Sign in to follow this  
raadamiir

Breaking News: AU approves Ciidamo la geeyo Soomaaliya..................

Recommended Posts

Banjul: Shirkii AU oo lagu go'aamiyay in ciidamo la geeyo Soomaaliya iyo qodobbo kale..

Monday, July 03, 2006

 

Banjul(AllPuntland)- Shirkii ka soconayay mudada labada maalmood ahayd magaalada Banjul ee dalka Gambiya ayaa xalay lasoo gabo gabeeyay.

 

Waxay isku waafaqeen madaxda midowga Afrika in ciidamo loo diro dalka , ciidamadaasi oo ka imaanaya dalal kala duwan , si dalka xaaladdiisa ay wax uga baddalaan.

 

Waxaa lasoo jeediyay inta aan ciidamada la dirin in guddi xaqiiqo raadin ah ay Afrika u dirto dalka Soomaaliya , kaasoo soo qiimeeya arimo ay kamid yihiin , xaaladda ammaanka , sida hubku ugu kala badan yahay dalka Soomaaliya.

 

Go'aammada kale ee shirka laga soo saaray waxaa kamid ah in la sii wado wada hadalka dawladda iyo maxkamadaha Islaamiga ee la wareegay Muqdisho , si ammaanka uusan faraha uga bixin.

 

Madaxwaynaha dalka Congo Danis Saso Inguweso ayaa sheegay inay Afrika aad u danaynayso inay xal ka gaarto dhibaatooyinka gudaha ee dalka ka jira , ayadoo hadba qaadaysa tallaabooyinka arintaasi lagu gaari karo.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go'aamada Afrika ay gaartay ,wuxuuna sheegay in go'aamadaasi ay u baahan yihiin in la fuliyo.

 

Madaxwaynuhu wuxuu Aljazeera u sheegay inuu in badan ku jiray sidii dalka nabad loogu soo dabbaali lahaa , hubkana malleeshiyaadka looga dhigi lahaa, asagoo sheegay in dalkana ciidamo in la keeno ay lagama maarmaan tahay.

 

Si kastooy ahaataba qodobadan lasoo saaray fulintooda waxay sugaysaa midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Related Articles

 

Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com|

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this