Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Police apprehend suspects of killings

Recommended Posts

Booliiska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 9 nin oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen shirqooladii lagu laayay nabadoonada

Posted to the MOL July 16, 2008, 7:01 am

 

Booliska magaalada Galkacyo oo waayadaan waday howl galo lagu sugayo amniga ayaa gacanta ku soo dhigay 9 nin kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen shirqooladii ka dhacay magaalada ee lagu laayay dhowr nabadoon iyo dad waxgarad ah.

 

 

9-ka nin ee la qabtay oo intooda badani ka soo jeedaan Guriceel oo xurun u ah kooxda Alshabaab iyo Cadaado ay xoog badan ku leeyihiin ayaa isla manta waxaa loo gudbiyay magaalada Bosaaso oo maxkamad lagu soo saari doono. Maxaabiista la soo qabtay ayaa waxaa kaxeeyay ciidan booliis ah oo illaalo ka ah.

 

 

Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in horey ciidanka Booliiska Gaalkacyo u heleen xog cadeynaysa in shirqoolada ka dhaca magaalada Gaalkacyo inta badan laga soo abaabulo magaalada Gurceel iyo Cadaado ka dibna ay qorshayaasha qaarajinta fuliyaan dad isku dhaf ah.

 

 

Tan iyo intii asbuucii hore la dilay allaha u baxariistee nabadoon Cali Jaamac Biixi ayaa waxaa kor loo qaaday feejignaanta ciidanka booliiska iyadoo wararka aan helayno sheegayaan inay booliisku hayaan cadeymo badan oo la xiriira dadka ka dambeeyay shirqoolada iyo habka ay ku soo galaan magaalada Gaalkacyo.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this