Sign in to follow this  
General Duke

Who will be Somalia's next President... Analysis

Recommended Posts

Taking into consideration that the speaker of Parliment will be chosen on 15 of September 2004. And that the President will be selected on the 22 of September.

 

In this thread we will look at all candidates.

Faallo ku saabsan Musharixiinta Madaxwaynanimadda somalia

 

Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia oo laban laabay Ololahooda ay ku doonayaan in loogu doorto Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia.

 

Maxaad ka taqaanaa Shaqsiyaadka ugu caansan Musharixiinta Madaxwaynanimadda

Somalia,?

 

Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia ayaa loolan adag ugu jira inay ku soo baxaan Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia. kadib markii la dhamaystiray Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Somalia.

 

C/qaasim Salaad Xasan oo ka mida Musharixiintaasi ayaa kulamo kala duwan la leh Siyaasiyiinta ka qayb galaysa Shirka Kenya iyo Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka. Wuxuuna kala xaajoonayaa inay ku taageeraan Musharaxnimadiisa Madaxwaynanimadda Somalia.

 

C/qaasim Salaad Xasan waxa uu magacaabay Guddi u ololeeya Doorashadiisa oo uu Madax u yahay Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mida Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Somalia. Waxaana Guddigaasi Xubno ka ah Xasan Dhimbil Warsame, C/kariin Axmed Cali, Prof C/raxmaan Ibbi, Yuusuf Dheeg, iyo Siyaasiyiin kale

oo Muhiim ah. Iyadoo Xubnahana oo ka wada tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia ay billaabeen inay Xildhibaanadda kale u sameeyaan Ballanqaadyo haddii ay Codkooda ku taageeraan C/qaasim Salaad Xasan.

 

Maxaad ka taqaanaa C/qaasim Salaad,?

 

C/qaasim Salaad Xasan oo haatan haya Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia kadib markii lagu doortay Tuuladda Carta ee Dalka Jabuuti waa Hogaamiye Cod Kar ah oo Afkiisa ku qancin kara Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool Raas Casayr min Raas Kambooni. Laakiin waa Nin aan lahayn Tallaabooyin wax qabad oo lagu

xanto inuu yahay Hogaamiye Fadhiid ah.

 

C/qaasim Waa Hogaamiye Nabadda Jecel oo aan marna ku fakarin in Maamul uu Madax ka yahay uu Dagaal gallo. Wuxuuna xittaa ugu yaraan ka illaaliyay Dawladiisu inay Burcadda la dagaalanto.

 

C/qaasim waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Dunidda Carabta. Laakiin C/qaasim iskuma fiicna Reer Galbeedka iyo Itoobiya oo la aaminsan yahay inay Aas aas u yihiin Mushkiladda Somalia. Waxaana ay Dalalkaasi u yaqaanaan Hogaamiye Diimeed Xiriir la leh Kooxaha Mayalka Adag.

 

C/qaasim Waa Siyaasi Ruug Caddaa ah oo ku soo barbaaray Nidaamkii Kaligii Talisnimadda ee Gen Maxamed Siyaad Barre, mana jecla inuu qaato Tallooyinka Saaxiibadiis iyo Ragga la shaqeeya. Wuxuuna jecel yahay mar kasta in lagu shaqeeyo Mawqifkiisa. Laakiin ciddii ka hortimaada waa Nin aan gadaal u jaleecin Miisaankeeda Beeleed iyo Siyaasadeed ee si Deg Deg ah ayuu Xilka uga tuuraa. Tusaale ahaan Cali Khaliif Galayr oo si wayn u dhisay Xiriirkii ay TNG-du la lahayd Caalamka markii ay is qabteen C/qaasim waxa uu ku amray Baarlamaanka inay Xilka ka qaadaan isagoo waliba xilligaasi Shir Caalami ah uga qayb galayay Maraykanka. Wuxuuna Jagaddiisii u magacaabay Xasan Abshir Faarax oo markii dambe ay isna isku jiireen Arrimaha Shirka. C/qaasim Salaad Xasan waa Nin aysan Beeshiisu jeclayn, sababta arrintaasna waxa lagu macneeyay inuusan ahayn Nin Qabiil. Waxaana uu wattaa Astaan ka mida Astaamaha lagu garto Hogaamiye Daacad ah. Ma ahan sidoo kale Hogaamiye Guddoon Jilicsan taasna waxay labaynaysaa Astaamaha lagu yaqaan Hogaamiye. Laakiin waa Nin Gacan Adag. Sidaasna waxa uu ku waayay Deeqsinimaddii laga rabay Hogaamiye. Inkastoo la xaqiijiyay inuusan ahayn C/qaasim Madaxda Dhaqaalaha Dalka ku takri fasha

 

 

..........................................................

