Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Geesiyaashii Reer Dhoqoshay

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Abaalgud

Gudoonsiisay Gesiyaashii Reer Dhoqoshay

 

reer_dhoqoshay.JPG

 

Hargeysa (SNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Mashaariic horumarin ah ay ugu deeqday Tuulada Dhoqoshay, oo ka tirsan gobolka Togdheer, taas oo abaalgud looga dhigay qabashadii Kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee Jimcihii toddobaadkan fuliyay falkii ka dhacay agagaarka Tuulada Dhubato oo ku taala Waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, kaas oo lagu dilay Ms. Flora Chepkemol, oo ka tirsanayd Hawlwadeenada hay’adda Samofalka Caalamiga ah ee GTZ, isla markaana lagu dhaawacay MR. Helkin, oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Mashaariicda GTZ ee Somaliland.

 

Xukuumaddu waxa kale oo ay lacag $20,000 (Labaatan kun oo Dollar ah) abaal marin ugu deeqday dadkii shicibka ahaa ee deegaanka Tuulada Dhoqoshay ee qabtay Kooxda Gacan ku dhiiglayaasha ah iyo Ciidamada Booliska iyo Qaranka ee ka hawl galay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha Budhcadda.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay maamuuska dadweynaha Tuulada Dhoqoshay, Madaxda gobolka Togdheer iyo Degmada Burco iyo Ciidamadii ka qayb galay hawlgalkii soo qabashada dambilayaasha dhagarta gaystay, ayaa Salaasadii shalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

 

 

Xafladdaas oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo lagu martiqaaday ka qayb galkooda Odayaasha Tuulada Dhoqoshay, Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo degmada Burco, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Booliska Somaliland, Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, Duqay iyo Culimo-u-diin kale oo deegaanka Hargeysa ah iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada).

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa mahadnaq ka dib, waxa uu ku dhawaaqay Mashaariicda horumarinta ah ee Xukuumaddu ugu deeqday in loo sameeyo Tuulada Dhoqoshay iyo lacagta abaal marinta ah ee Xukuumaddu abaal gudka u bixinayso.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in hawshii ballaadhnayd ee ay Tuulada Dhoqoshay u gashay qabashada gacan ku dhiiglayaasha awgeed, in xukuumaddu ogolaatay in loo sameeyo :

 

1.Dugsi Waxbarasho

2.Xarun Caafimaadka ah oo ah Carruurta iyo Hooyada (MCH).

3.Rug Boolis (Iyo Askartii ka hawlgeli lahayd).

4.Koox Dhakhtaatiir ah oo Xoolaha aaggaas (Dhoqoshay) Caafimaadkooda loo saaro.

5.Koox Biyo Sahamin ah si Ceel Biyood loogu qodo.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay lacagta $20,000 ah ee Baadifada ah loo kala qoondeeyay sidan :

 

1.Tuulada Dhoqoshay= $ 12,000 (Laba iyo toban kun oo Dollarka Maraykanka ah), una dhiganta SH. SL. 91,800,000/=

2.Ciidanka Qaranka ee qaybta 12aad- $3000 (Saddex kun oo Dollarka Maraykanka ah una dhiganta SH.SL. 22,9850,000/=

3.Qaybta Booliska Burco iyo Maamulkooda= $3000 (Saddex kun oo Dollarka Maraykanka ah), una dhiganta SH.SL. 22,9850,000/=.

4.Taliska guud ee Booliska Somaliland= $ 2000(Laba kun oo Dollarka Maraykanka ah) una dhiganta SH.SL, 15,30000/=.

Madaxweyne Ku-xigeenku khudbadda uu ka jeediyay xafladdaa waxa shalay uu mahadnaq ballaadhan u jeediyay dhammaanba dhinacyadii ka hawl galay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, “Waxa bogaadin dheeraad ah muddan Magaalada la yidhaahdo Dhoqoshay oo iyagu u jilib dhigay gacan ku dhiiglayaashaas, dagaalkii la isku qaadayna kaga guulaysatay, waxa iyana bogaadin muddan Tuulada Sibidhlay iyo degmada Bali-Dhiig oo loo bixiyay (Balli-Doog) oo ka qayb galay gurmadkii Ciidanka, sharaf bay iga muddanyihiin, waxa kale oo aan bogaadin u dirayaa Magaalooyinka hawada nagala shaqaynayay ee isku xidhka weyn sameeyay ee Tuulooyinkii u dhawaana heegan buuxa geliyay” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Waxa uu sheegay in Magaalooyina iyo Tuulooyinka heeganka la geliyay intii hawlgalkaasi socday ay kala yihiin, Degmada Oodweyne, Qori-lugad, Laan-mulaaxo(oo iyagu ka waramaysay hadba halka ay marayaan gacan ku dhiiglayaasha baxsadka ku jiray), Xaaji-Saalax, Duruqsi, Daba-Goroyaale, Nasiye, Cali-Aadan, Harada-Gobataxil, Harada Sh. Isa-xaaaq, Bandar-Wanaag, Qoton-Dabo iyo Bali-Axmed.

