin sababaha lugu hayo.

 

Wariyaasha guud ayaa cambaareeyey talaabadaasi, iyagoo ka muujiyey shirkooda sida ay uga walaacsan yihiin tacadiyada lugu hayo guud ahaan Suxufiyiinta Puntland oo dhan, waxa ayna ku baaqeen in lama huraan ay tahay in si deg deg ah loo sii daayo Maxamed Yaasiin Isxaaq oo uxiran ciidamada PISta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xasan Maxamed Jaamac ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalka Mudug, kan degmada iyo shaqsiyaadka dawladda ee jooga gobalkan in aysan garan Karin, waxyaabaha ay shaqada uhayaan,isagoo sheegay in ay la kulmeen gudoomiyaha gobalka Axmed Cali Salaad, Duqa magaalada C/rixmaan Maxamuud Xaaji, Taliyaha ciidamada Booliska ee Mudug Axmed C/rixmaan oo ay dhamaantood sheegeen in ay maqleen xariga Maxamed Yaasiin, balse ay xireen ciidamada PISta aysana garan Karin sababaha lugu hayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by xiinfaniin:

^^
:D:D

 

Cunug yaroo adeer-adeerow ku dhacay baa macawista iskay kaa laa laadiyey. It was necessary to untangle kid’s grip without making a scene, at least I think so .

 

Note: adoo geeraar misplaced ah tiriyey ku arkay
:D

 

Laakiin Allahu huwal mucdhii

looool, markaas miyir maadan lahayn!, bahashu Filin Action-Thriller ah bey ahayd!, i can quote some from memory!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Or so you assumed, Maadeey.

 

Actually, I noticed your little intrusion for I was in full control of the script, though characters proved to be tough to handle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this