Sign in to follow this  
Suldaanka

Faallada Aayaha.com (eX-Burtinleh)

Recommended Posts

Faallada Aayaha.com - Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyada gooni-u-goosadka, ama Waqooyi Galbeed, waxaad doonto ugu yeer, waxaan shaki ku jirin in 26ka Juun tahay maalin xusid mudan, isla markaana baal dahab ah kaga jirta taariikhda Bulsho-weynta Soomaaliyeed.

 

Shan iyo Afartan sano ayaa kasoo wareegatay maalintii uu gumeystaha Ingiriisku madax banaani siiyay dhulkii berigaas loo yiqiin British Somaliland. Xornimadaas iyada ah kuma aaney imaan dhalanteed ee waxaa naftooda u huray Naxariistii Janno Eebe haka waraabiyee Halgameyaal Soomaaliyeed oo geeri ka door biday gumeysi reer Galbeed.

 

Xornimadii 26ka Juun kadib, walaalaheen reer Somaliland waxey door bideen in ay la midoobaan koofurta Soomaaliya, iyagoo sugay afar casho, ilaa koofurta Soomaaliya madax banaani ka heshay Talyaaniga 1dii Luulyo ee sanadkii 1960kii.

 

Talaabada iyo go’aanka ay reer Somaliland qaadeen ee ay kula midoobeen Koofurta waxey aheyd talaabo taariikhi ah, bilowna u noqon kartay in la mideeyo shanta Soomaali. (Somaliland, Koofurta, Somali Galbeed, Jabuuti, iyo NFD).

 

Midowgii labada gobol kadib, waxaa bilowday loolan siyaasadeed oo u dhaxeeyay hogaamiyeyaashii Soomaalida ee metalayey beelaha qaarkood. Dowladii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo aheyd tusaalihii ugu horeeyay ee Nidaam Dowladnimo, ma waarin ee waxaa looga guuleystay doorashooyin musuqmaasuq dilooday oo dalka ka dhacay, wuxuuna Madaxweyne Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ka degay xukunkii isagoo tusaale u noqday Soomaali keliya maahee, Afrikada oo idil.

 

Aadan Cadde kadib, waxaa xukunka la wareegay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, balse laftiisu ma waarin oo nasiib daro waa la dilay, waxaana xigay oo xukunka la wareegtay xukuumadii Mileteriga aheyd ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

 

Inkastoo xukuumadihii talada dalka soo qabtay intii u dhaxeysay 1960-1969 lagu tilmaami jiray xukuumadihii Musuqmaasuqa, hadana xukuumadii Mileteriga ee 1969-1990 ayaa noqotay aabihii Musuq-maasuqa.

 

Taariikhda xukuumadii Mileteriga dib ugu laaban meyno oo inteena badan waan ka dheregsannahay, balse waxaan tilmaami lahaa oo qura in walaalaheen Reer Somaliland ay dhibaatooyin aan la koobi karin kala kulmeen xukuumadii Mileteriga aheyd. Nabsigii ay gashay xukuumadii Mileteriga iyo aamusnaantii shacab weynaha Soomaaliyeed ayaadna moodaa in uu na dhaxalsiisay ayaan darada maanta Soomaali haysata, meel kastoo ay ku sugan yihiin.

 

1991 ayey Reer Somaliland sheegeen in ay dalka intiisa kale ka go’een, dagaalo sokeeye, dib u heshiisiin, iyo dib u dhis kadib, maanta Somaliland waa degaanka ugu xasiloon Shanta Soomaali, marka laga reebo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabbuuti.

 

Reer Somaliland waa dad ka tashaday aayahooda, sugay amniga degaankooda, qabtay doorashooyin, dadaalna ugu jira dib u dhiska dhulkooda. Horumarka ay gaareen waa mid ku dayasho mudan. Sidii ay Koofurta uga hormareen hanashadii xornimada ee 1960kiina, waxey maanta ka horeeyaan Koofurta Soomaaliya, ee ay dagaal-oogayaasha shacabka madax furashada u haystaan.

 

Iyagoo ka faa’ideysanaya fursadan, ayey aheyd in sidii 1960kii ay Reer Somaliland muujiyaan hogaan siyaasadeed oo qaan gaar ah, iyo siyaasad ka madax banaan caadifad qabiil, iyo cuqdad gaamurtay.

 

Midnima-doon iyo Somalilander midkuu doono ha ahaadee, waxaan filayaa in aaney jirin cid maanta u ololeyneysa in ay Somaliland haatan kusoo biirto Koofurta oo ah dhul isagiiba dhiig dhex dabaalanaya.

 

Inta laga helayo dowlad dhexe oo Soomaaliyeed oo awood u leh in ay gorgortan la gasho walaalaheen Reer Somaliland, waxaa muhiim ah in aan taageerno tusaalana ka dhigano horumarka dhaqan, dhaqaale, iyo siyaasadeed, ee ay walaalaheen reer Somaliland ku guda jiraan.

 

Sida ku cad taariikhda wixii ka horeeyay xilligii gumeysigu soo caga dhigtay dhulkeena sanadkii 1884, ma jirin wax la yiraahdo British Somaliland, Italian Somaliland, French Somaliland, NFD, ama Somali-Galbeed, balse magaceenu wuxuu ahaa SOOMAALIYA.

 

Sidaa daraadeed waxaan walaalaheen reer Somaliland xusuusinayaa in Koofur iyo Waqooyi, Bari iyo Galbeed, iyo NFD-ba ay Soomaali yihiin, waxa mideeyana uu yahay magaca Soomaali. Markaa ninkii doono haku darsado Land, kii Doonana, Koofur, galbeed, Bari, ama Waqooyi, balse Soomaali waa mid qura

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Burtinleh.com is right, dadaalka reer Somaliland waa mid ku dayasho mudan. And if you look at the mess in the south (which is meant south of Gaalkacyo) than you cant blame Somalilanders for not wanting to join the rest of Somalia, at least not now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sky

"Joining" Or "NOT" that was not what I was talking about.

 

But what I really found interesting was the honesty "daacadnimoda" shown from the reporter's side. Haven't read such an honest opinion from that corner.

 

All I read in other opinionated websites is some cheap "nationalist' stride that doesn't resonate beyond the writer's own ears. In fact, that kind of bullshit doesn't help anyone at all. Many Somalilanders recieve that kind of qiiro-japan Somalism as an insult to their nationalistic stride and surely reminds them of why they would no longer have anything to do with these people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this