Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed trips sparks outcry from friends Xasan dahir + Sharif Xasan

Recommended Posts

Shariif Xassan Sheekh Aadan "Sheekh Shariif Wuxuu Muqdisho u Tagay in Kuraastii Baarlamaanka Uu Soo Qeybiyo Isagoo Annan Cidina Kala Tashan.

 

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wareysi uu siiyey Joornal ka soo baxa dalka Qadar waxa uu ku sheegay in Sheekh Shariif Gudoomiyihii Isbaheysiga Garabka Jabuuti uu ku tikrifalay awoodii isbaheysiga

 

Ka dib markuu diiday in awooda baarlmaanka isbaheysiga ay xaq ahaan u heleen lagu qeybiyo dalka Jabuuti oo isla markaasina ah xarunta isbaheysiga "Sheekh Shariif kuraastii baarlamaanka wuxuu kala dhacay Magaalada Muqdisho isaga oo aanan qofna kala tashan".

 

Shariif Xassan wuxuu kaloo sheegay in magaalada Muqdisho uu u tagay Sheekh Shariif in uu ku soo qeybiyo kuraasta baarlamaanka oo isbaheysiga ay xaq ahaan u heleen iyadoo xubnihii ka tirsanaa isbaheysiga ay dhooban yihiin magaalada Jabuuti, Shariif Xassan wuxuu ku goodiyey in Isbaheysiga uu qarka u saaran yahay bur-bur baaxadiisu lagu qiyaasay in gacan ka hadal ay gaarto, wuxuuna sheegay in masuuliyaadaasi uu leeyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Email Story Printable

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleshiyad ka goostay ururka ARS-Jabuti

11 Dec 11, 2008 - 4:45:41 AM

 

Maleeshiyo daacad u ahaa Isbahaysiga ARS-Jabuuti ee u hogaamiyo Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka goosteen; kuna biireen dhanka kale ee Asmara.

 

Max'ed Cusmaan oo ah sarkaalkii watay ciidamadaan ayaa saxafiyiinta u sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidamada ARS-Asmara, ayna dagaalada sii wadi doonaan.

 

"Maanta wixii ka dambeeya waxaan amarka ka qaadanaynaa Dr. Cumar Iimaan Abubakar, waayo dhinaca kale wuxuu ka weecday jihaadkii lagu jiray, waxayna la heshiiyeen DF" ayuu yiri Max'ed Cusman.

 

Goobta lagu qabtay xaflada oo ahayd meel miyi ah oo dhanka waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa ku suganaa xooghayaha difaacada ee Isbahaysiga mucaradka Sheekh Yuusuf Max'ed Siyad [indhacade], isagoo diiday inuu saxaafada la hadlo.

 

Mas'uulka u hadlay ciidamada goostay ayaa ku eedeeyay Madaxa gudaha dalka ee Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/qaadir Cali Cumar inuu la saftay Sheekh Shariif, iyagoo xusay inuusan xukumin.

 

Ciidamada goostay oo aan tiro ahaan la xisaabin karin, balse ku sugnaa dhul howd ah ayaa waxay wateen gaadiid dagaal, iyagoo u diyaarsanaa inay dagaalo cusub galaan.

 

Sheekh Xasan Mahdi oo ah mas'uul ka tirsan Isbahaysiga ARS-Asmara oo isaguna ka hadlay goobta lagu soo bandhigay ciidamada ayaa sheegay in Maleeshiyada goostay ay ******** khiyaanooyinka ay maleegayaan Sh. Shariif iyo xubnaha la socda.

 

"Mujaahidiinta dhabta ah waa kuwa xaqiiqsada hagardaamooyinka cadowgu wado, kuwana waxay ka fakadeen dhagar lala damacsanaa" ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo sheegay inuu ka xun yahay hadafka garabka Jabuuti.

 

Ciidamadan goostay ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horeeyay oo cadeysta inay ka go'een garab ka tirsan Isbahaysiga ARS ayna ku biiraan garab kale, isla markaana ku dhawaaqa inay dagaalada sii wadayaan.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aweys oo mucaraday socdalka Shariifka

11 Dec 11, 2008 - 3:00:07 AM

 

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan Asmara ayaa ku tilmaamay booqashada Sheekh Shariif uu ku tagay Muqdisho mid uu ka shaqeeyay cadowga, isla markaana aysan jirin cid ku farxaysa socdaalkiisa.

