Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Ciidamada Tikreega ee Fadhiyay Deegaanka Balanbale oo dib uga gurtay halkaasi

Recommended Posts

C/waaq, 22-December-06 ( Qaadisiya.com) Wararka aanu ka heleyno Degmada Balanbale oo katirsan Gobolka G/guduud isla markaana ah goob ay mar waliba Ciidamada Itoobiyaanka si caadi ah u imaan jireen ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay wax badan gadaal uga gurteen.

 

Habeenimadii xalay ayaa dadweynaha deegaankaasi waxa ay kusoo waramayaan in ay arkayeen Ciidamo fara badan oo tikree ah oo kasii cararaya Deegaanka Balanbale dibna uga gurtay guud ahaan Dhulkii ay ka fadhiyeen Balanbale.

 

Waxay horey ugu lahaayeen Ciidamada Tikreega ah halkaasi 3saldhig oo ay ku kala lahaayeen Bari, Koonfur iyo Galbeed, waxaana xilliyadii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen inkabadan muddo 3-bilood ah.

 

Hadaba markii ay soo baxday in ciidamada tikreega ah ay ka baxeen Balanbale durba halkaasi u ruqaansaday Ciidamo katirsan Maxkamadda Islaamiga ah ee Imaamu Shaafici o dhowaan laga hirgeliyay Magaalada C/waaq ee Gobolka G/guduud.

 

Meelo si aad ah ugu dhaw meelihii ay ka baxeen Ciidamada Tikreega ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Maxaakimtu ay ka dhigteen Saldhig iyagoo halkaasi geeyay Ciidamo fara badan si aysan u suurta gelin in halkaasi ay dib ugu soo laabtaan Ciidamadii Tikreega ahaa ee ka cararay halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caabudwaaq 22, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamadii Ethiopianka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Ballan balle ayaa dib u gurasho sameeyay, ka dib markii culeys uu kaga yimid dadka deegaanka.

 

Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaanka Ballanbale ayaa waxa ay sheegayaan in dib u gurasho ay bilaabeen ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa halkaasi, ka dib markii ay ka cabsadeen duulaamo kaga yimaada ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka Somalia oo ku sugan degmada caabudwaaq

 

Dadka deegaanka Ballanballe ayaa waxa ay ku warameen in ciidamada Ethiopia ay codsi u jeediyeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo ku aadan sidii ay qori lahaayeen ciidamo ka hortaga maxkamadaha islaamka, iyadoo odayaasha ay ku gacan seyreen arinkaasi.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay bilaabeen in ay ka baxaan magaaladaasi markii dadka deegaanka ay ka dareemeen diidmo ku aadan wada shaqeyn ay la sameeyaan.

 

Arintaan ayaa waxa ay u tahay fursad maxkamadaha islaamka oo laga yaabo in halkaasi ay u diraan ciidamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this