Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi to hold a cabinet meeting in Villa Somalia

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka dhawaajiyay maanta in labada maalmood ee soo socda uu Muqdisho tagayo uuna kulan Wasiirradiisa ugu qaban doono Villa Soomaaliya

Posted to the Web Sep 18, 16:30

 

 

Jowhar:- (PP) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta gaarsiiyay qoraalka Hay’adaha UN-ka ee Nairobi ku sugan iyo Beesha Caalamka ayaa ku sheegay qoraalkiisaas inuu labada maalmood ee soo socota tegi doono Muqdisho isla markaana uu wasiirradiisa kulan ugu qaban doono Madaxtooyadii hore ee Soomaaliya ee Villa Somalia oo uu sheegay inay tahay Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Qoraalkaan oo maanta loo qaybiyay Hay’adaha UN-ka, madaxda Waddmada deeqaha bixiya iyo Beesha Caalamka oo wixii ku qornaa ay heshay Puntlnadpost ayaa waxaa hadalladii ra’iisul wasaaraha ugu muhiimsanaa:

 

“Waxaan labada maalmood ee soo socota tegi doonaa Muqdisho, waxaanan kula kulmi doonaa Wasiirrada Dowladeyda, innagoo ku kulmi doonno Xarunta Villa Somalia, waxaan sidoo kale ku dadaali doonaa sidii aan u dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, waayo danta guud ayaa ka horreysa danta gaarka ah,waxaanan ku dadaali doonaa sidii aan meesha uga bixin lahaa tuhunka jiraâ€.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa ka codsaday wasirradiisa inay dhankooda ku dadaalaan sidii khilaafka loo dhameyn lahaa, wuxuuna sheegay Ra’iisul wasaaruhu in IGAD iyo Midowga Afrika ay Soomaaliya ka kaalmeyn doonaan dhanka nabadda, sidoo kalena ay beesha Caalamku ka kaalmeyn doonto Soomaaliya dhanka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, “Taasina waxay dan u tahay Shacabka Soomaaliyeed†ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Geeddi.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhawaan caddeeyay inuu tagayo Muqdisho si uu ula kulmo wasiirradiisa kuwa muxaafidka ah iyo kuwa muraacadka ah intaba, waxaa warar ay si gaar ah uga heshay Puntlandpost xubno ku dhowdhow Ra’iisul wasaaraha sheegayaan in Beesha Caalamku ay ku cadaadinayso Ra’iisul wasaaraha inuu la kulmo Wasiirradiisa kuwa mucaaradka ah, uuna kulankaas ka dhaco Muqdisho.

 

Isku soo duuboo kulankaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Aqoonyahannada Soomaaliyeed oo u arka inuu ku jiro xalka dowladda Federaalka Soomaaliya ee iyadu kala deggen Muqdisho iyo Jowhar iyo weliba kan shacabka Soomaaliyeed oo dagaallo ku soo jiray muddo 14-sano ah.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Are you sure sxb..? Cause if he does it is totally contrary to what they have being saying all along. That the government cannot work from Mogadishu nor convene cause of the lack of security in there due to the barbarians who govern there.

Now if he convenes a cabinet meeting in there then the whole government should move there, what do you think? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ No brother. The PM, Aydeed Jr and Cade Gabow will show their growing support within the city by such a move. Its agood that this happens while he opposition are aking another alliance, wonder what happened to the roadblocks project?

I belive it is still too early for total relocation to the former capiatal as Mogadishu is still not under the control of the TFG. This meeting should be used as an opportunity for the PM to address both supporters and opposition. To reassure the people of Banadir that the government, has a plan and that they and the city are part of those plans....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this