Sign in to follow this  
Abdi2005

labadii maalmood ee ugu dambeeyey suuqaan waxaa lagu kala iibsaday ilaa kun Qori K47

Recommended Posts

Abdi2005   

Kun Qori oo lagu kala iibsaday Cirtoogtaha Bakaaraha oo..

 

Mar aan booqanay Suuqa lagu kala iibsado hubka ee Cirtoogte ee Bakaaraha ayaan u kuurgalnay qaabka loo kala iibsanayo Hubka iyo waliba kuwa soo galaya suuqaasi.

 

Qiimaha hubka ayaa cirka iska shareeray kaas oo lagu macneeyey dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho ayaa mid ka mid ah ragga ka ganacsada suuqaasi oo lagu magacaabo Max’ed Abshir uu noo sheegay in qoriga K47 uu marayo $350 Doolar, sidoo kale qoriga Dabamiishaarka ama Dabajeexa ayaa isna maraya $6,000 oo Doolar oo ah qorey si baas ah u dhaca, isla markaana rasaastiisu ay jirto silsisad intii aan doonto aad isticmaali kartid.

 

Max’ed Abshir waxaan weydiinay in hub uu soo galay suuqaasi, waxa uuna ku jawaabay "Wallaahi haddii aan runta kuu sheego labadii maalmood ee ugu dambeeyey suuqaan waxaa lagu kala iibsaday ilaa iyo kun Qori oo K47 iyo Lixdan qoriga Dabamiishaarka ah", waxaan sidoo kale weydiinay halka uu habkaasi ka soo galay, waxa uuna noogu jawaabay "Waxaan qoryahan ka gadanay Ciidamada Dowladda oo qoryahooda la soo baxsaday, kuwaas oo doonaya in ay ka dhigtaan jiscin si ay ugu gaaraan gobaladii ay ka yimaadeen".

 

Max’ed Abshir waxa uu sheegay in maalmaha soo socda uu suuqaasi soo galo hubkii ugu badnaa, isagoo sheegay in ay soo gaareen fariimo fara badan oo la xiriira in suuqa uu u soo socdo hub tiro badan, hase yeeshee Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa waxaa laga soo xigtey in uu sheegay in aysan jirin qoryo lagala baxsaday Dowaldda Federaalka.

 

http://www.somalitalk.com/2007/mar/27mar0107.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Abdi2005:

waxa uuna noogu jawaabay "Waxaan qoryahan ka gadanay Ciidamada Dowladda oo qoryahooda la soo baxsaday, kuwaas oo doonaya in ay ka dhigtaan jiscin si ay ugu gaaraan gobaladii ay ka yimaadeen"
.

 

Max’ed Abshir waxa uu sheegay in maalmaha soo socda uu suuqaasi soo galo hubkii ugu badnaa, isagoo sheegay in ay soo gaareen fariimo fara badan oo la xiriira in suuqa uu u soo socdo hub tiro badan

:D

 

Good news

 

hasayeeshee yaa u diyaargaroobaya dagaal? lacagtanina xagee ka soo galaysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this