Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UCID Party Supports the Arrest of Qaran Leaders

Recommended Posts

War-Saxaafadeed

 

Kulan aan caadi ahayn oo ay xisbigu maanta ku yeesheen xarunta dhexe kana doodeen

kuna falanqeeyeen xaaladaha dalka ka taagan waxay ka soo saareen war

saxaafadeedkan hoos ku qoran.

Maalintii 28-kii july 2007waxa ay xukuumadu jeelka mandheera rumaan ahaan ugu

taxaabtay masuuliyiintii ururkii qaran ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Hadaba Xisbiga UCID waxay qiraysaa in masuu’liyada koowaad ee ilaalinta ammaanka

iyo nebad-gelyada ay leedahay xukuumaddu, mana jiro muwaadin ka sareeya sharciga

dalka oo aan la xidhi karin, hadii lagu tuhmo khalkhal-gelinta ammaanka iyo

nabadgelyada iwm, masuuliintani waa muwaadiniin weli aan ku jirin inta distuurka

qaranku siiyay dhawrsanaan.

Haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxaa aanu xukuumada u soo jeedinaynaa in si

dhakhso ah loo hor keeno masuulintaas maxkamada horteeda si eedeymaha lagu soo

oogay lagu helo ama loogu waayo, Muwaadin kasta xoriyadiisa lagama qaadi karo

illaa dambi maxkamad horteed lagaga caddeeyo oo lagu helo.

1. Arrinta sharcinimada in urur la furan karo iyo in kale, iyo arinta goorma

ayuu bilaabi karaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed?

waxay la tahay xisbiga UCID inay caddahay arintaasi, waayo marka hore waa inay

jirtaa guddi diiwaan-gelinta xisbiyada oo hubiya in ururku buuxiyay shuruudihii

ururnimo, dabadeedna la siiyo kaadhka (Card) ama ogolaansho furid urur. Dabadeedna

loo oggolaado inuu sameeyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in kooxina urur sheegan karin dhaqdhaqaaq siyaasadeedna

la sameyn karin ka hor inta la marinaayo sharciyadda xisbiyadu soo mareen.

Sidaa darteed, waxaa masuulinta qaran ku waajib ahayd in sifo sharciya u maraan

doonista samayn urur, taas oo ahayd in dacwad ka furtaan maxkamada distuuriga ah

ee JSL, kuna waydiistaan fasiraadda qodobada distuurka ee muranka dhaliyay,

dabadeedna sugaan jawaabta ka hor inta aanay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed la bilaabin.

 

2. Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID wuxuu soo jeedinaya:-

a) In muwaadiniinta reer Somaliland ilaashadaan midhihii halgankii Qadhaadhaa

ee dalkan loo soo maray, iyagoo ka fogaanaya qof iyo beel jeclaysi, kana hor

marinaaya wax kasta danta guud ee dalka.

b) In muwaadiniinta reer Somaliland ka fogaadaan wax kasta oo nabadgelyada iyo

ammaanka dalka wax yeeli kara, Cadawgana ka farxin kara.

c) In dhamaan wixii khilaaf ah ee taagan sida :-(komishinka & miisaaniyada oo

wakhtigeedii gabaabsi yahay) in la soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo

laga duulaayo qodobka 9aad ee Distuurka Qaranka. Qodobkaas oo tilmaamaya in

nidaamka siyaasadeed ee JSL saldhig u tahay nabad iyo tala wadaag.

d) Ugu dambayntii waxaa Xisbiga Cadaaladda iyoDaryeelku UCID hambalyo iyo bogaadin

u diraaya bahda(sports)-ka ee suurta gelisay qabashada tartanka ciyaaraha ee Gobolada JSL, ee maanta ka bilaabmay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco (Ogaal)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa mar kale shacbiga u soo jeediyay inay iska jiraan, wax ay ugu yeedheen siyaasiyiin kursiga u maray tolaay iyo fidno abuur ay ku doonayaan inay ku hantaan Kursiga.

