Sign in to follow this  
raadamiir

BREAKING NEWS: ICU Flee Bandiraleey As Puntland Forces Come within 2 KM!!!

Recommended Posts

Bandiiradleey: Waa sidee xaaladda Bandiiradleey iyo degmooyinka ku heeran?

Talaado, November 14, 2006

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Bandiiradleey (AllPuntland) - Saraakiil ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dhowaadeen magaalada Badniiradleey oo ay ku sugan yihiin ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Meel u jirta qiyaastii 2 KM ayaa ciidamada maamul goboleedka Puntland waxa ay u jiraan Bandiiradleey.

 

Qaar ka mid ah wariyayaasha AllPuntland oo booqday jiidda hore ee labada ciidan u dhaxaysa, waxa ay kula soo kuleem hor joogayasha ciidamada ku sugan jiida hore.

 

Waxa ay inoo sheegeen in ciidamada ugu horeeyaa joogaan meel 2 KM u jirta luwa Maxkamadaha, ee Bandiiradleey qabsaday.

 

Marka aad istaagto goobta ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland ayaa waxaa kuu muuqanaya dhismayaasha Bandiiradleey.

 

Waxaa halkaasi ku sugaa ciidamo aad u fara badana.

 

Ciidamadaasi ayaa markii aannu la sheekaysanay waxa ay inoo sheegeen in ay diyaar u yihiin dagaal, waxay sheegeen in saacad kasta xabadu qarxi karto.

 

Waxaa si caadi ah u soconaya gaadiidka isaga kala safra gobolada Koonfurta iyo Puntland iyo kii degmooyinka koofureed, isusocodka safaradana dagaalku wax saamayn ah kuma uu yeelan.

 

Tuulada Badniiradleey ayaa waxaa gabi ahaanba ka qaxay bulshadii daganayd, iyada oo ay degmadu u ektahay meel dagaal oo aanay dad badani ku noolay.

 

Waxa uu sidoo kale saamayn ku yeeshay dagaalku degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor.

 

Waxaa saacad waliba laga cabsi qabaa in uu dagaal dhex maro ciidamada isku hor fadhiyada duleedka Bandiiradleey.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

 

Ciidamadii maxkamadaha Islaamka, ayaa dib uga soo baxay magaalada Bandiiradleey, kadib markii Col. Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid iyo ciidamo xoogan oo uu watao ay u soo dhaqaaqeen dhinaca deegaankaasi.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado, Nov 14, 2006

 

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

BREAKING NEWS: ICU FLEE BANDIIRALEEY

 

 

Wararka ka imaanaya degmada Bandiiradleey, ayaa sheegaya in ciidamadii maxkamadaha ee dhawaan qabsaday deegaankaasi ay shalay galab dib uga soo baxeen, iyagoo sababtana ku macneeyey weerar xoogan oo ay filayaan in uu kaga yaimaado Cabdi Qayb-diid oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo.

 

Ciidamada Maxkamadaha, ayaa la sheegay in ay gawaaridoodii dagaalka dib ugu soo celiyeen deegaanka Galinsoor oo ay markii hore weerarka ka qaadeen.

 

Xasan Cali oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Bandiradleey, ayaa u xaqiijiyey in dhammaan ciidamadii maxkamadaha ee qabsaday deegaanka ay dib uga baxeen.

 

Ciidamada Col. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa la sheegay in ayagoo ku hubeysan gaadiid dagaal oo farabadan ay ku soo wajahan yihiin dhinaca deegaanada Isniintii dagaalada gaadmada ah lagu qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maleeyshiyadii maxkamadaha ee soo gaaray deegaanada bandiiradlay ayaa dib uga laabtay kadib markii ay arkeen ciidamo xoogan oo maamulka puntland keenay meel ku dhaw aaga ay fadhiyeen

Posted to the MOL November 14, 2006, 6:51 am

 

 

Gaalkacyo:- Wararka ka imaanaya degmada Bandiiradleey, ayaa sheegaya in ciidamadii maxkamadaha ee dhawaan qabsaday deegaankaasi ay shalay galab dib uga soo baxeen, iyagoo u kicitimay dhinaca degmada Cadaado oo ay awal saldhigyo ku lahaayeen aritnaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii maamulka Puntland uu cudud milatari soo dhoobay deegaanada ku dhaw meesha ay Maxkamadahu fadhiyeen.

 

Ciidamada Maxkamadaha, ayaa la sheegay in ay gawaaridoodii dagaalka dib ugu soo celiyeen deegaanada Galinsoor iyo Cadaado oo ay markii hore weerarka ka soo qaadeen.

 

Dhinaca kale waxaa shalay galab soo gaaray Magalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Ciidamo iyo Tagniko uu wato Col: Cabdi qaybdiid oo ciidamo uu lahaa ay isniintii dagaal gaadmo ah la galeen Maxkadaha oo ay ka qabsadeen gawaari dagaal.

 

Ciidamada Col. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa la sheegay in ayagoo ku hubeysan gaadiid dagaal oo farabadan ay shalay galab soo galeen dhinac koonfureed ee magalada galkacyo.

