Sign in to follow this  
Abdi2005

Maxaakiimta oo lawareegtay Hotel Saxafi oo uu leeyahay C.rashiid Ilqeyte

Recommended Posts

Abdi2005   

Midowga Maxkamadaha oo la wareegay Gacan ku heynta Hotel Saxafi iyo KM4

 

Mogadishu 25 May. 06 ( Sh.M.Network) Midowga Maxkamadaha islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gacan ku heynta Isgoyska KM4 iyo Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal culus oo saakay ku dhex maray halkaasi Maleeshiyooyinka Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo kuwa Maxkamadaha.

 

saxafi1.jpg

Maleeshiyooyinka Midowga Maxkamadaha oo la wareegsay gacan ku heynta Hotel Saxafi

 

saxafi2.jpg

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo taagan albaabka Hotel Saxafi

________________________________

 

 

Maleeshiyooyinka Midowga Maxaakiimta ayaa la wareegay gacan ku heynta Hotel Saxafi oo uu leeyahay C.rashiid Ilqeyte oo xubin ka ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, ka dib dagaalo lagu hoobtay oo saakay aroortii ka bilowday halkaasi.

 

Dagaalkaasi oo geeystay qasaaro naf iyo Maalba leh, la iskuna adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan ayaan si rasmi ah loo sheegi karin qasaaraha rasmiga ah, inakstoo iminka daryankii rasaasta ay ka yaraatay sidii hore, dagaalakana uu si goos goos ah ugu sii siqay Airapoirka magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinkii Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee ku sugnaa Hotel Saxafi iyo nawaaxigiisa ayaa la tilmaamayaa in ay joogaan Isgoyska Zope oo ah KM5 , iyadoo Hotelkaasi iyo nawaaxigiisa ay isku gadaameen Maleeshiyooyinka Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo ku hubeysan gawaari dagaal oo aad u fara badan.

 

Xiriir aanu la sameynay Isbitalka Madiina ayaa waxa ay shabelle u xaqiijiyeen saraakiisha Isbitalkaaasi in la keenay saakay oo kaliya ilaa 50 ruux oo dhaawac ah, kuwaasi oo u badan dad rayid ah.

 

Dhinaca kale dagaal ayaa ka soconaya deegaanka Gal-galato ee duleedka W/magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina ay adag tahay in xog faahfaahsan laga helo rasaas culus oo aad u socota aawadeed.

 

la soco daqiiqado ka dib sawirada dagaalka oo aad u fara badan iyo qasaaraha dadkii ku dhaawacmay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this