Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Mudug admin completed , New Governor Police chief's named

Recommended Posts

DSCF2103-300x225.jpg

 

Guddoomiyaha gobalka Mudug iyo Taliyaha Booliiska Puntland oo la magacaabay (Sawiro)

 

September 3, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1) Axmed Maxamed Cali ” Caano Geel”

Horseed Media

Galkacyo Puntland

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta lagu magaacabay taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Gudoomiyaha gobalka Mudug , Taliyaha qaybta ee Mudug.

 

Wareegtadan ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Wasiirul Dowlada Maamul Wanaaaga ee Dawlada Puntland, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

 

Taliyaha ciidanka Booliiska Dowlada Puntland ayaa maanta loo magacaabay Axmed Cali Xasan (Afay) sidoo kale waxaa Taliye ku xigen loo magacaabay Maxamed Siciid Jaqanaf, oo xilkaa horey u hayey.

 

Waxa kaloo la magacaabay Gudoomiyaha gobalka Mudug Col.Axmed cali Salaad oo ahaa Duqii hore ee magaaada Gaalkacyo, isla markaana dhawaan loogaga guulaystay doorashadii duqa magaalada.

 

Axmed Cali salaad waxaa kale u ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee dhawaan la soo dhisay.

 

 

Sawiro badan halkan ka daawo

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa magacaabay taliyaha qaybta ee gobalka Mudug waa xilkas loo magacabay Muuse Axmed Cabdiraxmaan ( xasaasi).

 

Dhanka kale waxa isla wareegtadan lagu magacaabay Taliyaha saldhiga MIIR ee Gaalkacyo loo magacaabay Muuse Cismaan Faarax (Dhogfo)

 

Madaxweyne Faroole waxa sidoo kale uu samayeen badalaad waxana la badalay Gashanle-dhaxe Siyaad Maxamuud Bilcil waxaana loo badalay Taliska ciidanka Booliiska ee Garoowe, Dhame Maxamed Axmed Maxamuud Sayruuq waxaa laga badalay gobalka Mudug waxaana loo badalay gobalka Nugaal danbi baari ahaan.

 

Wasiirul Dawlaha Mr.Gaashaan ayaa sheegay in Wareegtadan kasoo baxday xafiiska taariikhdu markay ahayd 2da bisha September oo shalay ku beegneyd isla markaana uu dhaqan galay markii uu Madaxweynaha saxiixay.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtadiisa ku sheegay inuu magacaabay Guddoomiyaha cusub markuu tixgeliyey talooyinkii ka yimid Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo kartida mas’uulka xilkaasi loo magacaabay.

 

Sidoo kale wareegtada lagu magacaabay taliyayaasha Booliiska ayuu Madaxweynaha ku sheegay mid timid kadib markuu arkay hawlaha amni iyo daruufaha kajira gobalada Puntland.

 

Xilka Guddoomiyaha Mudug ayaa bishii hore laga xayuubiyey guddoomihii hore Cabdinuur Geesey, halka xilka Taliyaha Booliiska Puntland uu banaanaa tan iyo intii uu dhintay Taliyihii hore ee Booliiska Puntland Col. Muuse Axmed Faarax oo 5tii bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ku dhintay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

Xilalka kale ee Taliyayaasha Booliiska ayaa ahaa kuwo la isku bedalay mas’uuliyiinta amniga ee gobalka Mudug oo qaarkood gobolo kale loo wareejiyey halkan xubno cusub loo magacaabay Taliska Booliiska gobalka Mudug iyo saldhiga Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Puntland ayay maalmo kadib u buuxsameysaa muddo bil ah intuu ku sugnaa gobalka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, asagoo halkaasi u tagay arrimaha la xariira amniga kadib dilkii loo geystay Wasiirkii hore ee warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac, oo ay koox hubeysan magaalada ku dileen 5tii bishii Agoosto.

 

Horseed Media

 

Subscribe Now

Share this post


Link to post
Share on other sites

disappointing really - recyling - does not work with admins. even thought ina abtiga is still there. sometimes new faces with new ideas are needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Are you talking to yourself again fake Qhardo boy? :D

 

The city has a new governing council staffed ny younger, more educated citizens. It also has a new mayor and head of council.

 

The governor, Police Chief are good choices. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Taliyayaal Ciidamo

 

Khamiis, September 03, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo taliyayaal Ciidamo.

 

Digreeto uu madaxweynaha soo saaray oo uu saxiixay 2-dii bishan ayuu ugu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad, iyadoo dhawaanahanna uu gobolka ahaa mid aan lahayn guddoomiye rasmi ah.

