Sign in to follow this  
djibsomali

1 MILLION PEOPLE .. THAT IS ALL IN SOMALILAND

Recommended Posts

Hargeysa (Togdhnews)- Wargeysa Jamhuuriya, ayaa markii ugu horreysay xogo ku saabsan liiska natiijadii ka soo baxday kala-shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo 27kii July

 

 

 

 

 

hay’adda Interpeace ee dalka laga saaray u gudbisay saddexda xisbi qaran.

 

Xogtan oo u qaybsan saddex qaybood oo kala ah tirada guud ee codbixiyeyaasha gobol kasta la geliyey mishiinka seerfarka (Surfer), tirada codadka gobol kasta xumaatay iyo natiijada rasmiga ah ee gobol walba uga soo hadhay kala-shaandhayntii diiwaangelinta.

Nuqul ka mid ah liiska Interpeace u gudbisay axsaabta qaranka oo Jamhuuriya helay, ayaa lagu sheegay tirada guud ee codadka la geliyey seerfarku dhan yihiin 1,348,060 (milyan, saddex boqol afartan iyo siddeed kun iyo lixdan) codbixiye, tirada codadka la tirtirayna yihiin 201,674 (laba boqol iyo kow kun, lix boqol iyo toddobaatan iyo afar) cod, iyadoo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kala-shaandhayntii diiwaangelintuna dhan tahay 1,146,396 (milyan, boqol afartan iyo lix kun, saddex boqol sagaashan iyo lix) codbixiye.

Haddaba, waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda lixda gobol ee dalka oo muujinaysa mid walba codadka guud ee la geliyey seerfarka, tirada xumaatay natiijada gobol kasta uga soo baxday kala shaandhayntii diiwaangelinta.

Gobolka Codadkii la geliyey Seerfarka Tirada xumaatay Natiijada rasmiga ah

1 Hargeysa 424,216 35,851 388,375

2 Togdheer 3,22,712 50,998 271,714

3 Saaxil 52,201 4,215 47,986

4 Sanaag 208,577 59,527 149,050

5 Awdal 201,998 20,045 181,953

6 Sool 138,356 31,038 107,318

TOTAL 1,348,060 201,674 1,146,396

 

Liiskan oo axsaabta qaranka loo gudbiyey 27kii bishii la soo dhaafay ee July oo labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID si buuxda u aqbaleen, isla markaana u saxeexeen in doorashada lagu galo, balse xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa isagu si adag uga boodday una diidday natiijada diiwaangelinta ee hay’adda Interpeace soo bandhigtay, iyadoo la tuhunsan yahay in Madaxweyne Rayaale dabada ka riixay diidmada xisbigiisa, arrintaas oo loo aanaynayo in uu ka dhashay go’aankii degdegga ahaa ee Komishanka Doorashooyinku ku laalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo tallaabadii xigtay ee xukuumaddu dalka kaga eriday wakiilkii Somaliland ee hay’addaas oo gacanta ku haysay hawsha kala-shaandhaynta diiwaangelinta.

 

 

Source.. Jamhuuriya

[ Back ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Bnn)-Xildhi baan Axmed Maxamed Nuur oo ka tirsan Gudida arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaac oo ka tirsan Xildhibaanada ka soo jeeda Xisbiga UDUB ee Golaha Wakiilada.

 

 

 

ayaa Shirjaraa’id oo uu shalay qabtay kaga waramay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka ka taagan, gaar ahaan Diiwan-galinta iyo Bilawga Ololaha Doorashada isagoo Musharaxiinta Mucaaridka ah ugu baaqay inay Tartanka ka qayb galaan, hadii kale Xisbiga Udub cidlo ka heli doono, sidoo kale waxa uu sheegay kamaqnaanshahoodu in aanu waxba u dhimi doonin qabsoomida Doorashada.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay Muranka Siyaasadeed ee Golayaasha Barlamaanka ka Aloosan in uu yahay mid aan isu soo dhawayn ka shaqaynaynin, isaga oo dhaleeceeyay Mooshinada ka dhex socda in ay yihiin kuwo fadqalalo galinaya Xaalada.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur waxa uu ku eedeeyay Hay’adda Inter Peace iyo Wakiilkeedii Samora in ay dalka galiyeen Xaalad Siyaasadeed oo murugsan oo ay la doonayeen in ay ku mijo xaabiyaan Qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay Eriga samora inay ka wanaagsanayd in la Maxkamadeeyo si looga jaro Danbiga uu Dalka ka galay, waxaanu shacbiga ugu baaqay in ay Taageeraan Go’aanka Koomishanka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

