Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cade Muuse Talks About Bugland

Recommended Posts

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland Generaal Cade Muuse ayaa waxa uu ka digay in uu faraha ka baxo amaanka maamulka Puntland.

 

Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka sii daraysay xaaladaha amaan ee maamul goboleedka Puntland ayaa arintaasi waxaa markii ugu horaysay ka hadlay Generaal Muuse Xirsi Cade oo ah Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland.

 

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland Generaal Cade Muuse Xirsi oo u waramayay Shabelle isagoo ku sugan magaalada Qardho ayaa sheegay in hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka amni daro ee maalmahan ku soo batay Magaalooyinka hoos yimaada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan xitaa xarumihii maamulkaasi in ay arintu noqonayso in la isaga cararo Puntland isagoo ku sababeeyay afduubka iyo dilalka ka dhacaya halkaasi.

 

Dhanka kale Generaal Cade Muuse Xirsi ayaa waxa uu sheegay in uu Siyaasada isaga fariisanayo kadib 47-sano oo uu soo shaqeeyay islamarkaana doorashadii ugu danbaysay looga adkaaday xilka Madaxtinimo oo uu uga guulaysatay Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo iminka talada haya.

 

Cade Muuse ayaa intaasi ku daray in uu hubka meel iska dhigay hada kadibna waxa looga fadhiyo ay tahay talo iyo in uu wax ka qabto inta awoodiisa ah goobta uu xilligaasi ku suganyahay.

 

Hadalka Cade Muuse ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbayay laga soo sheegayay maamul goboleedka Puntland dhibaatooyin amni daro oo ay kamid yihiin qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo loo gaysanayo dad ay ku jiraan Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka amni daro ee maalmahan ku soo batay Magaalooyinka hoos yimaada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan xitaa xarumihii maamulkaasi in ay arintu noqonayso in la isaga cararo Puntland isagoo ku sababeeyay afduubka iyo dilalka ka dhacaya halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tuute muuse is my fav puntland president wa dacad wa ninki yidhi Aniga ciyaal beezaani waayee nooh siida xamar le uu seexday . Garowe uma seexan. wa sheekadii xaabsade oo kalle eeh hargeisa ka dhacday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Horseednet

 

Cadde Muuse;"Waa in dadweynaha Puntland ay ka Shaqeeyaan Midnimada iyo Amaanka". | read this item C/qani C/laahi Cabdi

 

Horseed Media.

 

Madaxweynihi hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadweynaha Puntland ay u istaagan sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo Midnimada Puntland.

 

Cadde Muuse ayaa waxaa u intaasi ku daray in dhibaato ay imaanayso hadi qof kasta la afduubo,taaso buu yiri marka dambe horseedi doonto in Hay’addaha wax u qabanaayay shacabka ay isaga baxaan dhamaantood degaanada Puntland.

 

“Aduunka oo dhan waxaa ay diyaar u yihin in ay wax nala qabtaan,laakin marki arimahaasi loo kur galooba waxaad maqlaysa wax aad ka naxdo”,ayuu yir Jeneraal Cadde Muuse.

 

Wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in wax u qabto qofkasta meesha u joogo.

 

Kulan ula qaatay Madaxweyne Faroole

 

 

Md.Cadde Muuse ayaa sheegay in kulan ay wada qaateen Madaxweynaha iminka ee Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud “Faroole”,waxaana u xusay in ay is afgarteen,inkastoo uusan carabaabin waxaa ay isku afgarteen.

 

Waxaana u intaasi ku daray in ay ka go’aantahay in u ka shaqeeyo mashaaricda iyo horumarka Puntland.

 

Ma doonaayo in aan wax xukumo,waxaana ahay Odey talo ayaan leeyahay”,ayuu yiri.wuxuuna shaaciyey in u isaga baxay Siyaasada una tibaaxay in u mudo 47-sano ka soo shaqaynaayay una sheegay in u hubka isaga dhigay.

 

Ugu dambeyn Madaxweynihi hore ee Puntland waxaa u ugu baaqay Dowlada Puntland iyo shacabka in ay ka shaqeeyaan amaanka guud ee degaanada Puntland.

 

Si kastaba arimahan ayaa ku soo beegmayaan xilli falal amaanka liid ku ah ay habeenadi ugu dambeeyey ay ka dhacaayeen qaar ka mid ah gobolada Puntland.

 

Horseed Media.

 

 

”Ma doonaayo in aan wax xukumo,waxaana ahay Odey talo ayaan leeyahay”,ayuu yiri.wuxuuna shaaciyey in u isaga baxay Siyaasada una tibaaxay in u mudo 47-sano ka soo shaqaynaayay una sheegay in u hubka isaga dhigay

I don't think he would say this, if he had other motives but as JB says "I knew his return was not just a return" but of course JB, (who seems to always hide the source), would like us to believe otherwise.

 

NW Somalis and their love of conspiracy theories! When will it end.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this