Sign in to follow this  
General Duke

TFG on todays events: cool heads prevail..

Recommended Posts

Kuxigaha duqa magaalada Mudane Dhagaxtuur "Howgalka amaan sugidda magaaladu waa sidii uu u bolowday mana hakanayo ilaa iyo inta dowlad diidka laga taqallusayo"

 

Ku xigeenka du7qa magaalada Muqdisho ee arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan CaliD hagaxtuur ayaa maanta ka hadlay dagaallo ay kooxagha qaran diidku ka billaaben magaalada Mqudisho

 

Ku xigeenka du7qa magaalada Muqdisho ee arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan CaliD hagaxtuur ayaa maanta ka hadlay dagaallo ay kooxagha qaran diidku ka billaaben magaalada Mqudisho,waxaana uu sheegay in ay dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ku guda jirtay diyar garow ku aadan howlgalnabad sugid ah oo lagu waday in uu dhawaan Muqdisho ka bilaabmo.

 

Mudane Dhagaxtuur waxaa uu sheegay in howlgalka nabad sudidda Muqdisho uu yahay mid maanta siaan loogu talagalin u bilwoday siina socondoona tan iyointa ujeedada laga leeyahay laga gaarayo

"Howgalka amaan sugidda magaaladu waa sidii uu u bolowday mana hakanayo ilaa iyo inta dowlad diidka laga taqallusayo"ayuu yiri ku xigaha duqa magaalada ee arrimaha bulshada Mudane Dhagaxtuur oo maanta gellinkii dambe saxafadda la hadlay.

 

"Kooxo aan dowlad doonayn oo raba in dalka Soomaaliya uu kusii nagaado dhibaatadii uu ku dhex jiray 16 sanadood ayaa maanta rabshado bilaabayiyagoo kaga gol lahaa in ayxaaladoaman darro abuuraan,caalamkana fahamsiiyaan aragti qaldan"ayuu mar kale yiri dhagaxtuur oosheegay in kuwaaasi aanay marnaba ku guuleysanaynin hamigooda qaldan.

 

Waxaa dhagaxtuur uu ugu baaqayshacabka Soomaliyeed ee nabadda Jecel in ay ka shaqeeyaan sidii kuwa dowlad diidnimada ku caanbaxay oo caadifdadda qabiilku madax wareertay looga taqallusi lahaa,isagoointaana sii raaciyay "Kuwan mar dhow gabalkooda ayaaba iska dhacaya si la mida kooxdii argagixisada ee Islaamiga isku tilmaantay".

 

Xafiiska warqabqadka shabakadda wararka carmooyin.com e Muqdisho.

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dowladda Federaalka oo shacabka degan warshada Baastada ilaa Kuliyada Jaalle Siyaad ka codsatay iney isaga guuraan."Waa maxay sababta"

 

21. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ra'iisul Wasaaraha dowladda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta wareegto uu soo saaray ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan agagaarka warshadda Baastada ilaa Kulliyada Jaalle Siyaad iney isaga guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in goobahaasi laga soo abaabulo weerarada loo geysanayo xarumaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna dowladda KMG ku amartay dadka degan goobahaasi iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxaan.

 

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa caawa ka codsaday dadka degan laga bilaabo Warshadda Baastada ilaa Kulliyada Jaalle Siyaad in ay ka baxaan si la isaga qabto kooxo uu ku sheegay qas wadayaal oo deegaanadaasi ka soo abaabulo falalka dadka lagu xasuuqayo.

 

Baaqa kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayuu sheegay Gacma Dheere in ay tahay sidii loo badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed si looga qabto kuwa dhibaatada ku haya dadka rayidka iyo dowladda, wuxuuna Gacma Dheere intaa raaciyay in dowladda ay mudo labo bilood ay u dul qaadaneysay dhibaatada lagu hayo shacabka iyo dowladda.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in mudo Todobaad gudahood ay gacanta ku dhigi doonaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, isla markaana Todobaadkaas gudahiisa ay la dagaalami doonaan kooxaha dowlad diidka oo uu sheegay iney ka hareen maxkamadihii Islaamiga.

 

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho caawa iyo galabta soo buuxiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan Milateriga dalka Soomaaliya kuwaasi oo loo diyaariyay iney gacanta ku dhigaan goobaha amni xumida ka taagan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuub Sireed: “Dad nabadda diidan oo Muqdisho jooga ayaa shidada wada”

 

Afhayeenka madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed), ayaa sheegay in wax dagaal ah oo weyn oo la sheegi karo oo uu ka war qabo aanu ka jirin magaalada Muqdisho, ciidamada ammaanka ee dawladda federaalkuna ay hawlgallo ku jiraan, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan dad fara badan oo hubaysan oo magaalada ku sugan.

