Sign in to follow this  
Wiilo

DADKII U YEERTOW ETHIOPIAN KA XAA XAABIYAHEE.

Recommended Posts

Wiilo   

Ciidamada Itoobiya oo ku xadgudbay haween ku sugan deegaanka Kax-dagaal

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan halka lagu magacaabo Kax-dagaal ay ka wadaan kufsi ay u geysanayaan haweenka ku sugan deegaankaas iyagoo habeen hore labo dumar oo ay falkaasi kula kacayn ay midi ahayd haweeney Uur lahayd dhaawacii soo gaarayna lagu daaweynayo Isbtilaaka Magaalada Galkacyo.

 

 

Warka ayaa intaa ku daraya in ilaa iyo haatan maamulka deegaankaas ka jira uusan waxba ka qabanin, hase ahaatee ay gaarsiiyeen odayaal isku heyb yihiin gabdhahaas dacwad ka dhan ah arrintaas u gudbiyeen Cabdi Qeybdiid oo ay xulafo yihiin ciidamada Puntland iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan agagaarka tuulada Dagaari, wuxuuna u sheegay in uu wax ka qaban doono, balse ilaa iyo hadda wax war ah aanu ka soo celin.

 

Falkan ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha u doodda xuquuqda aadanaha, gaar ahaan hay’adda Nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee (UNXA) oo ka dhisan Koonfurta magaalada Galkacyo iyagoo si weyn u cambaareeyay falka foosha xun ee lagula kacay haweenkaas oo aan waxba galabsan.

 

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa tan iyo intii ay soo buuxiyeen goobo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka geysanayaan falal kufsi iyo dhac, waxaana horey loogu arkay duleedka magaalada Baydhabo oo ay degan tahay dowladda federalka haween iyagoo meyd ah lana fara xumeeyay waxaana bannaanbaxyo ay sameeyeen haween ay ka mid yihiin kuwa ku jira Barlamaanka Soomaaliya ee magaaladaas ku sugan in ay tahay mid ay u dulqaadan karin in mar waliba ku soo toosaan haween meyd ah oo la fara xumeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegey in ay qabaan Cudurka AIDS-ka..

 

Baydhabo, 05-December-06 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Ciidamada Tikreega ee kusugan qeybo kamid ah Gobolka Baay ay Gelinkii dambe ee Maanta kufsi kula kaceen Haweeneey da'a oo gaareya Sanadkeeda 60-sano.

 

Haweeneydaasi ayaa lagu soo waramayaa in saf ay ka mareen Ciidamada Tikreega ah (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun), waxaana sidoo kale Ciidamada Tikreegu ay cuna qabateyn kusoo rogeen dadka kudhaqan Tuulooyinkaasi.

 

Dadweynaha kudhaqan Tuulada Qansax Oomane oo u dhaxeysa Bardaale iyo Yurkud oo katirsan Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in aysan ka iibsani Karin Magaalada wax kabadan rubac Sonkor ah, taasi oo ay ku micneeyeen in ay u geynayaan Muslimiinta hawdka ku dhuumaaleysanaya waa sida ay dadka deegaanadaasi u sheegeen.

 

Dhinaca kale Ciidamada Tikreega waxa ay ka Afduubteen Bardaale Wadaad lagu magacaabo Sheekh C/llaahi oo ay ku sheegeen in uu katirsan Yahay Muslimiinta Soomaalida isla markaana aanan la ogeyn halka ay la aadeen.

 

Dhibaatooyinkani ka dhacay Gobolka baay gaar ahaan Goobaha ay kusugan yihiin Ciidamada Tikreega ah ayaa waxaa u ogolaaday in ay sidani waxyeelaan Dowladda Kumeel gaarka ah oo iyadu sheegata in ay Shacabka Soomaaliyeed wakiil ka tahay isla markaana ay horkacayaan Col.C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Shacbiga kudhaqan Gobolada Dalka oo idil ayaa markii uu soo gaaray warkaasi durba ka muujiyay arrintaasi carro aad u daran, waxayna ballan qaadeen in Dhowaan Inshaa Allaah laga xureyn doono Guud ahaan Ciidamada Tikreega ee Xoogga kujooga Dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Baay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhibaatooyinkani oo kale ay ka geystaan Ciidamada Tikreega ah Gobolka Baay, waxay horey u soo dhigeen Meydka Haweeney wadada aadan Manaas illaa Degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale jira Dhbaatooyin kale oo aad u fara badan oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

 

Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa horey u balan qaaday in ay ka xureyn doonaan Gobolka Baay meelaha ay kaga sugan yihiin Ciidamada Tikreega lakin waxa ay intaasi raaciyeen in Gudaha Baydhabo laga doonayo Shacabka kudhaqan in ay kacdoon ka abaabulaan oo ay iska dhiciyaan Tikreegu iyaguna markaasi ay garab siin doonaan Inshaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Yeah we are brain dead,but let me tell you this there are many factors that can be picked to opposse the Ethiopian Army presence, but the Map Excuse, the raping of a 60 year old woman and the AIDS thing is stale and undermines any form of oppossition.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^I just heard those,but come on man, a Somali who is a Muslim shouldn't have to rely on teh ICU to know what is wrong with this picture Juje,you know there is something seriously wrong here?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^ Indeed, but there is also something very seriously wrong on the other side. I would anytime have an Islamic rule and justice as oppossed to TFG. But let me ask you this , is the alternative that which a I prefer or a mask?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Juje,you are very understandible brother,I appriciate that,however,I dont' know what stored in their hearts,no one else knows their intentions but Allah.

