Sign in to follow this  
Wiilo

DADKII U YEERTOW ETHIOPIAN KA XAA XAABIYAHEE.

Recommended Posts

Wiilo   

2 ruux oo ku geeriyootay rasaas ay Ciidamo Itoobiyaan ah huwiyeen gaari rakaab ah oo shil la galay mid kamid ah gawaaridooda.

 

December 16, 2006 Markacadeey

 

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee gardarada ku jooga magaalada Baydhabo ayaa dilay 2 qof oo rayid ah halka laba kalena ay dhaawacmeen kadib markii gaarigii dadkaasi ay saarnaayeen uu shil la galay gaari ay wateen ciidamada Itoobiyaanka.

 

2-da ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen rakaabkii gaariga,waxaana la sheegayaa in gaarigaasi uu kusii jeedaa deegaano ku yaalla gobolka bay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhacdadaasi mar marsiimo kaga dhigtay in ay ka shakiyeen gaariga,hayeeshee dadka deegaanka ayaa ku waramay in markii shilka uu dhacay kadib ay cidamada Itoobiyaanka falkaasi geysteen.

 

Ciidamo ka socday Dawladda Federaalka ayaa durbadiiba gaaray goobta dhibaatadu ka dhacday oo ku dhaw Isha Baydhabo,iyadoo haatan baaritaan ay ku hayaan qaabkii dilkaasi uu ku dhacay.

 

Ciidamada Dawladda waxaa sidoo kale ay su'aalo weydiinayaan darawalki gaariga waday,kaasi oo isaugu ka badbaaday shilkaasi dhacay,waxaana la sheegayaa in haatan gaariga isagoo rogman uu yaalo Buundada magaalada Baydhabo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiyaanka fal kaasi oo kala ah ay ka geystaan deegaanada ay ka joogaan Ciida Somaliya,waxana jira dhacdooyin dhowr ah oo ay ku xasuuqeen dad badan oo rayid ah iyo kuwo kale oo kufsi ay ku geysteen.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this