 

“dad nabadda diidan oo magaalada Muqdisho ku sugan oo shiddo wada ayaa jira” ayuu yiri Xuub Sireed oo uu warramayey Idaacadda iyo Telefishinka SBC.

Dhinaca kale, Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ee Somalia Col. Saciid Dheere, oo u warramaey qalabka warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dawladda federaalka saaka weerar lagu soo qaaday waxana uu sheegay in ay weerarka soo qaadeen wax uu ugu jeeray “koox ka ganacsata dhiigga dadka”.

Saciid Dheere, ayaa ku tilmaamay meydadkii maanta lagu gubay meel ay ka mid ahayd Isgoyska Baar-Ubax kuwa ka dhintay ciidamadii laga dilay kooxihii iyaga soo weeraray oo uu sheegay in loo geliyay dareeska ciidamada Dowladda.

 

 

 

Maxamed-Deeq Cabdalla

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin dheer oo ka hadlaysa dagaalkii maanta iyo khasaaraha ka dhashay iyo goobaha uu ka dhacay.

 

W/Gashaandhiga: Saaka abaarihii 6:30 ayaa dagaal ka bilowday wasaaradii hore ee gaashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethopia iyadoo dagaalka markii uu waxyar socday ay soo galeen ciidamada Dawlada federaalka Somalia halkaasoo uu ka qarxay dagaal xoogan, Dagaalka ayaa laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud intaba iyadoo ciidamo xalay fariisin ka samaystay halkaas oo Dawladu leedahay ay ka qayb qaateen.

 

 

W/Gashaandhiga: Saaka abaarihii 6:30 ayaa dagaal ka bilowday wasaaradii hore ee gaashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethopia iyadoo dagaalka markii uu waxyar socday ay soo galeen ciidamada Dawlada federaalka Somalia halkaasoo uu ka qarxay dagaal xoogan, Dagaalka ayaa laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud intaba iyadoo ciidamo xalay fariisin ka samaystay halkaas oo Dawladu leedahay ay ka qayb qaateen.

 

Dagaalka ayaa aad ukulaaday abaarihii 9:00AM kadib markii ciidan halkaasi horay ugu dhuumaalaysan jiray oo hub iyo tigniko wata kana tirsan kooxaha wax weeraraa ay soo galeen iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal aan waxba laysula reeban kadibna loogu awood sheegtay kooxaha labaxay moqaawamada.

 

Hotel Ramadaan: waxaa sidoo kale dagaal kulul ka qarxay wadada dheer ee gasha Hotel ramadaan iyadoo ciidamada dawlada iyo kooxaha Muqaawamada ay dagaal kafool kafoola isaga horyimaadeen kadib markay halkaasi damceen inay xiraan kooxaha wax rabsha si aysan gurmad u helin ciidamada dawlada dagaalka ayaa mudo kadib waxaa mar labaad ciidamada dawladu ku guulaysteen inay ka saaraan aagaas kooxihi rabshadaha kawaday.

 

Suuqa xoolaha:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka suuqa xoola ilaa xerada maslax iyo darmoolay iyadoo ciidamada dawlada oo halkaasi heegan uga jiray ay isku dheceen kooxo kamida kuwa kacdoonka wada kadibna sixoogle laysu waydaarsaday madaafiicda culculus ee ka dhacda qoriga BM ka iyadoo wali uu socdo dagaalkaas walow wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in laga itaal roonaaday kooxihii wax soo weeraray.

 

Hawl wadaag:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka hawl wadaag iyadoo ciidamada Dawlada ay isku dheceen kooxo rabay inay halkaasi weeraro ka fuliyaan iyadoo warar kalana sheegayaan in dagaalkaasi isu rogay mid qabiil una dhexeeya beelaha ****** iyo ********** iyadoo dagaalkaasi waxyar ka dib la soo afjaray lagana soo eryay halkaasi kooxh wax weerara.

 

khasaaraha dagaalka: Dagaalka maanta oo ah kii ugu kululaa ee ka dhaca muqdisho tan iyo markii Dawladu la wareegtay ayay ku nafwaayeen dad kor udhaafaya 35 qof iyadoo 4 kamida ay yihiin ciidamada dawlada halka inta la xaqiijiyay 15 kamida ay yihiin kooxihii rabshadaha waday iyadoo inta kalana ay tahay dad rayid ah oo xabadi haleeshay sidoo kale waxaa dab qabsaday qayb kamida suuqa bakaaraha gaar ahaana qaybta rinjiyada.