 

How to know the characteristic of a rightous Muslim is that all people start to like him/her,because as soon as Allah starts to love you,the angles will,then the people,so far the ICU are gaining support from everywhere not just because they have stored peace in most parts of Southern Somalia,but because they speak of the word of the Quran,personally I prefer one who mentions the Quran more often,then one who quotes Western learned men.

 

thanks,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

You would have known what is in their heart when you see or saw their actions. Number one being occupying , ruling and unfair justice in the land of those who are neither armed nor strong to state their position or either their opposition. When they have justified as legitimate the governance of Balayo Indhacadde and co. And when they said they have replaced him on in paper or should I say mouth and have not. There is a lot that meets the eye red Sea. Meshaan lama kala roona. However waxba waxba ka daran. Axmaro wax ka daran maleh. But and which it is true it has in shadows a TFG parliament which has representatives from the weak and who are there on legitimacy rather than out of fear.

Both sides have errors, should we keep wadaadka geedkadi cambaha harsanaya mise waxan so dhaweyna kuwa 'ishi' so wata. Laba kala daran kala doro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidanka Xabashida oo si ula kac ah dad Somaliyeed ugu dilay iyagoo saaran gaari xamuul ah oo marayey bartamaha magaalada Baydhaba.

 

Muqdisho Dec.16.2006(Hiiraancenter online News) Laba qof ayaa ku geeriyootay halka Saddax kale uu dhaawac ka soo gaareen kaddib markii ciidamada Itoobiya ,ay si ula kac ah rasaas u huwiyeen Gaari rakaabsiday isa goo marayey bartamaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa lagu soo waramayaa in ay sheegeen ciidanka Xabashida ,ah ee gaarigan xabadeeyey in ay ka shakiyeen ka dibna ay xabbad la dheceen.

 

Gaariga xamuulka ,ah ayaa lagu waramayaa in fariin beelay mar uu marayey meel udhow ciidanka Xabashida,ah sidaasna ,ay ku xabadeeyeen gaarigii waxaa markiiba ku dhintay laba ruux seddex kalena way ku dhaawacmeel falkan ayaa ah kii dadka Iraq uu Mareykan ku laayo maalin kasta iyadoon cidna isweydiineyn sababta loo dilay.

 

Wararka ,ayaa waxay sheegayaan xilli goor dambe ah in ay goobtaas soo gaareen ciidamada dowladda ku meel gaarka ee ku sugan magaalada Baydhaba oo goobtaas ka qaaday dadkii halkaas ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay iyagoo u qaaday dadkii dhaawaca ahaa isbitaalka magaalada Baydhaba oo haatna lagu daweeynayo.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in si aad u baqayaan tan iyo markii ciidamada golaha maxaakiimta islaamka ay gaareen deegaano ka mid ah gobolka Bay iyo Bakool iyagoo la sheegayo in ay u aabayeelayn oo ciddii ay ka shakiyaan xabbad lacayaan oo ay kala jeclayn waxa dhinta iyo wixii dhaawacma.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamada Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo. Ciidda Kirismiska oo ay u diyaargaroobayaan.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay inay Magaalada Baydhabo ku soo daldaleen Khamri farabadan oo qaarkood ku jiray Jirgaamo, waxaana Khamrigaasi Magaalada Baydhabo loo keenay iyadoo foodda ay nagu soo haysto Ciidada Kirishtaanka oo ku beegan 25 bishan.

 

Khamrigaan ayaa loogu talagalay inay ku cabaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo xilliga Krismaska, hase yeeshee qaar ka mid ah Khamrigaasi ayaa si aad ah ugu faafay magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada Itoobiya mararka qaar ay dadka siinayaan Khamrigaasi.

 

Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo aya si aad ah uga walaacsan khamrigaasi lagu soo daadgureynayo magaalada Baydhabo, waxayna Culimada ku nool Baydhabo ay shacabka uga digeen in ay ka fogaadaan khamrigaasi, maadaama uu Illaah xarimay.

 

Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay Magaalada Baydhabo ka furaan Kalaabyo ku meel gaar ah oo ay ku caweeyaan ciidamada Kirismiska, waxaana haatan xeryaha ay degan yihiin laga diyaarinayaa kalaabyadaasi, iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ku jiraan Haween aad u fara badan.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo 12-kun sida ay sheegeen Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo la sheegay inay goobaha ay ku sugan yihiin ka wadaan waxyaabaha liddi ku ah Diinta Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo dhaawac ka gaystay.

 

Wararka naga soo gaaraya Baydhabo, waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ay gaysteen dil iyo dhaawac kaddib markii ay rasaas ku fureen Gaari xamuul ahaa oo ku soo dhawaaday meel ay ku sugnaayeen, gaar ahaan halka lagu magacaabo Isha Baydhabo.

 

Waxaa halkaasi ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, waxayna Ciidamada Itoobiya ku andacoodeen in uu Gaarigu uu siday waxyaabo qarxa, hase yeeshee markii la baaray waxaa la ogaaday in gaarigu uu ahaa gaari xamuul ah oo ku soo jeediyey Baydhabo.

 

Dhibkaan ay gaystay Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Baydhabo oo ay shucuurtoodu aad u kacsan tahay waxayna sheegeen in falkaasi ay Ciidamada Itoobiya mar un ka aarsan doonaan, hase yeeshee waxaa markii dambe arrinta galay Dowladda Federaalka oo ku guuleysatay inay qaboojiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this