 

Hogaanka UCID oo shalay hadal ka jeediyay kulan aqoon is waydaarsi ah oo xisbiga Uicd u qabtay dhalinyarada ku dhaqan magaaladda Burco, ayaa waxa ay dhalinyarada ku adkeeyeen inay iska jiraan habab ay sheegeen inay siyaasiyiinta qaarkood u maraan caadifada dhalinyarada. "Bulshadeenu ma xasuusato taariikhda, hadii aynu xasuusano kumaynaan dhacneen dhibatooyin badan, markaa maanta waxan idin xasuusinayaa taariikh ina soo martay. Sanadkii 1991-kii 18/ May waxaynu Burco kaga dhawaaqnay madaxbanaanideenii oo aynu soo helnay markay inaga luntay 1960 waxa lagu heshiiyay in Ururkii SNM laba sano loo dhiibo dalka beelihii kalana way inugu ixtiraameen waxana hogaanka dalka qabtay C/raxmaan Axmed Cali Tuur iyo Xasan Ciise, nasiib daro saxiibadood kumay ixtiraamin inay sugaan labada sano, xataa waxay Cabdiraxmaan iyo Xasan markay wax yar hayeen inay dalkii xoreeyeen taasna saxibadood kumay ixtaraamin ee waa kii dagaaladu dhaceen" sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo kulankaas ka hadlay, waxana uu intaas raciyay Gudoomiyaha UCID oo uu yidhi "Maanta 8 bilood ayaa u hadhay ninka reer Boorama xabad kumuu qabsan ee doorasho ayaanu la galnay, waxa maanta dalka ka taaganina waa waxyaabihii inqilaabku ka dhici jiray xukuumad musuqmaasuq ah oo aan wax-ba qabanaynin laakiin, maanta inaku taas diyaar uma nihin oo ma samayn karno....Mar walba nin kursi doonaya ayaa doonaya inuu dalka dumiyo waligiin miyaad aragteen nin siyaasiya oo dagaaladdii Sokeeye ku dhintay? ma jirto taasi kuwii Caddiraxmaan Tuur la dagaalamay ayaa jooga kuwii dagaalkii xiligii Cigaal ku jiray ayaa jooga kuwii baa maantana jooga mana hayaan si hufan oo ay cod ku gali karaan waxa la yidhaa Idoorku ninka uu Adhiga kala quusto ayuu u diraa Geela markaa ragii jabhada wadi kari wayay ee Siyaad Bare dalka ka xorayn kari waayay ayaa leh dalka hanaloo dhiibo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadalay Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID oo sidoo kale la dardaarmay dhalinyarada aqoon iswaydaarsigaas ka qaybgashay, inay iska ilaaliyaan wixii dib u dhac ku keenaya waxana uu yidhi "Waxaad tihiin masuuliyiintii bari, waxaad tihiin qaybta bulshada ugu firfircoon waxa haboon inaad xor ka noqtaan mukhadaraadka iyo qabyaaladda ma jiro qabiil Dugsi idiin dhisi karaa mana jiro qabiil garoon idiin dhisi karaa ee qaran ayaa wax idin dhisi kara markaa aynu qarankeena ilaashano"

 

Aadan Mire Waqaf waxa uu ka daba maray Gudoomiyaha UCID hadalkiisa ah inay ka digtoonaadaan siyaasiyiin uu sheegay inay bur-burin wax ku doonayaan, "Marka nin doonayo inuu wax burburiyo, waxa uu dhalinyarada ku kiciyaa tolaayeey markaa iska ilaaliya kuwa doonaya inay idinka dhigtaan salaam wax ay ku burburiyaan"

 

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Ururka UCID ee UK iyo Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Cismaan Afgaab

 

Kulanka loo qabtay dhalinyarada ayaa ahaa mid ay ku baranayeen siyaasada iyo marnaamijyada Xisbiga UCID

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this