Sign in to follow this  
xiinfaniin

P.I.S: A Poor Imitation of Mogadishu Antiterrorism Alliance

Recommended Posts

It's getting quite embarrasing ...read below.

 

That is PIS for you :D .

 

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Caawa Xabsiga magaalada Gaalkacyo laga siidaayey Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire oo kamid ah Wadaada gobolka Mudug kaas oo labo todobaad kahor amar kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Mudug lagu soo xiray islamarkaasna uu xarigiisu Jawhareer ku kaanay Howlaha Maamul ee gobolka Mudug.

 

Siideynta Sheekhan ayaa Waxaa amray islamarkaasna kaalin muhiim ah ka geystay Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax Islaanka Beesha Cumar Maxamuud,waxaana wararku ay sheegayaan in Islaanku uu amray siideynta Wadaadkan dabadeedna uu madaxweynaha Dawlada Puntland ogolaaday Amarkan,waxaana uu Amarku yimid kadib markii uu shalay Islaanku beesha uu Wadaadkani ka dhashay ku amray inay Malayshiyo beeleedka kasoo qaadaan Albaabka Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

 

Wararka siideynta Wadaadkan kasoo baxaya ayaa sheegaya in Wadaadkan markii xabisga laga siidaayey kadib la geeyey Guriga Islaanka islamarkaasna uu halkaas ka dhacay kulan aanan weli la hayn faafhaahintiisa,kaasoo markii danbena keentay in Wadaadkan dib uu xuriyadiisa u helo.

 

Xariga Wadaadkani wuxuu keenay in uu khilaaf xoogani soo kaladhexgalo Taliyaha Guud ee Booliska Puntland & Gudoomiyaha gobolka Mudug kadib markii uu Taliyuhu amray in hadii aanan wax danbi ah wadaadka lagu hayn xabsiga laga siidaayo,taas oo uu Gudoomiyaha gobolku ka dhago adaygay,waxaana markii danbe howsha soo fara galiyey Qeybaha kaladuwan ee Waxgaradka gobolka Mudug.

 

Beesha uu Wadaadkani ka dhashay & Qaarkamid ah Culimada ay Sheekh Ismaaciil isku xirnaayeen ayaa mudadii uu xirnaa Xabsiga Ilaalo weyn ka qabtay,waxaana dhowrjeer oo hore ay Rasaaseyni dhexmartay labada dhinac iyadoo shalayna lasoo qaaday ciidankii halkaas la geeyey taas oo ka danbaysay Amarka uu islaanku siiyey beeshan.

 

Xariga Wadaadkan waxaa Amray Gudoomiyaha Gobolka Mudug,waxaana lagu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya,waxaase imika muuqata in Amarka Gudoomiyaha & Eedayntiisu aysan midna shaqeynin islamarkaasna ay dadka qaarkood ka qaadeen shaki Siyaasadeed Xariga Sheekhan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Imaamkii Masjidka Salaaxudiin Shiikh Ismaaciil Khaliif Mire oo galabta la sii daayey.

Posted to the Web Sep 30, 17:32

 

Gaalkacyo:War haatan naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in galabta la sii daayey Imaamka Masjidka Salaaxudiin Shiikh Ismaaciil Khaliif Mire .

 

Sii daynta wadaadka ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay waxgaradka iyo cuqaal ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaana ugu tun weynaa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle .

 

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ka codsaday Maamulka Puntland in ay sii daayaan Shiikh Ismaaciil Khaliif Mire oo ay ciidanka PISta k qabteen Bartamaha magaalada Gaalkacyo 11 bishan September

 

Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobalka Mudug ee ku saabsan sii deynta Sh Ismail Khaliif ,mana jirto wax danbi ah oo wadaadka lagu soo oogay ilaa hadda ama wax maxkamad ah oo la horgeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha uu Wadaadkani ka dhashay & Qaarkamid ah Culimada ay Sheekh Ismaaciil isku xirnaayeen ayaa mudadii uu xirnaa Xabsiga Ilaalo weyn ka qabtay,waxaana dhowrjeer oo hore ay Rasaaseyni dhexmartay labada dhinac iyadoo shalayna lasoo qaaday ciidankii halkaas la geeyey taas oo ka danbaysay Amarka uu islaanku siiyey beeshan.

Interesting ................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

The game is still on, The end of PIS is here.

