Sign in to follow this  
xiinfaniin

Dagaalo mar kale ka qarxay Gobolada Jubooyinka

Recommended Posts

Dagaalo mar kale ka qarxay Gobolada Jubooyinka

16 Nov 16, 2009 - 11:45:27 AM

 

 

 

Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalmay u badan ayaa ku dhintay dagaalo maanta ka dhacay Gobolka Jubada hoose, kuwaasoo u dhexeeyay ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab, waxaana dhinacyadu ay dagaalka ka kala sheegteen guulo.

 

Inkastoo aan wax war ah laga hayn tirada ramsiga ah ee dagaalkaas uu dhaawacu kasoo gaaray ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow la gaarsiiyay dhaawacyo fara badan.

 

Dagaalkan ayaa qarxay 6:00 aroornimo ee saakay [Nov 16], waxaana sarkaal u hadlay Al-shabaab uu sheegay in weerarka iyaga lagu soo qaaday ayna jabiyeen kooxihii soo weeraray oo uu sheegay inay qayb ka ahayd Jabhada ONLF.

 

"Saldhig ay ciidankeenku ku leeyihiin deegaanka Xagar ee Gobolka Jubada hoose ayaa weerar lagu soo qaaday, waxaana dilnay tiro ka mid ah ciidankii Xisbul Islam iyo ONLF, waana jabinay" ayuu yiri Sh. Xasan Yacquub Cali oo saxaafada la hadlay.

 

Afhayeenka ayaan sheegin khasaare iyaga dagaalka kasoo gaaray, wuxuuse xusay in xabadu ay soo gaartay deegaanka Xagar oo Al-shabaab ay gacanta ku haysay, isagoo xusay inay u suurogashay inay jabiyeen ciidankii soo weeraray.

 

"Dagaalka inaga ayaa ku xoog roonaanay, wuxuuna ahaa mid nalagu soo qaaday, ma jirin ciidamo ka tirsan ONLF oo dagaalka nala galay, hadaladaasna waa been" ayuu yiri Sh. Axmed Max'ed Islaam [Madoobe] oo warbaahinta la hadlay.

 

Xagar oo ahayd goobtii dagaalka intiisa culus uu ka dhacay ayaa waxay waqooyi kaga beegan tahay Kismaayo, waxaana la sheegay inay gacanta u gashay Xisbul Islam, inkastoo aanay jirin warar madaxbanaan oo xaqiijinaya; bale uu dagaalku qaboobay.

 

Mas'uul u hadlay ONLF oo lagu Magacaabo Xuseen M. Nuur ayaa sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo xoogagoodu ay ka galeen Somalia, isagoo sheegay inaysan jirin sabab keeni karta inay la saftaan dhinacyada Somalia isku haya midood.

 

Saraakiil u hadlay Xisbul Islam ayaa sheegay in dagaalku uu u siqay dhanka Gobolka Jubada dhexe oo daris la ah Jubada hoose, iyadoo dhinacyada uu dagaalamay ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this