Sign in to follow this  
Gabbal

Shirkii Garbahareey oo furmay.

Recommended Posts

Gabbal   

Shirkani oo ay ka soo qeyb galeen in kabadan 150 Ergo oo ka kala yimid todobada dagmo uu ka kooban yahay Gobolka Gedo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta G/gedo ee G/haarey.

 

Shirkani oo ay soo agaa sintay Hay ada Centre for Research and Dialogue (CRD) ayaa ahaa mid siweyn wax oga badalay dareenka dadka reer Gedo oo mudo badanba u naaloo nayay sidii ay u heli lahaayeen Nabad iyo xasilooni waarto, waxaana shirkini saakay lagu furay Aayado Qur’aan ah iyo Wacdi Diini ah oo ay aqrinayeen Sh Qaalid Macalin Nuur, iyo Sheekh Maxamed Riyaal oo ka mid ah culumo udiinka gobolka Gedo.

 

Waxaana sidoo kale shirkii maanta ka hadlay Nabadoono badan oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cabdi Gaaciye Shide, Nabadoon Ibraahin Guuleed (dhiig yacab), Chief Maxamed Xasan Yarow,Nabadoon Cali Xandule, Nabadoon Sh Maxamuud Sh C/llaahi, Nabadoon Sheekh Axmed Shuuriye (Bulsho), Nabadoon Cabdi Maxamuud Xareed, iyo kuwa kalaba. Waxaana maanta madasha Shirka ay ka sheegeen dhamaan nabadoonadii halkaa ka hadashay in ay Beesha **** is cafido kana wada shaqeyso horu marka G/Gedo iyo dhamaan gobolda kale ee ay dagan yihiin Beesha ****.

 

Dhammaan cuqaashii nabadoonadii iyo aqiyaartii shirkani maanta ka soo qeyb galay ayaa isla meel dhigay in Beesha **** la gaarsiiyo fariinta ah in la is cafiyo loona laabto Kitaabka ALLE ee Munazalka ah. Waxayna ka codsadeen in ay la qaataan guud ahaan dadka wax garadka ah ee **** oo ku kala nool dalka iyo dibadaba iyagoona diirada saaray in aqoonyahanada Beesha **** ee Qurba jooga ah aysan wax tar muhiim ah u lahayn dadka walaalahood ah ee ay Abaaraha, Colaadaha iyo Jahliga ku qunba xirtay ee iscunayo.

 

Hoolka uu shirkani ka socday ayaa lagu xardhay hal ku digyo ay kamid ahaayeen Iscafinta Beesha **** Waa Horseedka Horumarka Gobolka Gedo, Nabad la aan waa Nolol la aan, iyo hal ku dhigyo kalaba, waxaana qudbo muhiim ah goobta shirka ka jeediyay Madaxa CRD-da Dr Faarax Cabdi Xasan oo ku nuux nuux saday in uu hadafka shirkani loo qabtay uu yahay horumarka iyo iscafinta Beesha ****.

 

Wuxuuna Dr Faarax Carabka ku adkeeyay in aan jaaniskan la beer dareen isaga oo oga mahad celiyay Culumo Udiinkii Odayaashii Nabadoonada iyo Iqayaartii shirkani maanta ka soo qeyb galay. Wuxuuna xusay in la isku dayo sidii Soomaali wax loola qeybsan la haa oona laga tago isqab qabsiga Beesha dhexdeeda ah,wuxuuna ka codsaday Odayaasha in hadii uu jirro Nin nin wax ka tabanayo uu cafis ka dalbado lana isku uur xaarto Allana laga cabsado.

 

Dr. Faarax ayaa ayaamahan danbaba ka waday bartaha G/Gedo howlo nabadeed wuxuuna Dr Faarax ku guda jiray maal mihii aan soo dhaafna u ruurinta iyo isu keenida Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada Beesha ****, waxaana la filayaa in shir kani soo gaba gaboobi doono maal maha fooda nagu so ohayo loona kala diri doono Ergooyinka dagmooyinkii ay kala imaadeen iyagoo ka wadi doono howlo kuwan lamid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Warsaxaafadeed:Maamul U Sameynta G/GEDO Rag Gaalkacyo Iyo Bakool Ka Soo Jeedo Marti Looga Noqon Maayo

Dec 22,2007

by London-GEDO-NN

 

Waxgarad iyo siyaasiin ka soo jeeda gobalka GEDO ayaa ku tilmaamay warar been abuur ah oo ay siidaysay websiteka la yiraahdo Allpuntland oo sheegaya in aan loo baahnayn in maamul uu yeesho gobalka GEDO, magaalada Baydhabo oo xarunta dowladda ku meel gaarka ah kaliyana ay maamul u sameyn karto gobalka GEDO sida ay warsaxafadeed ay soo saareen qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiinta gobalka GEDO oo ka mid ah qabanqaabiyaasha howlaha maamul u sameynta gobalka GEDO.

 

Warsaxafadeedkaasi ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in gobollada Puntland iyo Bakool madaxdoodu ay yiraahdaan shacabkooda soo sameysta maamulkiina, shacabka gobalka GEDO la yiraahdo ma sameynsan kartaan maamul idiin gaar ah, waxaa ay ceeb ku tahay ku tahay shacabka gobalka GEDO iyo masuuliyiintoodaba, waana mid ujeedo gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in qas iyo fowdo laga dhex abuuro gobalka GEDO.