 

Madaxweyne Faroole waxaa kale oo uu Digreetadan ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo loo magacaabay G/lle sare Axmed Xasan Cali Afey, halka ku xigeenkiisa koowaadna loo magacaabay G/lle sare Maxamed Siciid Jaqanaf, halka ku xigeenkiisa labaadna loo magacaabay G/lle sare Muuse Axmed C/raxmaan (Muuse Xasaasi).

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayuu sidoo kale madaxweynaha u magacaabay Muuse Cismaan Faarax, halka Taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo-na uu u magacaabay G/lle Dhexe Siyaad Maxamuud Bicil.

 

Saraakiishan uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay falal nabadgelyo darro ah ka jireen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isla markaana magaaladaas lagu dilay wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac Seefta Bannaanka iyo Culumaa’udiin tabliiq ahaa. Sidoo kalena magacaabistana yaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo la sheegay in uu is-toogtay Taliyihii hore ee Ciidamada Puntland.

 

Maxamed Cali Royter

maxamedroyter@hotmai l.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

recycling some old people of yesteryears is not young or new. but then again what would a fake orange who is known for being lover of old heartless man know about anything to do with being young, new or even ideas.

 

head of council might be new and younger than previous ones and slightly more educated but everyone else have been there donkey years and more importantly won't be bringing anything new.

 

it is clan politics as usual. only those who wanted something new and fresh set of systems get disappointed. the usual clan wailers are appeased.

 

let to spell the city name properly!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer, as I have stated before the new city council is filled by, educated individuals, one had to at least have a bachelors degree. The second is the youth make up and the number of women in the council is much higher than any before. The election of the young mayor testifies to this simple fact, which you can not get your head around.

 

Anyhow out with the old and in with the new, my city of Galkacyu is in good hands. Also President Faroole has done a great job taming the place and he must be commended for turning the city into the temporary capital this past month.

 

What city are you from because you are not a Puntlader?

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

What city are you from because you are not a Puntlader?

i am definitely not a lander of any kind - i stride along the karkaar range from Qardho to Taleex, from Cambaaro to Adinsoone where ever the green pastures lays.

 

However i never venture to mugdi mudug :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Mudug oo maanta loo magacaabay Gudoomiye Cusub

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/ramaan Maxamed Faroole ayaa waxa lagu magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug .

 

Axmed Cali Salaad oo horay u ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug.

 

Wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyaha gobolka Mudug oo xeer madaxweyne aheyd ayaa waxaa loogu shaaciyay saxaafada Hotelka Taar siti, Shir Jaraaid oo uu halkaasi ku qabtay madaxweynaha DPL .

 

Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa waxaa uu magacaabay taliyaha Ciidamada Police-ka dowlada Puntland, kaas oo loo magacaabay Afey Cali Xasan oo noqon doona taliyaha Ciidamada Police-ka puntalnd.

 

Sidoo kale waxaa jiray Xilal kale oo uu madaxweynuhu u magacaabay xilal kale oo dhanka ciidamada amaanka ah iyadoo la sheegay in xilalkan la magacaabay uu madaxweynuhu u cuskaday Dastuurka Dowlada Puntland,

 

Ugu dambeyn Dadka Reer Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay magacaabista masuuliyiintaan iyadoo tani ay u noqoneyso mid dejineysa xaalado amaan daro iyo dibadbaxyo halkaasi ka taagnaa .

 

Liibaan C/laahi Faarax

SBC International Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

What city are you from because you are not a Puntlader?

War adiga naag lala qabo maad tahey - why the hell do you care where he is from. The guy is presenting arguments points on the basis that these are not new ones but rather recycled ones. If you cannot counter his claims then shut your bloody gob . Why do you care where he is from.....Uuuuf!

Share this post


Link to post
Share on other sites

so said the fake orange man..... remember not ever one is what you are..... i am glad that you don't count me among your ranks. and yes i dislike the name that you peddle here day in day out - which i think you can not even pronounce properply and is as alien to somali language as your username. yet you lecture me about fakeness. Hollow be thy name. :D

 

 

Peace out

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje: Adeer go complain about the admin again, this fake dude and his lack of imagination one can handle.

 

The city of Galkacyu & Mudug new admin is the blueprint for all the of Puntland.

 

The criteria for selection was based on competence.

 

The city has a mayor as well as a council leader this was a single position before.

 

Thus its good if before one speaks they actually know what they are talking about. :D

 

You dont like the name Puntland, thats another symprom you share with many others adeer, but not with those from the state. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this