Sign in to follow this  
Gar-haye

Ethiopian soldiers get ambush twice in a single day and suffer heavy casulties

Recommended Posts

Gar-haye   

Dagaal 2-aad oo lala beegsaday ciidamada Gumeysiga itoobiya

 

By Somalimirror on 31 Jul, 2008 10:37 PM in Main, Wararka

 

mujaahid-duur.jpgAbaarihii 04:00 galabnimo illaa 06:00 Makhrib ee caawa ayay Mujaahidiinta JABISO iyo MMIS Dagaal culus kula beegsadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya halka lagu magacaabo “Qardho” oo ku taala waqooyiga galbeed ee Degmada Lego ee Gobolka Shabeelada Hoose. Afahayeen Howl-galada Ciidamada JABISO oo lagu magacaabo Farxaan Cabdi Cilmooge oo la soo xiriiray Shabakadda Somalimirror ayaa u xaqiijiyay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay kula galeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya in ka badan 1:30 halka lagu magacaabo “Qardho” isla markaana ay khasaaro isugu jira gubid Baabuur naf iyo maal intaba gaarsiiyeen. Afahayeenka ayaa intaa ku daray in dhinacooda uu ka shahiiday hal wiil mid kalana uu soo gaaray Dhaawac fudud isla markaana ay ku qasbeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya in mudo afar saacadood ah ay wax dhaq-dhaqaaq ah ka sameyn halkii ay ku weerareen. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyay in ay arkeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo jiidanaya 4 gaari oo gubatay kuwaas oo la aaminsanyahay in mid ka mid ahi saaka lagu gubay Dagaal culus oo ay mujaahidiintu kula beegsadeen ciidamadaasi inta u dhaxeysa Deegaanka Yaaqbariweyne iyo Balidoogle. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa la sheegayaa in abaare 08:00 fiidnimo ee caawa ay ka dhaqaajiyeen halkii uu dagaalku ku qabsaday iyaga aan la sheegi Karin in ay caawa si nabad ahi ku sii guurayn doonaan iyo in kale.

 

Qof goob jooge ah ayaa sidoo kale u sheegay Somalimirror in ciidamadan oo wata 23 Ural oo qaarkood ay jiidayaan madaafiicda goobta ay xalay abaare 08:00 fiidnimo ka baxeen xaruntii hore ee Asluubta isla markaana ay xalay ku hoydeen Degmada Afgoye oo ay saaka waabarigii hore ka ruqaansadeen. Lamana sheegi karo illaa iyo hadda halka ay ku wajahanyihiin iyo sida ay ku nabad tagi karaan.

 

Mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa iyagu weerarada dhabo galka noocan oo kale ah kula beegsada ciidamada Gumeysiga Itoobiya dhamaan gobolada Dalka ee ay ka sameeyaan dhaq-dhaqaaqyada waxa ayna arintani fariin cad u diraysaa sida aysan ciidamada Gumeysiga si nabada ah uga bixi Karin soomaaliyana una soo galin Karin ciidamo cusub intaba.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D rag rag dhalay dheh !

 

the brave young lads gave the filthy tigre a licking, they should put an equal number of tigre lackeys out of their misery as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badanaa masaakiintaas dhaamanayo waa Oromo and oppressed men xoog lagu soo qafaalay, who have no choice but to fight for their lives since ogeyn even meesha ee ka dagaalamayaan. Tigre madaxda sarsare ee hoggaanka lee waaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this