“Tuulada Dhoqoshay markii ay gacan ku dhigeen nimankaa gacan ku dhiiglayaasha ah, waxa gaadhay ciidanka Qaranka qaybta 12-aad, waxa mahad muddan Taliyaha qaybta Booliska Burco, oo weliba isaga gaadhi kula dhacay degmada Oodweyne, waxa isna ku jiray daba galka iyo raad gurka. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa Taliska guud ee Ciidanka Booliska sidii ay isugu xidheen Booliska iyo qaabka ay u xidheen Magaalada Hargeysa” ayuu yidhi, Md, Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa kale oo uu u mahad naqay Taar-walayaasha Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska iyo kuwo rayid ah oo qayb ka qaatay dhinaca Isgaadhsiinta hawlgalkii gurmadka ahaa, kuwaa oo kala ah;

1.Cabdixakiim Axmed Xasan (Ciidanka Qaranka)

2.Maxamuud Xasan Miigane (Ciidanka Qaranka)

3.Maxamuud Axmed Faarax (Ciidanka Qaranka)

4.Saalax Nuur Diiriye (Ciidanka Booliska)

5.Cabdiweli Xasan Xaashi (Ciidanka Qaranka)

6.Axmed Maxamed Idiris (Ciidanka Booliska)

7.Maxamed Yuusuf Goohe (Ciidanka Booliska)

8.Ismaaciil Cumar Maxamuud (Dhoqoshay)

9.Faarax Caydiid Aadan (Bali-Dhiig)

10.Cismaan Axmed Xasan (Qori-lugud)

11.Axmed Faarax Axmed (Oodweyne).

Badhasaabka gobolka Togdheer Mr. Cabdi Xuseen Dheere oo ka hadlay xafladdaas ayaa sheegay, in gobolka Togdheer dawlad iyo dadweynaba aanay u kala hadhin hawlgalkaas. Waxa kale oo uu badhasaabku ka waramay taariikhda Tuulada Dhoqoshay ay ku lahayd halgankii dib u xoraynta dalka, isaga oo tilmaamay in dadka deegaank Dhoqoshay ay horseed u ahaayeen halgankii ay SNM hoggaaminaysay, isla markaana ay Tuulada Dhoqoshay ahayd meel aanay weligeed soo gelin Ciidamada ******ta ee Taliskii Siyaad Barre.

Waxa isaguna xafladdaas ka hadlay guddoomiyaha Tuulada Dhoqoshay, Mr. Khaliif Cismaan X. Jaamac, oo ka waramay sidii ay dadka Tuuladaas deggani u qabteen kooxda budhcadda ah, isaga oo yidhi, “Dhacdadani ma aha qof qof wax uu sameeyay, waxa weeye waajibaad aas-aasi ah oo qofku leeyahay. Waxaanu difaacaynay Masiirkii, Aayihii iyo sharaftii iyo Calanka, markaa in aanu Annagu is faanino ma aha, soo dhawayn iyo abaal gudna intaas ayaa noogu filan, waxa loo baahanyahay difaaca Qaranka Somaliland in shacbigu xil iska saaro oo Dhoqoshay lagu daydo oo Gobolada iyo Degmooyinkaba loo diyaargaroobo difaaca Qaranka, dawladduna ha dhisto mooralka shacbiga, adeegyada bulshada wax ha ka qabato.

Dhacdadii haddii aan ka yara hadlo, arrinka noogu adkaa waxa uu ahaa nin Mujrim ah oo wax soo dilay oo aan tudhayn oo hubaysan, haddii aad shacbi tihiin qabta oo yuu idin dhaafin, laakiin ilaahay baa noo fududeeyay”.

Waxa kale oo isna xafladdaas ka hadlay Muftiga Caanka ah ee Somaliland Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka hadlay sida aan Diinta Islaamku u oggolayn in la laayo dad Ajaanib ah oo magan kuu ah, iyaga oo aan wax dembi ah gelin. Isaga oo Sheekhu tusaale u soo qaatay asxaabigii Cali Binu Abii-Daalib (Alla ha ka raali ahaadee), walaashii oo magan gelisay nin gaal ah, isaga oo Sayid Cali-na damacsanaa in aanu ku dhaafin magantaa, haseyeeshee, markii walaashii ka war-heshay in Cali doonayo inuu khaarajiyo ninka maganta ah waxa ay uga dacwootay Nebi Muxamed (Salalaahu Calayhi Wasalam), markaas oo uu Rasuulkii yidhi, “Mar haddii uu ku soo magan galay ninka gaalka ahi cid dilli kartaa ma jirto”.

Sheekh Dirir, waxa kale oo uu ku booriyay Xukuumadda inay sugto baadhitaanka nimanka gacan ku dhiiglayaasha ah, maadaama ay isticmaalayaan been iyo marag habaabin badan, sidii ay horeba u isticmaaleen inay xidhaan Shaadirada (Jalaabiibka haweenka), markii ay dilka fulinayeen, “Waayo, sidii ay beenta uga sheegeen Jalaabiibka oo ay u xidheen ayay been u sheegayaan” ayuu yidhi Sheekh Dirir, waxa kale oo uu ka hadlay ammaanka dalka, isaga oo sheegay in illaalinta nabadgelyadu tahay waajib saaran dawlad iyo dadweynaheedba.

SNN Correspondent Hargeisa Somaliland

Mohamed H. Joma (Rambo)

Rambo@somalilandnews.com

Posted at 05:12 pm by SNN reporter RAMBO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^^..and really tell me why we should give a fig about that? 24hrs you talk about "Somaliland" being the main focus of attention, and yet you don't see or don't want to see that you are the one wanting the attention and other such? Do you see me posting the daily happenings of Gedo, Galgadud, or even Mudug? Acuudi bilaah enough is enough. No one really cares redface.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^^Well if something made me laugh these past days I would say it's that :D No bro and that's speaking from fact, it's just that to stop me from being mistaken as such :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

Horn,

 

Is a he???? Could have fooled me!! smile.gif

 

Anyways if there are heroic, interesting happenings from your sides lets hear it. We definto lend you and ear or two.

 

EASe of Somaliland alright.

 

Doqshaye --Togdhere --as per norm comes to the rescue ;)

 

Dusty.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this