Sign in to follow this  
xiinfaniin

Rag dhaawac ah oo Hargeysa lagu xiray

Recommended Posts

SL: Rag dhaawac ah oo la xiray

 

Ciidamada boolis-ka ee magaalada Hargeysa ayaa ka soo qabtay guri ku yaala magaalada dhinaceeda Bari illaa toddoba nin oo isugu jira qaar dhaawac ah iyo kuwo kale oo looga shakiyay in ay ka yimaadeen dagaaladdii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacaayay.

 

Dadkan ayaa la sheegay inay ku xidhan yihiin xarunta CID da ee magaalada Hargeysa oo la sheegay in su'aalo lagu weydiinayo si loo xaqiijiyo inay yihiin kooxo ka tirsan Dagaalyahanada Islaamiga ah iyo inay yihiin dad shacab ah oo ku dhaawacmay xabadihii ay isweydaarsanayeen ciidamadda Dawladda iyo xoogaga ka soo horjeeda oo khasaare balaadhan gaadhsiiyay dadka deegaamada dagaaladu ka dhaceen ku sugnaa kuwaasoo barakacoodu gaadhay meelo badan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe.

 

Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi oo aanu khadka Telefoonka kula hadalnay si aanu wax uga weydiino warkan iyo warar kale oo sheegaya inay ciiddamadda Booliisku ku raad joogaan dhalinyaro wada abaabul ay doonayaan inay kaga qayb qaataan dagaaladda ka soo cusboonaaday magaalada muqdisho , waxana uu si kooban u yidhi wax war ah bixin maayo ee waa inoo mar kale.

 

Hase yeeshee dad iyagu goobta ragan laga so qabtay joogay ayaa u sheegay Garowe Online in ay indhahooda ku arkaayeen niman dhaawac ah iyo kuwo bad qaba oo gaadhi xaajiyad ah lagu qaadaayo balse may sheegin meesha la geeyay, waxase la sheegay in la geeyay xarunta CID oo su`aalo lagu weydiinaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this