 

Allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Cabdullaahi Yusuf oo ka cararay xaruntii Villa Somaliya(Naftu Orad bey kugu aamintaa)

 

Muqdisho: Dagaaladii maanta ka dhacey magaalada Muqdisho ee hormuudka u ahaa laba kacleynta Xaqa iyo soo celinta sharafta Somaliyed oo keeney dhimasho iyo dhaawac aad ubadan ayaa sababay in Caawa Odey Cabdullahi Yusuf ka xankakaabto xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya isagoo aan la ogeyn meesha uu ku dhuuntey.

 

Cabdullahi Yusuf ayaa sida wararku sheegayaan ka baxay xaruntii Villa Somaliya isagoo ka cabsadey in dagaaladu kusoo fidaan looguna soo galo xarunta ama lagu soo hago madaafiicda goobta. Wararku waxey intaas ku darayaan in Cabdullahi Yusuf uu ka aamin baxey ciidamada midowga Yurub oo la wareegey xarunta Villa Somaliya. Cabdullahi Yusuf oo ah nin aad u nafjecel ayaa waxa kaliya uu aamini karaa ay yihiin beeshiisa iyo ciidamada Tigreega sidaa darteed ayaan la ogeyn meesha uu ku dhuuntey caawa iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan inuu aadey magaalada Baydhabo.

 

Dhanka kale iyadoo ay caawa xaaladdu daggan tahey ayaa waxaa laga cabsi qabaa in barito ay dagaaladii dib u qarxaan. Cali Geeddi Raisul wasaaraha dawladda KMG ah ayaa isagu maanta ku hanjabay in dagaalku uu wali dhimanyahay farahana la isa saari doono marka ay ciidamada Tigreega iyo kuwa Puntland ay go aansadaan iney hubka dadka ka qaadaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, haddii uusan Cabdulllaahi Yusuf qaadan talada ree Muqdisho Ethiopiana aysan ka bixin waddanka, waxaa laga yaabaa iney dagaaladu sii socdaan lagana yaabo iney ku fidaan deegaamo kale.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal qaraar oo ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii Ciidamada xooga dalka ay holgalo ka bilabeen xaafado kamid ah muqdisho:

 

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya ku dhowaad 10 qof ay ku dhinteen dagaalladii saaka ka bilowday magaalada Muqdisho dagaalladaas oo u dhexeeya ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo loo malaynayo in ay yihiin haraadigii maxkamadaha.

 

Dagaalkan oo la isu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka socda dhawr goobood oo ay kamid tahay xaruntii wasaaradda gaashaandhigga, deegaanka Oodweyne ilaa waddada wershedaha iyadoo dagaalkaasi uu ku fidey meelo kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo goobaha dagaalka, sababta oo ah dagaalka oo weli socda iyo deegaannada ku dhow dhow dagaalka oo la xiray.

 

Wariyaha kismaayopost ee magaalada Muqdisho abdi (kaladire) oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalku ka socdo ayaa soo sheegayaa in uu arkay maydad daadsan goobta lagu dagaalamayo, waxaana dad jira dad kale oo dhaawac ah oo halkaasi lagu arki karayey.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay SBC in dagaalkan saaka uu yimid ka dib markii xaley ciidamada DFKMG ay isku balaariyeen goobo ku yaal magaalada Muqdisho, taasi oo keentey inay kooxo hubaysan weeraraan saaka goobaha ciidamadu ay xaley degeen.

 

Deegaano kale oo ay ka mid yihiin Hotel Ramadaan iyo Suuqa Xoolaha dhanka Xerada Maslax ayaa laga soo sheegayaa in ciidamada DFKMG oo taageerysanaya kuwa kale ee Itoobiyaanka ay halkaasi ka sameysteen fariisimo.

Xaalada ayaa haatan kacsan waxaana soo baxaya warar sheegaya in khasaare uu soo gaarey dad rayid ah, iyadoo ay jiraan dad badan oo ka qaxaya goobaha lagu dagaalamayo iyo waliba meelaha kale ee laga .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Dagaal qaraar oo weli kasoconaya Suuqa Xoolaha Kadib Duullaan Maanta Lagu soo qaaday Xaafaddaasi.

 

630.jpg

 

Muqdisho,21,March-07 ( Qaadisiya.com) Dagaal qaraar ayaa ka socda duleedka suuqa Xoolaha kaasoo u dhaxeeya dagaalyahanada xarakaadka muqaawamada oo gacan ka helaya shacabka iyo cidamada Tikreega iyo maleeshiyaadka la socda oo xasuuq ba'an ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xilli maydadka askarta Tikreega iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah ee lasoo ay garxan yihiin goobihii maanta ay ku dagaalameen xarakaadka muqaawamada oo taageero ka helaya shacabka iyo ciidamada Kuffaarta iyo kuwa la shaqeynaya ayadoo weli dagaalka uu ka socdo magaalada Muqdisho.

