Sign in to follow this  
Rokko

Fadeexad TNG-da C/qaasim iyo Cabdullahi Yusuf ku lug leeyihiin

Recommended Posts

Rokko   

Foriegners are exploiting the Somali coast. Money ... Money ... Money.

 

 

Markab lagu heysto xeebaha Baraawe oo soo shaac bixiyay fadeexad TNG-da C/qaasim ku lug yeelatay

Hiiraan.com Talaado, February 17, 2004

 

Markab in muddo ah lagu heystay xeebaha gobolka Galguduud oo dhowaan loo soo wareejiyay xeebta Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa soo shaac bixiyay mid ka mid ah heshiisyo qarsoodi ah oo shirkado Soomaaliyeed la galeen kuwo ajnabi ah, si ay uga kalluumeystaan badaha Soomaaliya, iyadoo markaasina ay ku lug leedahay TNG-da uu hoggaamiyo C/qaasim Salaad Xasan.

 

Shirkad kalluumeysi oo magaceeda ku sheegtay Raas ayaa shalay shaaca ka qaaday in ay iyadu heysato markab ku sugan xeebta Baraawe, isla markaana ay u heystaan lacag ay ku leeyihiin shirkad laga leeyahay Jasiiradda Qubrus oo ay la galeen heshiis ay uga kalluumeysato xeebaha Soomaaliya sanadkii 2002-da.

 

Guddoomiyaha shirkadda kalluumeysiga Raas Mr. Axmed Nuur ayaa caddeeyay in dowladda KMG ah ay heshiiskaas wax ka ogeyd, una sharciyeysay, iyadoo weliba siisay ruqsad ah in ay ka kalluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo uu intaas kGuddoomiyaha shirkadda kalluumeysiga Raas Mr. Axmed Nuur ayaa caddeeyay in dowladda KMG ah ay heshiiskaas wax ka ogeyd, una sharciyeysay, iyadoo weliba siisay ruqsad ah in ay ka kalluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo uu intaas ku daray in TNG-du ay ku lug leedahay furdaaminta arrinta markabka lagu heysto Baraawe kadib markii ay dowladda Masar soo dhexgashay.

 

Arrintan ayaa TNG-da C/qaasim ku biirineysa kooxaha iibsaday badaha Soomaaliya, iyadoo aan horay loo soo bandhigin heshiis noocaan ah, ogolaanshana aan looga helin baarlamaankii ku meel gaarka ahaa intii uu shaqeynayay. Horay waxaa qaabkan sharci darrada ah ee badaha Soomaaliyeed loo iibsanayo ugu xooleysan jiray Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo maamulkiisa, maamulka Somaliland iyo qab qablayaasha qaarkood, iyadoo aysan jirin cid kula xisaabtameysa.

 

 

Wareegto uu soo saaray wasiirka kalluumeysiga Puntland oo muran ka dhex dhalisay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo ganacsato

Hiiraan.com Talaado,, February 17, 2004

 

Wareegto uu shalay ka soo saaray magaalada Garowe wasiirka Kalluumeysiga ee maamul goboleedka Puntland Md. C/risaaq Cali Siciid (Shaah-doon) ayaa muran ka dhex dhalisay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta iyo ganacsatada magaalada Garowe.

 

Wareegtadaan ayaa amreysa in shaqada laga joojiyay shirkadda kalluumeysiga ee SOMCAN, taasi oo ka mid ah shirkadaha ka kalluumeysta xeebaha Puntland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay la soo xiriiri weysay wasaaradda kalluumeysiga, isla markaana ay dalka soo gelisay sida uu hadalka u dhigay maraakiib badan oo shisheeye.

 

Waxaa wareegtadi si weyn uga soo horjeestay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Md. C/raxmaan Faroole iyo seddex ganacsato oo ka mid ah ganacsatada share-ka ku leh shirka kalluumeysiga ee SOMCAN.

 

War ay soo saareen wasiirka maaliyadda iyo ganacsatadaan ayay ku sheegeen in ay qoraal cabasho ah u diri doonaan madaxweynaha maamulka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku sugan magaalada Nairobi.Wasiirka kalluumeysiga C/risaaq Cali Siciid Shaah-doon ayaa labo maalmood ka hor ka soo laabtay safar uu ku tegay dalka Mareykanka, kaasi oo aan la sheegay wixii uu ku saabsanaa.

 

Si kastaba, khilaafkan ayaa laga cabsi qabaa in uu soo de dejiyo socdaal uu Col. C/llaahi Yuusuf ku yimaado magaalada Garowe, si uu arrinta u qaboojiyo, iyadoo wararku sheegayaan in ay korneelku aad isugu dhow yihiin ninka madaxda ka ah shirkadda kalluumeysiga SOMCAN, kaasi oo Col. C/llaahi Yuusuf ku wehliyay socdaal uu ku tegay dalka Thailand, halkaasoo ay heshiis kula soo galeen shirkado kalluumeysi oo ajnabi ah, waxaana loo maleynayaa in wasiirka kalluumeysiga Puntland ee soo saaray wareegtadan uusan arrintaas waxba kala socon.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

saladxiis@yahoo.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this