Sign in to follow this  
General Duke

Gabilay Somaliland: Clan fighting results in deaths and injuries

Recommended Posts

War Deg Deg Ah: Dagaalkii Gabiley Ee Ay Isku Hor Fadhiyeen Labada Beelood Oo Bilaabmay Keenayna Dhimasho

April 8th, 2009

 

Waxaa maanta ka bilaabmay degaanka Ceelbardaale iyo Gebilay u dhexeeya dagaal dhexmaray labada beelood .................. ee isku hor fadhiyay deegaanka Gabiley. Dagaalkan oo ilaa iminka keenay dhimasho labada dhinacba ku timid, waxaana ilaa iminka dadka ku dhintay ee lasoo xaqiijiyay ku jira Allaha ha u naxariistee Cabdi Cali Xirsi oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM.

 

Magaalada Hargeisa ayaa aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa dagaalkani keenay, ilaa iminkana waxaa bilaabmay gurmad ay wadaan Salaadiin, Odayaal iyo wax garad iyagu iska abaabulay Haregisa, kuwaas oo ku talo jira sidii ay u kala qaboojin lahaayeen dagaalkaa ka dhex furmay labadan beelood ee walaalaha ah.

 

Mushkilada dhextaala labadan reerood, ayaa u ekayd mid mudooyinkii danbe soo afjarmaysay, ka dib markii wafti golaha guurtida ahi ku tageen deegaanka Gabiley ee dagaalku ka socdo. In mudo ahna halkaa ku heshiisiinayeen labadaa beelood ee Reer Nuurka iyo Jibriil Abokor.

 

Dad badan oo caasimada ku dhaqan ayaa walaac ka muujinaya wakhtiga dagaalkani bilaabmay, kuwaas oo dhamaantood farta ku godaya Hogaamiyaha Xisbiga UDUB Mr Riyaale, oo ay tuhmayaan in isagu ka danbeesay iska hor imaadka shaqaaqadan. Iyaga oo taa ku sababeenaya in dhacdada dagaalkan ka dhex abuurmayna labada beelood tahay mid uu doonayo in uu qiil ugu sameeyo kordhintii dhawaan guurtidu ugu kordhisay mudada lixda bilood. Taas oo qodobka guurtida u sharciyeenayaa mudo kordhiska yahayin dalka aanay nabadi ka jirin. Dhinaca kale, warar aan kale helnay ilo kale duwan ayaa sheegaya in marwada Hogaamiyaha Xisbiga UDUB Marwo Hudo Barkhad intii aanu dagaalkani qarxin socdaal ugu tagtay deegaanka Gabiley, walina lama cadayn waxa socdaalkeedu la xidhiidhay.

 

Wararku waxay sheegayaan in afar qof tahay tirada ilaa imika ku dhimatay dagaaladaas.

 

Wixii faah faahina ee la xidhiidha arinan waxa aan idinku soo gudbin doonaa dib hadii alaha eeba lihi idmo.

 

Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Markale Ka Soo Cusboonaaday Deegaanka Ceelbardaale Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac iyo Xiisada Cirka Isku Shareertay

 

hadhwanaag 2009-04-08 (Hadhwanaagnews) Ceelbardaale(HWN):-4 qof ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay 4-kale,kadib markii saaka dagaal markale ka soo cusboonaaday Deegaanka u dhaxeeya labada Gobol ee Awdal iyo Gabilay tuulada Ceelbardaale oo labada Deegaan u dhaxeysa.

 

Sidaana waxa noo xaqiijiyey dad Goob joog ahaa, isla markaana indhahooga ku soo arkay meydadka iyo dhaawaca oo nala soo xidhiidhay.

 

Dagaalkan ka soo Cusboonaaday Deegaanka Ceel-bardaale ayaa waxa uu u dhaxeeyaa laba beelood ee ka soo kala jeeda [Gabilay iyo Awdal], isla markaana ka dhashay, kadib markii shalay gelinkii danbe nin lagu dilay deegaankaas oo colaadiisu muddo badan soo jiitamaysay.

 

Ciidamo Boolis ah oo ay hore Xukuummada Somaliland u kala dhex dhigtay laba bilood ka hor markii dagaal noocan oo kale ahi dhacay aagaasi oo wakhti dhaweyd laga soo raray, ayey colaadani ku soo beegantay. labadan beelood ee deegaankaas dagaalku ku dhexmaray ayaa waxa beesha ka soo jeeda Gobolka Awdal la sheegay inay kaga geeriyoodeen Dagaalka 1 qof iyo sadex kale dhaawaca, halka beesha kale ee ka soo jeeda Deegaanka Gabilay ay kaga dhinteen 3 qof iyo mid dhaawaca.

 

Dagaalkan ka soo cusboonaaday deegaankaas ayaa salka ku haya muran dhul oo ay in badan labada Gobol isku hayeen. Isla markaana ay Golaha Guurtidu soo afjareen colaadaas oo ay qodobo ka soo saareen.

 

Labada Maamul ee labada Gobolada Awdal iyo Gabilay ayaa sida ay tibaxayaan wararka naga soo gaadhaya sheegayaan inay ku hawlan yihiin sidii ay dagaalka u xalin lahaayeen,

 

Si kastaba ha ahaatee, Dawlada Somaliland ayaan iyadu haba yaraatee aan wax war ah ka soo saarin, tan iyo markii uu dagaalku saaka ka qarxay dhulka lagu muransan yahay xuduudkiisa ee u dhaxeeya labada Gobol ee Awdal iyo Gabilay.

 

Mustafe-Janaale

Hadhwaanaagnews.com/ Office

Hargeysa/Somaliland.

Janaale94@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sub'Hanallah, this is a sad news,

 

Is this only a clan or laf-laf sort of dagaal, or it has to do with the latest political landscape of Hargeisa?

 

Ilaahay haqanoojiyo, Aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It has nothing to do with politics. Ciidanka qarranka aya ba kala dhex gallay

Its just 2 subclans oo isku haysta beero iyo dhulal.

Nin bay reer x soo diileen oo ay gadeen qolladii kalla so aaraysa .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Generel sxb isku somali ma nihin . anagu hadu dagaal dhaco somaliland waanu heshina , bal idinku heshiya hadaad reer konfuur tihin.dagaal aan dhamanayn ba idin socda since 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this