Sign in to follow this  
MoonLight1

Alshabab Will change all Somali cities names.

Recommended Posts

Xaafadihii qadiimiga ahaa magaalada Baydhabo oo magacyo Hogaamiyeyaal loo bixiyay

 

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay kana mid ah magaalooyinka ugu waa weyn dalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay waxaa ka dhaqan galay amaro ay soo rogeen Xarakada Alshabaab, kaas oo ay magacyada ugu rogeen.

 

Xaafadaha qadiimiga ah ee magaalada Baydhabo ayaa magacyada laga wada badalay, waxaana loo bixiyay magacyo Islaami ah iyo magacyada qaar ka tirsanaa Hogaamiyeyaashii Al-Qaacida ee geeriyooday.

 

Tani ayaa dadka ku tilmaameen mid ay ku suulinayaan Shabaab dhaqanka Soomaalida iyo waxyaabaha soo jireenka ahaa, sida magacyada xaafadaha iyo meelaha qaar oo ay u bixiyeen magacyo dad dibada uga yimid.

 

Afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Baydhabo oo lagu kala magacaabo, Isha, Bardaale, Mursal, dhamaan xaafadahaas ayaa loo bixiyay Magacyada Salaaxudiin Ayuubi.

 

Xaafada Isha ayaa waxaa loo bixiyay Abuu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa Hogaamiyihii Al-Qaacida ee dalka Ciraaq, waxaana sidoo kale jira xaafado kale oo iyana loo bixiyay magacyo kale.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshahan uu yahay mid ay Shabaabku ku doonayaan in dhamaan xaafadaha magaalooyinka dalka ay ku magac rogaan, iyadoo dhowaan ay aheyd markii Suuq ku yaal degmada Baraawe loo bixiyay magaca Saalah Nabhaan oo sanadkii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku dileen agagaarka degmada Baraawe.

 

Arrintan ayaa imaaneysa xilli Shabaab ay sii xoojiyeen deegaanada ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo la sheegay in caburin iyo dhibaateyn ay ku wadaan shacabka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan.

 

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can imagine Hargeysa will become Midiinatul Godane, Naas hablood will be named Torabora, Burco will become Qandahar, Laascaano will be named Falluujah, Garowe will become Abuqatada city, and finally Galkacyo will be named Kashmir.

 

Welcome to Alshabab's plan for 2010.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this