Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

KISMAAYO: 7 qof oo ku dhintey dagaal

Recommended Posts

Kismaayo: 7 ku dhintay dagaal

21 Apr 21, 2009 - 4:41:44 PM

 

Ugu yaraan 7-qof ayaa ku dhintay 15-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka bilowday deegaanka Buulo-xaaji oo 90-km dhanka koofur-galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

 

Dagaalka ayaa u dhexeeyay maleeshiyo ka amarqaadata maamulka Kismaayo iyo maleeshiyo beeleed halkaas isku urursaday, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu ka dhashay markii maamulka Kismaayo uu damcay inuu maamul u sameeyo deegaanka, taasoo ay diideen dadka deegaankaas.

 

"Iskahorimaadku wuxuu bilowday xalay saq dhexe, wuxuuna soo gaaray maanta barqadii, waxaana la weeraray dhalinyaro kuwa deegaanka ah oo is-urursanayay" ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka Buulo-xaaji.

 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamay, iyadoo aan la garanayn weli cida gacanta ku haysa deegaanka, inkastoo xaaladu ay dagan tahay.

 

Inta badan dhaawacyadii dagaalka ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Kismaayo, halkaasoo lagu daweynayo, waxaana weli aan ka hadlin dagaalka maamulka Kismaayo oo noqonaya kii ugu cuslaa ee J/hoose ka dhaca bilooyinkan.

 

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barokacaan guryahooda, iyadoo la sheegayo in tuulooyin kale oo ku dhow Buulo-xaaji laga abaabulayo dhaqdhaqaayo ciidan; waxaana laga baqdin qabaa inay dagaalo cusub qarxaan.

 

Kooxaha ka horjeeda maamulka Kismaayo ayaa kusoo badanaya gobolka J/hoose, iyadoo dhawaan ay ku dagaalameen duleedka Jamaame dhalinyaro gadoodsan iyo maleeshiyada maamulka, kaasoo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAGAAL KA DHACAY MAGAALADA BUULO XAAJI IYO DADKA DEEGAANKA OO ISKA CAABIN SAMEEYEY

5146.jpg Buulo_Xaaji

 

 

Waxaa weli isku hor fadhiya Degmada Buulo Xaaji ciidamadii ku dagaalamey maalintii shaleyto ahayd iyadoo ciidamada Deegaanka ay iska caabiyeen koox lagu sheegey iney ka tirsan yihiin Maamulka Kismaayo laakinse beel ahaan u badan Hal beel oo ka mid ah kuwa dega Gobolada Jubooyinka.

 

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu dhashey kadib markii Koox magaceeda lagu sheegey Mucaskarka Alfurqaan laakinse u badan beesha ********** ay soo weerareen tuulo u dhow Magaalada Buulo Xaaji oo lagu magcaabo Tuulo Cabdalle ama Cabdala Biroole oo deegaan ahaan ay degen yihiin beesha Cismaan Ibraahim ee **********.

 

Beesha Cismaan Ibraahim [Cawramale] maleeshiyaadkeedii ayaa waxay iska caabiyeen isla markaana sida wararku uu kusoo gaarayo LaasqorayNET ay sheegeen iney ka dileen 4 qof oo iyagana laga diley 4 isla markaana dhamaan dhaawaca 2 kooxood loo qaadey Magaalada Kismaayo.

 

Tuuladan oo ka tirsan magaalada Buulo Xaaji waxaa gacanta hada ku haya Dadka deegaanka iyadoo ciidamadii soo weerarey dib loo riixey maalintii shaleyto ahayd isla markaana banaanka tuulada la isku hor fadhiyo.

 

2 dhinac ayaa waxaa u kala socda Gurmad iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamo beeleed oo ah beesha Deegaanka ay kasoo baxeen deegaano ay ka mid yihiin Bu'aale oo ah xarunta Gobolka Jubada Dhexe.

 

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo beeleedyo kale oo ka dhashey beelaha ****** ay abaabul ka wadaan deego ka tirsan Jubooyinka iyadoo aan la garaneyn sababta laakinse loo badinayo iney ku talo jiraan iska caabin ka yimaada xaga kooxaha Maamula Kismaayo.

 

Deegaanka Beesha Cawramale ayaa ka bad baadey Dagaalada Sookeeye ee ka dhacayey Jubooyinka iyadoo ay beeshu ku go'aansatey ineysan ka qeyb qaadan dagaaladii had iyo jeer kusoo noq noqanayey Kismaayo intey maamusho.,

 

Odayaasha Deegaanka oo qaarkood aanu Kismaayo kala xirirney ayaa eed waxay dusha uga tuureen wiilasha Kooxda Mucaskara Alfurqaan iyagoo ka digey iney saameyn weyn ku yeelan doonto weeraradan noocan oo kale ah oo ay qaadayaan kooxdani.

 

Mucaskarka Alfurqaan oo hore loo oran jirey Caanoole ayaa waxa uu bilowdey ama la aas aasey kadib markii uu Bare Hiiraale kusoo noqday Magaalada Kismaayo iyadoo markii hore uu ahaa ciidan Beeleed laakinse markii danbe oo magacyada Carabiga u badani soo shaac baxeen ay u xuub siibteen Alfurqaan.

 

Waxaa xusid mudan in Magaalada Kismaayo uu ka jiro Loolan siyaasadeed oo kooxo dhowr ahi ay ku looltamayaan sidii ay uga talin lahaayeen iyadoo kooxdan Alfurqaan ay ka mid tahey.

 

Wixii warar ah kala soco LaasqorayNET, Sawirka kore, xaafad ka mid ah Buulo Xaaji....

 

LaasqorayNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

DHAGAYSO----Wareysi Xasaaasi ah oo aanu la yeelaney Afayeenka Beelaha Warsangali/Cawramale oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole

7132.jpg

 

Kismaayo: Wareysi aanu la yeelaney Siyaasiga weyn ee deegaamada Jubada Hoose Ibraahin Goobweyn oo isla markaana ah afayeenka beelaha ku dagaalamay deegaankaas beel ka mid. Afayeenka ayaa sheegay in kooxda shalay dagaalka kusoo qaadey ay tahay koox huwan magac diimeed ee Alfurqaan kuna eedeeyey in ay beelyihiin. Afayeenka ayaa tilmaamey in xalka kaliya jira meesha uu yahay in ciidamada deegaanka ay joogaan kuwa kalena laga hor qaado. Markaasna uu wada hadalka furanyahay. Afayeenka ayaa ugu baaqey beelaha Sanaag iyo G. bari iney ay ogaadaan walaalohood Jubada Hoose.

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this