 

Isagoo wareysi siinayay Tv-ga ku hadla Afrka Carabiga ee Al-jazeera ayuu sheegay in socdaalkaas uu yahay mid ka dhashay heshiiskii uu kula galay DF dalka Jabuuti.

 

"Booqashada Sheekh Shariif waxay cadeyn buuxda u tahay in cadowgu uu heshiis la galay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaas ku daray: "Ma jirto cid aan ahayn cadoga oo ku farxaysa socdaalkiisa Muqdisho".

 

Sheekh Xasan oo ay garabka Isbahaysiga ARS ee ku sugan Asmara u doorteen gudoomiye oo wax laga weydiiyay cida uu cadowga ula jeedo ayaa yiri: "Cadowgu waa ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo dowlada Federaalka".

 

Gudoomiyaha Isbahaysiga ARS-Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay markii uu Muqdisho gaaray in socdaalkiisu uu qayb ka yahay sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii lagu gaaray Jabuuti.

 

Dhanka kale, booqashada Sheekh Shariif waxaa soo dhaweeyay Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah, isagoo ku tilmaamay socdaalka Sheekh Shariif mid farxadeed.

 

"Halkii ay dhinacyada hardamaya xabad isku ridi lahaayeen, hadana waa inay ka shaqeyaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dadkii ku barokacay dagaaladoodii ayna dalka dib ugu dhisi lahaayeen" ayuu yiri Ahmadou Ould-Abdallah oo saxaafada hadal kooban siiyay.'

 

Shacabka Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay booqashada Sheekh Shariif, iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen mid aan wanaagsanayn, halka kuwo kale ay ku tilmaameen mid nabadeed.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What they are against changes daily, you need to ask them what their agenda is today.

 

As for Ina Yey, he is brutal to those who have looted, raped and pilliged Somalia, you know the typed, fake nationalist now fake wadaads.

 

To the rest of Somalia and Somali's President Yusuf is harmless.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

maxaa taqaan ? ayaa taqaan? that was a song? right? where can I find that song? cos it suits to today's political farce

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eebba ha u naxariistee Magool, yaa heestaas iloowi karo. Heestaan Kacaankii lagu amaanaay ee loo qaaday maxaa ka dambeeye.

 

Inaan tirnaayoon

Qabiila tuurno

Isu tagnaan

Talo ku goynoo

Loo taabaceliyee

 

Maxaad taqaan

Toobiye weeyaan

Lagu tisqaadee

 

Maxaad taqaan

Waa loo tartamayaa

 

Maxaad taqaan

Tari kartaa

Ayaad taqaan

 

Turunturoontoo

Kuftey

Ayaad taqaan

 

Talaabsan weydoo

Dhacdey

Ayaad taqaan

 

Taladii seegtoo

Luntey

Ayaad taqaan

 

Maxaad taqaan

Tabiyo xoogiyo

Tamaradeenoo isu tagtaa

Lalo ku goynoo

Loo taabaceliyee

 

Maxaad taqaan

Toobiye weeyaan

Lagu tisqaadee

Maxaad taqaan

Waa loo tartamayaa

 

Maxaad taqaan

Tari kartaa

Ayaad taqaan

 

Turunturoontoo

Kuftey

Ayaad taqaan

 

Talaabsan weydoo

Dhacdey

Ayaad taqaan

 

Taladii seegtoo

Luntey

Ayaad taqaan

 

Maxaad taqaan

 

Wuxuu taabaayee

Dadku ku taamey

In loo taraan

Talo ku goynoo

Loo taabaceliyee

 

Maxaad taqaan

Toobiye weeyaan

Lagu tisqaadee

 

Maxaad taqaan

Waa loo tartamayaa

 

Maxaad taqaan

Tari kartaa

Ayaad taqaan

 

Turunturoontoo

Kuftey

Ayaad taqaan

 

Talaabsan weydoo

Dhacdey

Ayaad taqaan

 

Taladii seegtoo

Luntey

Ayaad taqaan

 

Maxaad taqaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this