 

Tiradii ugu badneyd ayaa maanta ciidamada Tikreega iyo kuwa la shaqeeya looga laayay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayadoo mid ka mid ah dagaalyahanada xarakaadka muqaawamada oo ka dagaalamayay agagaarka xaruntii hore ee wasaarada Gaashaandhigga uu u xaqiijiyay in uu arkay bakhtiga in kabadan 20 askari oo isugu jira Tikree iyo daba dhalifyada murtaddiinta ah ee la joogo oo garxan agagaarka xaruntii hore ee wasaarada Gaashaandhiga iyo xerada Oodweyne.

 

Sidoo kale maleeshiyaadka u adeega Tikreega ayaa maanta lagu helay xaafada Juungal, waxaana halkaasi looga laayay askar fara badan kadib markii dagaalyahanada xarakaadka muqaawamada oo gacan ka helay dadka deegaanka ay wadada u galeen gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadkaasi.

 

Dagaalyahanada muqaawamada ayaa ku guulaystay in maleeshiyaadkaasi ay ka xaaqaan agagaarka hotelkii hore ee Garguurte iyo xaafadaha ku dhaw hotelka Ramadaan ayadoo maleeshiyaadkaasi ay u soo carareen dhinac isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

 

Maydadka maleeshiyaadka Tikreega u adeega ayaa garaxan xaafadda Juungal kadib markii maleeshiyaadkaasi ay ku jabeen dagaalkii ay la galeen dagaalyahanada xarakaadka muqaawamada oo ku gacan sarreeyay dagaalkaasi, waxaana lagu soo warramayaa in dagaalyahanada xarakaadka muqaawamada iyo kuwa deegaanka ay xirteen waddooyinka xaafada Juungal iyo deegaanada ku xeeran si ay uga hortagaan maleeshiyaadka Tikreega la shaqeeya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Alas you actually belive these sites. Taliban hold your horses this reminds me of the last time our two camps met in battle.

 

After the TFG takes over this area what then?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada xoogga dalka oo la siiyay amar kama dambeyn ah si ay u kala jebiyaan kooxaha qaran diidnimada wada.

 

Wareegto maanta kasooabxday dowladda federalka dalka Soomaaliya ayaa amar buuxa lagu siiyay dhamaanba qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

 

Wareegto maanta kasooabxday dowladda federalka dalka Soomaaliya ayaa amar buuxa lagu siiyay dhamaanba qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo fasaxay in aytallaabo ka qaadi karaan qarandiidayaasha kusugan magaalda Muqdisho ee aan dal iyodadba dani ka hayn horumar ay ku tallaabsadaan.

 

Wareegtada maanta kasoo baxday dowladda federalka dalka Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sdia lagu siiyay amar buuxa oo ay tallaabo kaga qaadi karaan kooxaha qaska wada ee caadifadda qabiilku ku fogaatay islamarkaana bilaabay warar ju tiri ku teen ah oo ay beelaha Soomalida ku kala tafaraaruqayaan.

 

Ciidanka dowladda federalka dalka Soomaliya oo ka kooban dhamaanba beelaha Soomaalida ayaa horay aan u qabin amar buuxa oo ay tallaabo kaga qaadi karaan kooxaha qarandiidka,waxaana taasi ay keentay in qarandiidku aymeel kasta rabshadoka fuuliyaan iyagoo ku hoos jira Hoggaanka C/qaasim Salad Booy oo markii hore is qarin jiray laakin haatan bannaanka isi soo dhigay.

 

Amarka la siiyay ciidanka xoogga dalka oo amrkii hore ka xayirnaa in ayqaran diidka tallaabo ka qaadaan ayaa hor seed u noqonaya soo cirib tiridda kooxaha qaran diidka ee magaalda Muqdishio ka wada dhibaatada shacabka ka dhanka ah .

 

Arrintan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Soomalida ee nabadda jecel,waxana ay dharbaaxo ku tahay kooxaha qaran diidka oo ayku hoggaamin doonto jab iyo halaag haddii aanay kla harin afkaarohooda argagixisanimi iyo dowald diidnimada ay ku f********.

 

Xafiiska warqabqadka shabakadda wararka carmooyin.com e Muqdisho.

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Alas you actually belive these sites.

Taliba, you should get your news source from websites run by Amxaaro orphans such as iidamaale, carmooyinka, allpuntland etc...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Alas you actually belive these sites.

Com'on, General; you yourself admitted Qaadisiya.com is a site that tells the truth. Do you remember Qaadisiya.com reported Sheikh Sharif Ahmed wasn't yet in Yemen, but the sites you trust reported he was already there?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this