Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

New political agreement between Djibouti and Ethiopia

Recommended Posts

11/14/2009] Dowlada Ethiopia iyo Djibouti oo

 

 

100551.jpg

 

 

 

Adis Ababa; Dowlada ethopia iyo dowlada Djiboute ayaa Maanta oo Jimce waxaa ay kala saxiixdeen hashiisyo Cusub oo kor u qaadaya xiriirka wanaagsan oo hada ka dhaxeeya labada Dowladood.

 

 

Ra`iisal Wasaaraha Ethopia Males Sanawi iyo madaxweynaha Djiboute Ismael Omar Gele ayaa waxaa ay maanta Qalinka ku duugeen Hashiiskan oo ay soo diyaariyeen khuburo ka socota Labada dhinac.

 

 

Wasiiro ka kala socda labada wadan ayaa iyaguna waxa ay kala saxiixden heshiisyo kor u qaaya xiriirka ka dhexeeya Labada Wadan ee deriska waa sida ay hadal ka u dhigeene.

 

 

Heshiiskaan ay maanta kala saxiiixdeen labada wadan ayaa waxaa u saamaxayaa in ay ka wada shaqeeyaan Labada dhinac wax yaalaha ay ka mid yihiin Caafimaadka,Waxbarashada, Arimaha dibada,Dekadaha,Ganacsiga iyo Horumarka dhinaca Dhismaha.

 

 

Waxaa kale oo ay kala saxiixdeen sidii ay isga kaashan lahayeen Nabadgalyada Geeska africa,iyo weliba sidii u socon la hayeen isu socodka dadka aan sharciga ahayn.

 

 

Melas sanawi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskaan uu anfici doono Jiilasha inaga danbeeya , waxaa isaguna hadlay Madaxweyne Geele oo sheegay in Heshiiskaan dhaqso loo hir gelin doono.

 

 

Dhinaca kale waxaa Caawa si lama filaan ah uga soo degay Madaxweynaha dowlada federaalka Shiekh Sharif oo ka soo kicitimay dhinaca wadanka kenya oo uu wada hadal uu lalahaa Madaxweynaha Dowlada Puntland uu ku fashilmay, Su`asha ay dad badani is weeydiinayaan oo daneeya Arimaha ka soconaya wadankoodii ayaa waxaa ay tahay Dowladaan shariifku heshiisyo badan ayey la gashay wadama badan oo ku yaal africa iyo yurub maxay ugu adkaatay in ay la heshiiso Walalahood Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Waxaa kale oo ay kala saxiixdeen sidii ay isga kaashan lahayeen
Nabadgalyada Geeska africa,
iyo weliba sidii u socon la hayeen isu socodka dadka aan sharciga ahayn.

Nabad galyada geeska Africa daacad yaa u ah ama ka ah? Nabad galyo buuxda oo waarta see lagu gaari karaa?

 

Ps. Melez is not honest about peace stability of the horn, that could unite all Somali fronts to be competative [in both political and trade wise] to bring his legacy down...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this