Sign in to follow this  
Xudeedi

Puppet Governor of the Clan Fiefdom Ordered to Pay Visit to his Master

Recommended Posts

Xudeedi   

Incompetent%20Faroole%20Dissapoints%20Et

 

Faroole”Atam Iskama Celinkaro Ethiopia”ayaan u duulayaa”

 

September 1, 2010

 

By Axmed Muuse Dheere

 

Madaxwaynaha Maamulkii la Oran Jiray PL Balse haatan u Xuub siibtay Woqooyi Bari Somaliya Caasimadiisuna tahay Garoowe ayaa la sheegay inuu u duulay Adis-Ababa halkaasi oo u Raadsaday Kaalmo Hub dhaqaale lagu Riixo Ciidamada Deegaanka Galbeedka Bari ee uu Maamulo Maxamed Atam.

 

 

War lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inuu Maanta Ka duulay Garoowe isaga oo Raacay Diyaarad ay Leedahay Ethiopia oo ka diiwaan Gashan Dalkaasi, Lama sheegin Cid Safarka Hogaamiye Faroole ku wehelisa Hase yeeshee Ilo wareed ku dhow dhawo Aqalka Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya inay Filayaan Safarka Faroole sida uu Lug Xoogan Ugu Leeyahay Arimaha GalGala.

 

Ethiopia ayaan War saxa Laga saadaalin Karin inay Aqbalayaan Codsiga Faroole iyo in kale Balse waxay u dhowdahay inay ogolaadaan Kaalmo siin dhanka Hubka ee Faroole ku Wiiqo Awooda xoogan ee Ciidamada Ilaalinta SHidaalka.

 

Dawlada Ethiopia ayaa Dhowr Jeer ku cel celisay inaanay Marnaba Gudaha u Galayn Somaliya waxana ay Xasuusan tahay Jabkii ay Kala Kulmeen Caasimada Somaliya oo la sheegay inay Galeen Ciidamo Gaadhaya 10,000 oo askari.

 

Laakiin waxa Nasiib daro ah in kuwii Deegaanka Hayland,Sanaag iyo Galbedka Bari ugu dhaartay Kitaabka alle inay Metelaan dadkaasi ay Maanta Badhitaaraan Hub iyo dhaqaale lagu Laayo Shacabkooda in laga Raadiyo Adis-Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abaal marin dagaalka gal gala buu soo gudoomahayaa, amarro cusubna wuu soo qaadan. This time he may be told to attack Galmudug LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Faroole Oo Itoobiya Kala Soo Tashanaya Dagaalada Ka Socda Buuralayda Galgala

Written by Jidbaale.com

Thursday, 02 September 2010 11:44

 

Boosaaso(Jidbaale.com) madaxweynaha maamulka goboleedka Waqooyi bari(Ex-Puntland) wuxuu safar kediso ah ugu kicitimay itoobiya, siday noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay safarka faroole waxay ku sheegeen inuu yahay mid uu gargaar saanad malatari ku weydiisanayo dawlada Itoobiya, maadaama uu ku daba dheeraaday dagaalkii kaga socday buuralayda Galgala.

 

Faroole iyo kooxdiisa oo dhawaan dagaal qadhaadh la galay sheikh Maxamed Siciid Atam isagu ku sugnaa deegaanada galgala, waxay ciidamada maamul goboleedka waqooyi bari kala kulmay jab weyn oo aysan filanaynin, arrintaasina waxay soo dadajisay sidii uu garab uga heli lahaa dawlada Itoobiya.

 

Faroole waxaa kale oo uu u aaday itoobiya isagoo doonaya inuu ka faa’iidaysto xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay dawlada itoobiya iyo maamulka jabhada SNM oo ay dhawaan isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha talo ay u soo jeedisay dawlada itoobiya oo tidhi maamulka ka saar kooxo ay ugu yeedhay inay xag jir yihiin.

 

Jidbaale.com@gmail.com

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this