Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Congratulates the Succeessful Voter Registration

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu

maanta hambalyo balaadhan u diraya dhamaan hawl wadeenadii sida hufan uga

soo qayb qaatay hawsha diiwaan gelinta ee dalka ka dhacday, isla markaana

shalay soo gabo gabowday.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahad celinayaa dhalinyaradii isugu

jirtay Wiilal iyo gabdho ee sida wanaagsan ee geesnimada leh u gutay

hawshoodii qaran, Madaxweynuhu waxa uu yidhi “aniga oo qiyaasi kara

qaarkood in ay duruufo gaar ah haysteen wakhtigii ay ku guda jireen hawsha

diiwaan gelinta, iyada oo qaar ka mid ahi meelaha ay joogeen ama

tuulooyinka ay ka hawl-galayeen aanay lahayn wax ay cunaan iyo wax ay

cabaan, dhaxan badinina u dheerayd, iyaga oo u dhabar adaygay hawshaasi

adag, muujiyayna geesnimo xad dhaaf ah iyo muwaadinimo, waxaanan leeyahay

Hambalyo. Hambalyo. Shaqo wanaagsan ayaad dalkiina u qabateen”

 

 

Waxa kale oo aan mahad taas la mid ah u dirayaa ciidamada Booliiska,

Ciidamada Qaranka , Hawl wadeenada Komishanka iyo guud ahaan shacbiga

Somaliland.

 

 

“Waxa ay ahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Dalka Jamhuuriyadda

Somaliland oo ay garab socotay qaadashada kaadhka muwaadinnimo ee

Jamhuuriyadda Somaliland oo muwaadinka ka soocaysa ka ajaanibka ah, guul

weyn oo u soo hoyatay Qarankan curdinka ah oo maalinba samaynaya

mucjisooyin dalal badan oo adduunka ahi aanay hore u samayn.”

 

“Dhacdadani waa mid taariikhi ah oo xusi doonta cid kasta oo ka qayb

qaadatay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir

Rayaale Kaahin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was a huge project which span from SL/DJ border to SL/SO border and from SL/Ethio border to the Gulf of Aden, and with many obstacles to overcome.

 

It required huge mobilisation both from the government, the Electoral Commission and the people. Reaching the nomads itself is a huge task.

 

There is room for improvement in the future, but all in all, a job well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this