Sign in to follow this  
Emperor

Puntland police force Job well done, peace secured in Bosaaso

Recommended Posts

Emperor   

Boosaaso oo maanta dagan kadib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay kadib wada hadalo ay yeesheen Maamulka iyo isimada Puntland.

 

Magaaladda Bosaso ayaa maanta xasiloon kadib dagaal xoogan oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, kadib wada hadalo ay yeesheen Maamulka Puntland iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Bari oo lagu dhawaaqay in la joojiyo xabada lana wada hadlo intii dagaal wax lagu xalin lahaa.

 

Xasiloonida ayaa timid kadib markii shalay galin kii dambe ay wadahadalo kafool kafool ah yeesheen Isimada Gobolka Bari oo uu hogaaminayo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ah ugaaska Beesha Dhashiishe oo ay ka dhasheen maleeshiyadii dagaalka la gashay Ciidamada Dawlada iyo sidoo kale Madaxwaynaha Puntland.

 

Wada hadalkii shalay ayaa qodobo dhawr ah laga soo saaray iyadoo qodobadii ka soo baxay ay u muuqdaan kuwo dhaqan galay marka loo eego xaalada magaalada Bosaso ee maanta iyo siday shalay ahayd.

 

Qodobadii shalay laysku afgatay ayay ka mid ahaayeen.

 

1- In xabada la joojiyo ciidamada Puntlandna laga qaado goobaha ay dagaalka ku galeen laguna celiyo xeryahoodii.

 

2- In laga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amaanka Dalka iyo dadka oo inaga wada dhexeeya iyadoo loo marayo dhinaca siyaasadda.

 

3- In ragii ka dambeeyay falalkii afduubka layska kaashado sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayna soo gacan galiyaan qabiiladoodu.

 

4- In Beesha shalay la dagaalantay Ciidamada amaanku ay ka guraan dhagxaan iyo taayiro ay wadooyinka qaar ku xireen guud ahaana ay hubka soo wareejiyaan maleeshiyadii dawlada la dagaalantay.

 

Qodobadaasi iyo kuwa kale oo shalay lagu wada hadlay ayay ugu horayn dhaqan galeen qodobadii ugu cuslaa sida in wadooyinka dib loo furo iyadoo la arkyay shalay dumar iyo caruur guraya dhagxaantii ay horay wadooyinka ugu xireen iyadoo sidoo kalana xabad joojintii lagu dhawaaqay ay isla markiiba dhaqan gashay.

 

Jawiga magaaladu hadda waa mid dagan mana aad dareemaysid wax dagaal iyo cabsi toona ah dadkuna waxay u wataan hawlohooda shaqo si caadi ah iyadoo markii aad booqato goobihii shalay lagu dagaalay aad arkayso guryo ay waxyeelo gaarsiiyeen xabadihii lays dhaafsanayay.

 

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Kulan ku aadan amaanka magaalada Boosaaso oo maanta lagu qabtey xarunta maamulka Gobolka bari.

 

Waxaa Kulan balaaran oo looga hadlayey amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu qabtey xarunta maamulka ee magaalada Boosaaso, Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu ay xirnaayeen oo saxaafada loo diidey waxyaabihii looga hadlayey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxweynaha DGPL Maxwaynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Boqor.

 

 

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu ay xirnaayeen oo saxaafada loo diidey waxyaabihii looga hadlayey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxweynaha DGPL Max’uud Muuse Xisri (Gen.cade), iyo Isimada gobolka Bari.

 

Kulankan ayaa isimadii ka soo qayb galey waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasin, waxaana si gaar ah kulankaasi diirada loogu saarey arimaha ku aadan dhacdadii iska horimaad ee shaley ka dhacdey magaalada Boosaaso.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii kulankaasi looga Hadley

 

ayaa wax uu sheeya in ayaa soo wareareen argagiso iyo reer soomaliland lakiin wax uu sheegay in ayaa gacati ayaa ku dhigi doona iyo

 

Ugaas xasan Ugaas Yaasin ayaa wax uu sid oo kale uu sheegay Ugaaska in ayaa ciidamad ayaa qalidantahyi sidii ayaa arintii dhacday shali kulankaasi markii uu soo dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii kulankaasi looga Hadley

 

 

Suleeqo maxamuud Qabowsade Email: suleeq100@hotmail.com Shabakadda Allmudug.org Bosaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen Howlgaladii ay ka wadeen Bosaso Saaka

 

{Bosaaso}11-01-08Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland C.casiis Saciid Gacamey oo la hadlayay Mid ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ayaa shegay in ay Ciidamadu ay soo afmeereen Howlgaladaasi isla markaana ay ku najaxeen waa sida uu taliyuhu uu sheegay

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Qaar ka mid ah kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Booliska In kasta oo uu ka gaabsaday Tirada ay dhan yihiin.

 

Taliye C.casiis Saciid ayaa intaasi sii raaciyay In ay haatan Goobihii uu iska hor imaadku uu degan yahay isla markaan ay ciidamada Haatan Ku Sugan yihiin oo ay roondooyin ku sameenayan.

 

Madaxweynaha Puntland Mahamud Musse Hirsi ayaa Duhurnimadii Maanta la kulmay Odayaal Dhaqameed ay hayb hoose wadaagaan Kooxaha Dagaalamayay Kuwaasi oo ku dhiirigaliyay Kooxaha in ay Xabada Joojiyaan Hubka Dhigaan Isla Markaasna Waxa ay odayaashaasi ay ku guuleysteen In ay Qaadaan Jidgooyooyin ay sameeyeen Kooxahaasi.

 

Xaalada Bosaso ayaa Caawa ah Mid Degan In Kasta oo laga dareemayo Raadadkii uu maanta Magaalada ku Reebay Dagaaladii Dhacay.

 

Mahamud Said Salad

Bosaso Puntland Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Its good news indeed, security returns... conflict is no good for anyone

 

Boliska Bosaso oo soo afjaray howgaladi

 

Bosaso, Somalia (Calanka.com) 11-Janaayo-08

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland C.casiis Saciid Gacamey oo la hadlayay Mid ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ayaa shegay in ay Ciidamadu ay soo afmeereen Howlgaladaasi isla markaana ay ku najaxeen waa sida uu taliyuhu uu sheegay.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Qaar ka mid ah kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Booliska In kasta oo uu ka gaabsaday Tirada ay dhan yihiin.

 

Taliye C/casiis Saciid ayaa intaasi sii raaciyay In ay haatan Goobihii uu iska hor imaadku uu degan yahay isla markaan ay ciidamada Haatan Ku Sugan yihiin oo ay roondooyin ku sameenayan.

 

Madaxweynaha Puntland Mahamud Musse Hirsi ayaa Duhurnimadii Maanta la kulmay Odayaal Dhaqameed ay hayb hoose wadaagaan Kooxaha Dagaalamayay Kuwaasi oo ku dhiirigaliyay Kooxaha in ay Xabada Joojiyaan Hubka Dhigaan Isla Markaasna Waxa ay odayaashaasi ay ku guuleysteen In ay Qaadaan Jidgooyooyin ay sameeyeen Kooxahaasi.

 

Xaalada Bosaso ayaa Caawa ah Mid Degan In Kasta oo laga dareemayo Raadadkii uu maanta Magaalada ku Reebay Dagaaladii Dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this