Sign in to follow this  
Kamaavi

Col ka soo dhaqaajiyey Gedo oo duulaan ku soo ah magaalada Afmadow

Recommended Posts

Kamaavi   

^Adaa mudan, Dhubad.

 

Warka aad rabtay waxaa soo xigtay Cowke wuxuuna ka dhacay Janey Cabdalla laakiin dhoobley website-ka magaciisa inuu ahaa ayaan u fahmay.

 

Iska bashaal awoowe,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sarkaal ku sugan degmada Afmadow ayaa noo xaqiijiyey inay ka warhayaan maleyshiyo ay Alshabaab kasoo abaabushay gobolka Bay oo kasoo gudbey Bu`aale.

 

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in maleyshiyo taageersan Alshabaab aysan waxba kusoo kordhin doonin colaadda ka jirta gobolada Jubboyinka dalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay kooxdaas kuwo lasoo marin habaabiyey.

 

 

Lama oga halka ay ku wajahan yihiin kooxdaas, hase yeeshe waxaa la tuhunsan yahay inay shabaab ugu talogaleen mashquulin maadaama ay Kismaayo noqotay meel go`doon ah oo ay loodin waayeen weeraradii Shabaab-ku qaadayeen kooxda ay ishayaan.

 

Dhanka kale, maanta waxaay xsilooni ka jirtaa duleedka magaalada Kismaayo goobihii ay ku dirirayeen Xizbul Islaam iyo Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, magaaladii laga dhisey Kismaayo ee aan iyadu dhismin, marna ah xarunta dhaqanka ee deegaankii lagu isku oran jirrey Jubba ama Waamo, laga bilaabo Garraska Boorame illaa Gaarisa.

 

Barisamaadkii waxaa jirtey xilli dhulka ka hooseeya wabiga Jubba illaa iyo Wabiga Tanna ee Gaarisa dusheeda mara aysan jirin wax nolol ah ama biyo ah oo u dhexeeya Afmadoow iyo Wajeer, oo aan ka ahayn biyaha wabiyada aan soo sheegney.

 

 

Afmadoow waa furdad ama magaalo deked leh hadba sida loo yaqaano, waxaana laga yaabaa in maankaada ay kusoo degdegto weeydiinta ah “badba ma marto Afmadoow ee sideey furdad ku noqotey?’, waa su’aal xiiso badan, laakiin jawaabteedu sahlantahay.

 

 

Deegaan dadka ku dhaqan mudo hada laga soo wareegey 10 sanno ay noloshooda 90% ku tiisanayd xoolaha nool, walina 50% ay ku tiisantahay, meesha durdurka biyaha lagu sheego waxay u tahay dadka degen “Furdad” . Afmadoow waxay ahayd udub dhexaadka nolosha dadkaasi, xilli kasta ah oo abaar ah oo la gallo waligeed taariikhda ma dhicin in ceelasha maaxda ah ee magaalada laga waayo biyo, waxaa intaasi usii dheeraa in jiilaal kasta oo la gallo ay magaalada waraabiso xoolaha ka yimaada Gedo illaa Gaarisa oo boqol kun ka baddan. Mana jirto magaalo koonfurta ku taala oo doorkaasi la wadaagta,

 

 

Xiliga jillaalka ee xoolaha ay ceelka usoo waraab doontaan waa marka dhaqaalaha ugu baddan uusoo galo dadka magaalada, ganacsi kasta oo halkaasi ka jirana uu noqdo mid si weyn looga macaasho, xitaa haweenka shaaha ku karinaya cooshadaha

 

 

Magaalada waxay xarun u ahayd walina u tahay xeerka dhaqanka Soomaaliga ee gobolada Koonfurta Qaarkood, tan iyo intii dalka uu ka dhashay nidaamka dowliga ahna iyo wixii ka horeeyeyba magaaladu waxay lahayd saameynteeda gaarahaaneed.

