Sign in to follow this  
General Duke

Minister Jelle its war on the criminals...

Recommended Posts

Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Dowlada soo afjari doonto Dagaalka ka socda Muqdisho

Last Updated::2007-03-22 15:51:54

 

Muqdisho:- Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DF Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya aya sheegay in DF ay sii wadi doonto dagaalka

ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda ilaa iyo inta ay gacanta uga dhigayaan caasimada Muqdisho.

 

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xilli dagaal toos ah maalintii 2aad uu ku dhex marayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ciidamada DF oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo Kooxaha kasoo horjeeda Dowlada.

 

Salaad Cali Jeelle ayaa u soo jeediyay dadka ku dhaqan goobihii shalay dirirtu ka dhacday in ay isaga baxaan guryahooda si ay uga bad baadaan dagaalada dhex maraya ciidamada DF iyo kooxaha ka soo horjeeda, isagoo dhinaca kale carabka ku dhuftay in maalmo gudahood ay ku soo afjari doonaan dagaalada ka socda Muqdisho.

 

"Waxaan u sheegeynaa dadka ku dhaqan goobaha kooxaha argagixisada ay madaafiicda ku rakibanayaan oo ay ka soo tuuraan in ay lafahooda ka ilaashadaan dadka haka baxeen goobahaasi, waxaana ku soo afjareynaa hawl gallada maalmo yar" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

 

Ciidamada DF iyo kuwa Ethiopia ayaa saaka dagaalo ka bilaabay xaafadaha Juungal iyo Jamhuuriya halkaasoo weli dagaalka uu ka socda inkastoo uu ka qafiifsan dagaalkii shalay deegaankaasi ka dhacay.

 

Sidoo kale dagaal goos goos ah ayaa la sheegay in uu ka socda agagaarka kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad iyo warshadii hore ee Kabka ayadoo sidoo kale xiisado ay ka jiraan xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga iyo deegaanka Suuqa Xoolaha halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamada huwanta iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeele oo sheegay in howlgalada socda ee ammaanka lagu sugayo goor dhow la soo gabagabeeyn doono.

 

March 22-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ee dowladda KMG ah Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa kaga hadlay dagaalada ka jira magaalada Muqdisho iyo mowqifka dowladda KMG ah ee ku wajahan dagaaladaas.

 

Shirkan jaraa’id oo uu qabtay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo uu ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa kaga hadlay qaababka ay u howlgalayaan ciidamada dowladda fedraalka.

 

Sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxa uu kaga hadlay kooxaha ka soo horjeeda dowladda fedraalka howlgalada ay sameenayaan inay yihiin kooxa haraadi ah oo ka haray maxaakiimta Islaamka.

 

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa mar Saxaafadda wax ka weydiisay hadalkii ka soo yeeray Rag waxgarad ah oo sheegay in dagaalka Muqdisho uu u dhaxeeyo ciidamada beesha ****** iyo kuwa dowladda fedraalka ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qeybinayo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in dowlad midnimo Qaran ah la soo dhisay beesha Hawiyana ay ka tahay hormuud.

 

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ay ku sugan yihiin xaafado yar oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxa uuna dadwaynaha xaafadahaas degan ugu baaqay inay isaga guuraan deegaanadaas isagoo u ballan qaaday inay goor dhow soo gabagaben doonaan howlgaladaas.

 

Hadalkan ka soo yeeray dhinaca dowladda ayaa ku aadan xilli shalay qeyba ka tirsan xaafadaha Muqdisho ay dagaalo isaga horyimaadeen ciidamada dowladda fedraalka oo gacan ka helaya ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo horjeeda howlgalada ay sameenayaan ciidamada dowladda KMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: "Haraadigii Maxkamadaha Islaamiga waxa ay la tashteen shabakada Al-qaacida, Salaad Cali Jeelle, Shir Jaraa'id.

 

22. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dowladda KMG oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarnta Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in howlgalada ciidamada dowladda ay si rasmi ah u bilowdeen isagoo ka codsaday dadweynaha in ay isaga dhaqaaqaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxo uu sheegay iney ka hareen maxkamadihii Islaamiga.

 

Mr. Jeelle ayaa dadweynaha Soomaaliyeed u balan qaaday iney sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celin doonaan amaanka Muqdisho, isagoo intaa raaciyay in dadka dhibaatada ka soo gaarto howlgalada ciidamada dowladda ay wax ka qaban doonaan wixii soo gaara.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in beesha ****** ay hormuud u tahay dowladda KMG ah isla markaana beesha ay dooneyso in nabadgelyada wax laga qabto cidii ka hor timaadana howlgalada dowladda waxaa uu shegay iney la dagaalami doonaan ciidamada dowladda.

 

Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu ku eedeyay weerarada loo geysanayo ciidamada dowladda Haraadigii Maxkamadaha Islaamiga oo uu sheegay in ururka Al-Qaacida ay u xil saareen Aadan Xaashi Ceyrow inuu fuliyo howlgalada dowladda iyo shirarka dib u heshiisiinta looga soo horjeeda dowladda KMG.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa ugu danbeyntii sheegay in ciidamada dowladda si rasmi ah ay howlgaladooda u bilaabeen isla markaana cid kasta oo loo arko iney nabadgelyo xumo abuureyso ay amar ku qabaan iney qabtaan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Last time he spoke he won and this time the area and the arms facing them is real small.

My advice is to never underestimate your enemy, and take into account the possibility of defeat. Afterall, the deputy collaborator is defeatable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No saxib no one is underestimating them hence the firepower arraid just for them. No one is playing with them. Those who now use clans and last week used religion will lose again..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Those who now use clans and last week used religion will lose again..

You promised everything will be rosy in a couple of months. Time is running out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

time is running out for the lone trouble makers of Somalia..

But, you have to take into account the occupiers and collaborators could be defeated and kicked out of Somalia. If you don't prepare yourself and take that into account, the psychological effect of defeat could hit you hard.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this