Sign in to follow this  
Xoogsade

(In Bosaso) Janaaso qaa'ib ah oo loo tukaday dadkii ay ciidamada gumeysiga xasuuqeen.

Recommended Posts

Xoogsade   

Janaaso qaa'ib ah oo loo tukaday dadkii ay ciidamada gumeysiga xasuuqeen

 

Beerdhiga 21.04.2008 23:00

 

Waxaa maanta salaad janaaso qaa’ib ah looga tukaday masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso dadkii ay ciidamada gumeysigu ku xasuuqeen magaalada Muqdisho ee isku jiray cullimaa’udiin, macalimiin iyo dadka kaleba kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ciidamada gumeysiga qowraceen, waxayna salaada janaasadu timid kadib markii la ogaaday in ay dhinteen.

 

Sheekh Maxamuud oo ahaa tujinayay Salaada Janaasada ah oo kadib dadka la hadlay ayaa ugu horay tacsi u diray dadkii ay qaraabadii ay dadkaasi ka dhinteen ilaahayna uu badal kheyr kaqaba ugu badalo dadka xasuuqa lagula kacayna ilahay uu janadiisa galiyo dambigoodana u dhaafo.

 

Sheekh Maxamuud ayaa intaa kadib u galay in falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamada gumeysigu kula kaceen shacabka uu ahaa mid cawodtooyo xambaarsan loona baahan yahay in la iska celiyo cadowga shacabka aan waxba galabsan xasuuqaya. Wuxuuna sidoo kale eedayntaa mid la mid ah dusha uga tuuray DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga oo uu ku tilmaamay in aysan Dowlad ku ahayn shacabkii ay xukumeysay oo la xasuuqayo.

 

Culmaa’udiinka kale ee ku sugan Boosaaso ayaa si midaysan uga hadlay falkii xasuuqa ahaa ee ay geyteen ciidamada gumeysigu ayay ku tilmaameen dhinacooda in ay u tahay uur kutaalo fool xun oo uu cadowgu tusiyay waxayna ku baaqeen in ay waajib tahay in la iska dhiciyo cadowga shacabka xasuuqaya .

 

Intaa kadib waxa ay culimadu tacsi u dirtay dhamaan ehaladii iyo qaraabadii ay ka shihiideen dadkaa waxayna alle uga baryeen in uu badal kheyr qaba ka siiyo dadkaana uu albaabadii naxiirta aakhiro u furo.

 

Culimaa’udinka ay ciidamada gumeysiga ku xasuuqeen magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Waxara Cade ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh C/laahi maxamuud Ciise iyo Sheekh Saciid Yaxye kuwaas oo maqaam sare ku dhex lahaa bulosho weynta Soomaaliyeed.

 

Hadaynu wax yar ka eegno taariikh nololeedkii Sheekh C/laahi Maxamuud Ciise, waxa uu ku dhashay meel u muuqata magaalada Hurdiya ee gobolka Bari. Sheekhu wuxuu ka baxay macaahiddii Azhar ee magaalada Muqdisho, ka dibna wuxuu ka baxay mac-hadkii Al-tadaamun ee isla magaalada Muqdisho, dabadedto sheekhu wuxuu ka mid ahaa 10 arday oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda islaamiga ah ee Madiina 1970kii, wuxuuna ka soo qalinjabiyay kulliyadda shareecada 1974kii. Sheekhu wuxuu ka dib noqday garsoore, wuxuuna ka soo shaqeeyay degmooyinka Dajuuma, Sablaale, Qardho, isku-shuban iyo B/bayla. Sheekhu garsoorenimadii wuu isaga tagay, wuxuuna aaday Sucuudiga, muddo yar dabadeedna wuxuu u wareegay dalka Imaaraadka oo uu ka ahaa daaci muddo 21 sano iyo bar ah. Sheekha waxaa laga soo musaafuriyay Imaaraadka 2001, intii ka dambaysayna wuxuu daaci ka ahaa magaalada Muqdisho,waxana sidoo kale uu ahaa sheekhu mid hadh iyo habeenba u taagan howlaha dacwada wuxuuna in badan xooga saraay kafaalaqaadi lahaa macallimiinta, ducaadda, ardayda, agoomaha iyo qoysaska baahan, wuxuuna sheekhu si aad ah u necbaa daadinta dhiiga qoka muslimka ah wuxuuna sheekhu culamada kale u sheegi jiray in ay dadka u sheegaan dagaalka dhex dooda ah in uu leehay cawaaqib xun, wixii ka dambeeyay 18/02/2006 oo ahayd maalintii Muqdisho looga dhawaaqay isbahaysigii ashahaado la dirirka ka ahaa waxa uu sheekhu bilaabay in uu dadka ku boorriyo iska celinta cadawga diintooda u soo dhigtay, markii Xabashidu soo gashayna wuu labanlaabay dadaalkiisii dacawiga iyo jihaadiga ahaa, maalina kama aanu bixin Muqdisho sidii gaaladu u timid ilaa Rabbi shahaado ku siiyay.

 

Falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamada gumeysiga ka geysteen qaar ka mid ah xaafada muqdisho ayay in badan oo ka mid ah bulsho weynta Soomaaliyeed dhamantood ku timaameen in uu ahaa fal isir goyn ah oo ay wadaan ciimada gumeysiga ee dalka xooga ku jooga.

 

In hada la og yahay waxaa falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamada gumeysigu kula dhaqaaqeen shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah ku shahiiday tiro ku dhow ila 45 halka tiro intaa badana ay ku dhaawacmeen halka ay gurayahoodu ka bara kaceen kumamaan qeys.

 

Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo badaneysay falalka cadowtooyada ah ee ay ciidamada gumeysiga kula kacayaan shacabka soomaaliyeed ee mulimka ah .

 

Isku soo wada duuboo waxaa iska soo daba dhacay baaqyada iyo hadalada ka soo kala baxay xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed kuwas oo dhamantood ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska dul qaadaan cadowga falalka guracan hadh iyo habeen ku haya taasina ay ku suura gali karto in cadowga hal meel looga soo wada jeedsado , sidoo kale waxaa uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Hogaamiyaha Isbahaysiga Asmara uu falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamada gumeysigu kula dhaqaaqeen shacabka Soomaaliyeed ku tilmaayay in uu ka qeyb yahay falalka lagu yaqaano cadowga wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay gacanta is qabsadaan.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this