 

 

Waxaa lagu doodi karaa in Afmadoow ay tahay magaalada dhistey Kismaayo , barmiilka subbaga ah iyo Neefka xoolaha ah ee Afmadoow ka safra ayaa Kismaayo ka yagleeley seeylad ganacsi oo dhidibada u aastey tiirarka dhaqaalaha magaalada iyo dhismaheeda, tanina waa xaqiiqda taariikhdu xuseyso.

 

 

Magaaladu waxay in baddan ahayd miyi xigeen iyadoo dhamaan dowladihii soo maray ay gacan bidxeeyeen, darsan dhismooyin dowladeed oo ku jiraan dhismooyinka dugsiyada hoose/dhexe /sare ayaa magaalada wali kusii yaala, mana lahan wax wado laami ah oo soo gala.

 

 

Laakiin sanooyinkii burburka magaalada waxay ku hanoqaaday nabad iyo xasilooni, taasina waxaa ugu wacnaa in dadku magaalada diideen nidaamkii qabqablayaasha dagaalka iyo abaabulka maleeshiyaadka qabiilka ee duulaanka ku qaada deegaano ay dadyoow kale degenyihiin.

 

 

Waxaa kusoo qaxay dad farabadan, waxaana laga dhisey dhismooyin sii kordhaya, ganacsigana wuxuu noqdey mid ka furfuran sidii hore, magaalada waxay xarun u tahay ganacsatada ugu waaweyn ee xoolaha u iib geeya seeylada xoolaha ee geeska Afrika ugu weyn ee Gaarsia ee loo yaqaano “Arbacaaleey”, sidoo kale magaalada waxay saldhig u noqtey gaadiidka xamuulka ee badeecooyina daabula ee gobolka iyo wabilaba gaadiidka dadweynaha, marka laga soot ago Kismaayo oo magaalo weyn ah.

 

 

Taariikhda waxaa lagu hayaa in warigeed hal mar weerar lagu soo qaaday markii xigtey ay ahayd 6dii Oktoobar, 2009 kii.

 

 

Weerarkii dhawaan ciidamo taabacsan Al-Shabaab ay kusoo qaadeen magaalada wuxuu ahaa kii ugu farajaca badnaa ee dadku magaaladu arkaan, waxaa naloo sheegey in xitaa oday 90 jir ah oo ah dadka ugu weyn magaalada lagu qaaday gaarogacan isagoo qori wata si loo geeyo jiida difaaca heerka ay dadku ka gaartay in ay magaalada difaacaan, waxaa xitaa dagaalka galay si toos ah iyo si dadbanba dumarkii magaalada.

 

 

Waligeed caadifadaasi iyo kacdoonkaasi masoo marin magaaladani yar ee xasiloonida ku caanbaxday

 

 

Wali Afmadoow waxaa jirta halis xoog badan oo ah weeraro qorsheeysan oo kaga yimaada dhanka Xarakada Al-Shabaab oo mas’uul; ka tirsan uu ku hanjabay “tuulooyinkiina ayaan idinku gubi doonaa”, taasi dadka deegaanka waxay dareensiisey in iyaga duulaan lagu yahay halkii ay filayeen in labbo koox ay isheystaan, shacabkuna aysan shaqo ku lahayn waxa socda, tani waa natiijada ka dhalatay fahamka laga qaatey afayeenada aan hadalka u fiirsan ee maamulka Kismaayo ee hoostaga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

 

Magaaladani waxay ahayd tii dayuuradaha Maraykanka ay duqeeyeen (Jiiro) sababtuna ay ahayd iyadoo la raadsanayo hogaamiyeyaasha Xarakooyinkii Jihaadka ee hadda kala firqoobey, haatana waxay magaalada saqiir iyo kabiir heegan u tahay iska difaacista duulaan kaga soo socda isla mujaahidiintii shalay dartood loo duqeeyey caruuskii iyo caruusadii aqalgalkooda ay kasoo xaadireen boqolaalka qof ee dayuuradaha ay duqeeyeen.

 

 

Ma jirro qoys magaalada ku nool oo xubin ka mid ah uusan ka xaadirin dagaaladii Baydhabo xabashida lagu qaaday iyo kuwii Xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this