 

---

Dagaalladii ugu dambeeyey ee Galgala iyo saraakiil Puntland ka tirsan oo go’doon ku jira caawa (Warbixin).

 

 

Waxaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey si is daba jog ah uga soconayey kaymaha buuraleyda Galgala dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS) iyo ciidamo uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Siciid Atam.

 

 

Dagaalkan oo bilowdey darraad ayaa ciidamada Ashahaado la dirirku waxay guluf colaadeed ku qaadey fariisimo ay lahaayeen ciidamada Mujaahidiinta Galgala iyaga oo ka hor inta aaney dagaalka qaadin ku duqeeyey madaafiicda BM-ka.

 

 

Ilo wareedyo ka mid ah Mujaahidiinta deegaankaas ka dagaallamaya ayaa shaaca ka qaadey in dhamaan madaafiicdu ay ku dheceen meel loo yaqaan Macag oo in ka badan 30km xagga galbeed ka xigta goobaha ay mujaahidiintu ku sugan yihiin.

 

 

Saraakiisha hogaaminaya ciidamada Galgala oo aan xiriir la sameyney ayaa noo sheegey in ay dageen istaraatiijiyad cusub, isla markaana ay dib ugu gurteen dhulka kaymaha ah si ay halkaa jab weyn ugu geystaan ciidama Ashahaado la dirirka Puntland.

 

 

Dagaalka ayaa sidii qorshuhu ahaa u dhacay waxayna tageen ciidamada Ashahaado la dirirku goobo horey fariisin ugu ahayd Mujaahidiinta iyaga oo warbaahinta ku faafiyey iney fariisin koodii qabsadeen.

 

 

Saacado ka dib ayey ku war heleen weerar xoogan oo kaga yimid saddex dhinac waxaana ciidamada Mujaahidiintu ay dhabar jabin iyo dhinacyadaba kaga bilaabeen rasaas xoogan iyo waliba madaafiicda garabka laga tuuro.

 

 

Saraakiil ka tirsan Puntland oo aan xiriir la sameyney ayaa sheegey in dhimashada darraad ay ahayd 15 askari oo kaliya dhinaca Ashahaado la dirirka balse dhaawaca ayaa intaa aad uga badan.

 

 

Shalay iyo xalay ayaa sidoo kale waxaa dhacay dagaallo xoogan, waxayna qaar ka mid ah ciidamada Puntland ee jiidda hore joogaa sheegeen in dagaalkii shalay ilaa xalay ay kaga dhinteen ciidan gaaraya 30 Askari.

 

 

Maanta ayaa waxaa Boosaaso gaarey 3 baabuur oo ah baabuurta dhaawaca qaada ee Umplus-ta loo yaqaan iyo baabuur kale oo dhamaan sida askartii ku dhaawacmey dagaalkii xalay iyo waliba ugu yaraan labo Askari oo meyd ah waxaana baabuurtu ay toos u abbaareen xarunta Ashahaado la dirirka eek u taalla xaafadda Laanta Hawada ee Boosaaso.

 

 

Dhinaca Mujaahidiinta ayaa waxaa ka Shahiidey Asbuucii lasoo dhaafey labo Shahiid halka dhaawacana uu yahay labo Mujaahid oo dhaawocoodu uu sahlan yahay sida ay sheegeen qaar ka mid masuuliyiinta ciidamada mujaahidiinta Galala, waxaana loo aaneynaya arrintaas ciidamada Mujaahidiinta oo iyagu ku jira dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

 

 

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta Galgala oo aan caawa kula xiriirney khadka Telefoonka ayaa noo xaqiijiyey in ay hadda isweer ka hayaan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Puntalnd iyo waliba saxafiyiin la rabey iney sawirro iyo warar ka qaadaan goobihii ay dib u gurashada ka sameeyeen Mujaahidiintu,.

 

 

Saraakiisha ayaa waxaa la sheegayaa iney ku jiraan Siciid Dheere iyo waliba Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Gen:lka Jiir, lamana garanayo waxa ay ku dambeyn doonto go’doominta caawa ay ku jiraan saraakiisha iyo ciidamada Puntland.

 

 

Isku soo duuboo waxaa muuqata in jab xoogani uu soo gaarey ciidamada Ashahaado la dirirka Puntland oo iyagu dagaal gardarro ah ku qaadey deegaanka Galgala isla markaana wacad ku marey iney soo afjarayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee ku sugan deegaanka Galgala.

 

 

C/laahi Shawkaani

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this