 

Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo ku tilmaamay inay jiraan warar been abuur ah oo lid ku ah shacabka gobalka GEDO ay ku sheegeen inay jiraan wareegto uu soo saaray Sh Aden Madoobe oo asagu ka soo jeeda gobalka Bakool aanan haba yaraatee wax shaqo ku lahayn arrimaha maamul u sameynta gobalka GEDO uu yiraahdo hakid baan galiyay in la sii wado maamul u sameynta gobalka GEDO, kaasoo markiisiiba horeba ay wax shaqo ku laheyn dowladda federalka ku meel gaarka ah oo ay u gaar aheyd oo rabitaanka shacabka gobalka ku yimid maamul u sameynta gobalkooda oo muddo 15 sano ay colaado sokeeye ay ka taagnaayeen.

 

Waxgaradkaan iyo siyaasiintooda ayaa ku tilmaamay waxa u ku sheegeen waraaqahaasi been abuurka inay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo waxmagarato oo doonayn horumarka iyo nabad kuwada noolashaaha gobalka oo shacabkiisu u bislaadeen oo ay doonayaan inay sameystaan maamulo u gaar ah oo rabitaankooda ku yimid, la rabana in colaado hor leh laga abuuro.

 

Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo lagu sheegay inaysan jirin cid ama kooxo dano gaar leh, ha ahaato dowladda federaalka oo horistaagi karta maamul u sameynta gobalka GEDO oo degmooyin ka mid ahi sida Beled Xaawo, Doolow iyo Garbahaarey ay doorashooyin ay maamulalooda ku dhisteen oo shacabkoodu ay soo doorteen, martina looga ahaan doonin rag Gaalkacyo iyo Bakool ka soo jeeda.

 

M Cilmi-London

Afhayeenka Shirka Maamulka U Sameynta Gobalka GEDO

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Somalia oo joojiyay dhismihii maamulka Gobolka Gedo.

 

 

Warkii 22-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa waxa uu joojiyay maamul hadda loo samayun lahaa Gobolka Gedo kaas oo ay yeelan lahaayeen dadka wada dega deegaankaasi oo uu mudooyin badan uu ka dhaxeeyay ficiltan dhinaca maamulka ah.

 

Waxaa maalmihii udanbeeyay lagu hawlanaa sidii loo samayn lahaa maamul uu yeesho Gobolkaasi taas oo si wayn looga dareemay guud ahaan Gobolka iyo waliba siyaasiyiinta ku jira Dawlada KMG ah ee somalai ee kasoo jeeda Gobolkaasi.

 

 

 

Sheekh Aadan Madoobe oo ah kusimaha madaxwaynaha dalka Somalia ayaa waxa u joojiyay dhismahaasi taas oo uu ku macneeyay kadib markii uu talooyin ka helay Odayaasha Gobolkaasi,siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolkaasi ee ku jirta Dawlada iyo waliba wasaarda arimaha Gudaha.

 

 

 

Gudoomiyaha ayaa waxa uu ku tilmaamay arinkaasi mid ubaahan in la joojiyo intii uu keeni lahaa dhibaato ka timaada uuna sheegay inuu talooyinka ku helay in dhismaha maamukaasi uu ka dhacay sad bursi iyo xilal isku tax.

 

 

 

Hadaba Gobolka Gedo ayaa ah Gobol ay isku hayaan Beelaha wada dega uuna yeelan maamul wada qanciya dadka deegaankaasi tan iyo intii ay dhacday Dawlada dhexe ee dalka Somalia taas oo bedeshay in marba koox ay qabsadaan hadana uu gacanyta ugu jiro maleeshiyo Beeleed aan cidna ka amar qaadan.

Source: Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^The title is extremely misleading.Ma ciidan buu hor dhigay oo hawsha hakiyey?

 

Cidii rabto ha qayliso, wax saamayn ee leedahay majirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Very good development, a step towards the right direction kudos to reer Gedo, However to sideline the TFG and not take advantage of its resources and legitimacy will mean huge mistake from reer Gedos part...

 

Excellent move, the creation of a state Admin for Gedo...

 

HornAfrik, what happend to the idea that your hero Hiiraane entertained for years which was the creation of an inclusive large state of Gedo + Jubboooyinka...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Emperor, Jubbaland State is more closer to being realized than any other time before. The only reason why former RRA spokesman Madoobe would dare speak of such things as Gudoomiyaha Baarlamaanka whose job description is limited to the daily functioning of Parliament is because of desperation and the almost realization of Jubbaland.

 

Many thinks will become public knowledge in due time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

The speaker is going far beyond his limit. Hadal badan dan baa dhaantee. Dadka Jubada hoose daggan. Waa inay walaalahooda Somaliyeed wax la wada qaybsadaan. Magaalada maamulkeedana wadaagaan. Horn Afrique, is Gedo connected to Kismaayo, runtii Koonfurta waa layga badiyaa. If so, dee maxaaba loo qaylinayaa. Maamula meesha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^No connection what so ever, even the ones that control Kismayo, Taano and his crew are from Cabdudwaaq, reer Gedoha asalka ah are peace loving peepz..

 

HornAfrik, Jubooyinksa is where most of the Somali conflict took place, given it's civil war history and complex background, don't you think it would complicate the matter, delay this Gedo project, draw oppostion and in the end perhaps lead to a disasterous outcome, unfruitful result...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hunguri, xaaladu waaba sidaas. :D

 

 

Emperior isla yaab, mararka qaarkood wax laga yaabaad sheegtaa. Sheekadaas oo kale Miskiin iyo waxa la halmaala baa laga filayaa, reer Gedo iyo reer heblaayo baa kala xukumo ku ye. Sow Hassan Dheerihi Afgaduud buursaday nin reer Baardheere asalkiisu yahay maaha? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ of course it opposes. Any good development in any TFG hostile territory is not good and according to their books, it has to be stopped by any means necessary (jeopardizing, sabotage, political assassination, fueling local disputes, mingling with local affairs..etc...etc).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this