 

Wali waxaa ka jira cabsi dagaal oo weyn degaanka Bandiiradley iyo Galinsoor iyadoo dadka deegaankaas laga soo sheegayo dhibaatooyin badan oo ku yimid ka dib markii ay ka qaxeen deegaankoodii oo ay soo weerareen Maxkamadaha Muqdishu.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntand, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Gaaray Waqooyiga Bandiiradley...

 

Waraka naga soogaaraya aaga dagaalka ee jiidda hore ayaa sheegaya in ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland waqooyiga Bandiiradley halkaasi oo ay Axadii ka dheceen dagaalo aan sidaas u sii xoogbadnayn.

 

Taliye Ciidamada Daraawiishta Aagaga Mudug Maxamud Muuse Ilka Dheere oo saxaafada kula hadlayay aaga dagaalka ee waqooyiga Bandiiradley ayaa sheegay in ay Puntland is difaaci doonto islamarkaana aysan cidna weerar ku ahayn balse haddii lagu soo gar******o ay xoog isku difaaci doonto, taliyaha ayaa intaa ku daray in wixii halkaas hada ka dib ka dhaca ay eeda dagala iyo dhibta qaadan doonto cidii ku soo duusha dhulka aanu gacanta ku ahyno ee nabad ah islamarkaana la isaga daba xisaabtami dono oo aan nina loogu aaba yeelayn.

 

Xoogaga Ciidanka Daraawiishta oo wata baabuurta gaashaaman ee dagaalka ayaa gaaray aaga hore ee dagaalka gaar ahaan waqooyiga Bandiiradley sida ay nagu soo gaarayaan wararkii ugu danbeeyay ee hada aagga soo gaaraya bandiiradley iyo aaga dagaalka.

 

Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waqooyiga Bandiiradley, warka ayaa intaa ku daraya in ay halkasi isaga baxeen cidamadii maxaakiimta ee shalay gacanta ku dhigtay Bandiiradley kadib markii ay arkeen xoogaga ku soo fooleh oo aysan u babacdhigi karin, waa sida warku u dhigay'e.

 

Kabixida maxaakiimta ee bandiiradley ayaa timid ka gadaal xooga iyo quwada ciidanka puntland ee ku sii siqaya Bandiiradley hadana gacanta ku haya waqooyiga Bandiiradley oo dhan iyaga oo sheegay in ay halkaasi u tageen sidii ay uga sifayn lahaayeen Bandiiradley wax ay ku tilmaameen burcad dhulbalaarsi wada oo aan loo dulqaadan doonin waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ay hada ka jiraan aaga hore ee dagaalka cabsi dagaal oo laga cabsi qabo in ay fooda isdaraan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo aan sidaa u kala fogayn dadbadan ayaa ka qaxaya guryahooda ee ku kala yaala galinsoor, cadaado, Bandiiradley oo intuba ah bartilmaameed dagaal caawa.

 

Xaalka ayaan lasaadaalin karin iyo sida ay wax noqondoonaan balse waxaa la ogaan doona warka oo dhan marka ay wax dhacaan cida ku adkaada gacan ku ahynta dhulka dagaalku uu ka taagan.

 

 

 

Xoogaga Ciidanka Daraawishta puntland ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay dhulkooda difaacdaan xaqna ay tahay in ay is difaacaan hadii lagu soo duulo iyaga oo aan nina u aabayeelayn.

 

 

Siqida ciidnanka Daraaiishta ee waqooyiga Bandiiradley ayaa waxaa ku weheliya Culumo'awdiin iyagu u khudbeeyay ciidanka daraawiishta oo halkaasi u tagay sidii ay ciidanka ula qaybsan lahaayeen difaacida dalka isla markaana ay utsin ama uga dhaadhicin lahaayeen waxa ay diinta islaamku ka qabto difaacida dalkooda.

 

A/rizak koronto, somalitalk.com

Garowe Puntland

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Xoogaga Ciidanka Daraawishta puntland ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay dhulkooda difaacdaan xaqna ay tahay in ay is difaacaan hadii lagu soo duulo iyaga oo aan nina u .
aabayeelayn

Nina u aabayelayn.....this should ring a beell in Qeybdiids mind, that he is the same as those warring maxakamins. Hence he should not act as shield to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Juje, I am suprised, you thought Puntland was the same as the warlords in Mogadishu? My boy dont get it twisted the land is vast and the clans are well armed, today 3000 or more troops are in South Mudug, and some have already arrived in Benderadla.

 

Peace is goof for everyone, if the Clan courts want peace they need to stop the delusions. Aydeed before them failed in Mudug and Bay, they are heading for the same story.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Peace is goof for everyone, if the Clan courts want peace they need to stop the delusions. Aydeed before them failed in Mudug and Bay, they are heading for the same story.

Widayo maad ka jogtiis, hadalkaan hadal aya ka dambeyn doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, I am confident that the agression of the Clan Courts and their supporters will only strengthen the Puntland state and other Somali regions in the long run.

 

Also it matters not however you mask your words, this is not 1991 and we have nothing to fear but fear itself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this