 

“Ujeedada laga lahaa Diiwaan galinta codbixyayaasha waxay ahayd in la helo Doorasho xor ah oo xalaal ah, iyo in la joojiyo ku noqnoqoshada, markii ay bilaabantay Diiwan-galintu waxa loo maray nidaam xun oo ka horyimid ujeedooyinkii laga lahaa, waxaanay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaana sabab u noqday Tartan ka dhex dhashay Degmooyinka iyo Goboladda oo islahaa yaan lagaa badin

 

Waxa kale oo ka qayb qaatay Axsaabta iyo komishanka oo waxba ka qaban waayay Joojinta iyo Sixitaanka Qaladaadka dhacay, waxa kale oo dhacday markii waxba laga qaban waayay Gobolka Saaxil inuu qof walba meesha uu tago kaga celceliyo, waxa kale oo jiray caruur yar yar oo isdiiwaangaliyey warka25.jpg

taasoo dhalisay saddex jeer laab tiro ka badan intii la filayay inay soo baxday (HENCE TOGDHEER OVERTAKING THE AWDAL AS THE SECOND POPULATED AREA) , tusaale ahaan Tiradii Doorashada Wakiilada Qofkastaana Danbigan qayb buu ku leeyahay.

 

Qoladii Hay’ada Inter Peace ayaa hawshaas tidhi waxbaanu ka qabanaynaa oo qalab baanu keenaynaa tiina waxba kamay socon , oo Ninkii Inter Peace haystay wuu kari waayay, qalabkuu sheegayay in uu wax qabto, waxa uu noqdayba inuu ku dhex milmo Axsaabtii, wuxuu keenay Shuruudo xataa waxa uu yidhi Koomishankii ha la badalo, ilaa uu khalkhal ina galiyay oo Nabad galyadeenii yarayd uu ku duulo, waxa dhacday khabiirkii la soo diray ee Maraykanka ahaa inuu eego Qalabkii Markuu arkay inuu shaqayn waayay,ayuu isugu yeedhay Axsaabtii iyo Komishankii waxaanu sheegay tayo La’aanta Qalabka isaga oo waliba raaciyay in si qaldan xataa loogu shaqeeyay

 

Markay ahayd 27kii July ayuu Samora soo saaray Saddex Qodob oo kala ah :

 

1 In Tirada soo baxday ee khaladaadku ku jiro sidooda loo qaato oo lagu hawl galo

 

2 in la sugo inta la kala shandhaynayo ee loo keenayo qalab iyo shaqaale wax ka qaban kara.

 

3 in lagu galo Diiwangalin la’aan

 

Intaa markay marayso ayay Komishankii Go’aan dhab ah qaateen, waxaanay laaleen Diiwaan-Galintii, waxaanay qaateen bilaa Diiwan-galin in Doorashada lagu galo waanan ku qanacsanahay waan Taageersanahay, walaalayaal waxay leeyihiin Axsaabtii Mucaaridka ahaa ma yeelayno, Go’aankaas oo Diiwan-Galintii baanu doonaynaa, waxaan leeyahy Timir Lafbaa ku jirta waa in Burbur, dhibaato iyo isdil meeshii uu ka dhasho.

 

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Aqooni maalin bay Da’daa Komiishankii Qaranku Aqoontoodii way Cilmiyeeyeen, waxay sidaa u yeeleen waxay ogaayeen dhawrkii jeer ee Doorashadu dib u dhacday iyo Xiisadii ka dhalatay, waxay ku xisaabtameen Xiligii Doorashada oo dhaw, markay halkaa marayso waxaan halkan ku taageerayaa Mawqifkii Xisbiga Talada hayay ku Taageereen Go’aankii Komishanka Doorashooyinka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this