 

Waxaa Soo Ururiyay Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrikaâ€

Wixii Talo iyo Tusaale ahna ugu soo hagaajiya Ciwaankiisa

abdiazizafrica@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ololaha Madaxwaynanimadda ee C/laahi Yuusuf Xaggeey Marayaan,?

 

C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu ka mida Musharixiiintii ugu horaysay ee ku dhawaaqda Musharaxnimadooda ayaa haatan ku sugan Dalka Imaaraadka oo uu jooga inuu ka hello Dhaqaalihii uu ku gali lahaa Tartanka Doorashadda

Madaxwaynanimadda. Waxaana uu Shirkadaha ka kalluumaysta Xeebaha Waqooyi Barri waydiistay inay siiyaan Dhaqaale u fududeeyo inuu ku soo baxo Jagaddaasi. Iyadoo Shirkadahaasna Illo ku dhow dhow ay xaqiijiyeen inay u ballanqaadeen C/laahi Yuusuf inay ka bixinayaan Dhaqaalaha uu ku galayo Tartanka Doorashadda.

 

Waa Nin Caynkee ah C/laahi,?

 

C/laahi Yuusuf waa Kornayl Ruug Caddaa ah oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Laakiin ka baxsaday markii ay is khilaafeen Gen Maxamed Siyaad Barre. Waxaana C/laahi Yuusuf uu muddo dheer u halgamayay in mar uun uu noqdo Madaxwayne Xoog iyo Xeelad midduu doono ha ku halee.

 

C/laahi Yuusuf Waa Hogaamiye aan la cabsan, lana Xishoon Mawqifkiisa. Waa Nin aamisan in Dalkan Xoog iyo Dhiig Daata lagu hoggaamin karo. Waxa uu marar badan ku cel celiyay in haddii la doorto uu Dalka si deg deg ah u nidaamin lahaa. Isla markaana ciddii Xukunkiisa ka hortimaada waxa uu ku goodiyaa inuu Badda ku darayo.

 

Ma ahan Nin Diimeed, waxa uu aad u neceb yahay Kooxaha Diinta. Waxaana uu marar badan sheegay in Somalia ay Xarun u tahay Kooxaha Argagixisadda. Waxaase uu C/laahi ku fashilmay Deegaanka Shimbiraale oo uu sheegay inay Xarun u tahay Al-Qaacidda. Laakiin taasi waxay beenoowday markii ay tageen Deegaankaasi Suxufiyiin ka kala socota Warbaahinta Gudaha iyo Caalamka.

 

C/laahi Yuusuf waxaa lagu sifeeyaa inuusan ahayn Nin Xilka uu hayo aan ku urursan Hanti. Waana Nin uun Jecel inuu wax Hoggaamiye. Laakiin aan dhaqaale doon ahayn. Waana Nin wax kasta u hurra inuu gaaro Yoolka uu leeyahay ee ah inuu Madaxwayne Noqdo.

 

C/laahi Yuusuf waxay dad badan aaminsan yihiin inuu yahay Hogaamiye Mudan xilligan adag inuu hogaamiyo Soomaaliya oo ay Dadkeedu hilmaameen Nidaam iyo Kala dambayn. Waxaana Dadkan ay ku tilmaamayaan C/laahi Yuusuf inuu yahay Nin Ad Adag oo Dalkan hogaamin kara.

 

C/laahi Yuusuf waa Nin ku fiican Fulinta Ballamaha uu Dadka la gallo. Waa Nin ku wanaagsan Wada Shaqaynta iyo Saaxiibtinimadda. Laakiin dadka la soo shaqeeyay waxay ku dhaliilaan inuu yahay Nin Qabyaaladiiste ah oo marka aad is qabataan Qof ay Qaraabo yihiin kaaga hiilinaya. Waxayna ku Macneeyeen Qabyaaladiisu inay gaartay Heerka ugu hooseeya. Isagoo xittaa Jufo Jufo u kala Saara Beesha uu ka dhashay ee Cumar Maxamuud.

 

C/laahi Yuusuf waxa uu illaa iyo Bilawgii Shirka Kenya ahaa Ninka Majaraha u hayay Jihaynta Shirka. Wuxuuna illaa xilligaasi ku adkaysanayay inuu yahay Musharax Madaxwaynanimo. Laakiin Marxaladii ugu dambaysay ee Shirka ayeey Siyaasaddu si deg deg ah isku badashay. Kadib markii Kornaylku uu ka diday Olalaha C/qaasim Salaad oo isna markii dambe Marxladdu badashay. Illaa iyo Mudadaas C/laahi waxa uu isku aqoonsanaa Madaxwaynaha Somalia ee Mustaqbalka. Iyadoo Haddii uu Jagadaas Waayana aan la ogayn sida uu ku

dambayn doono Xaalka C/laahi Yuusuf oo ah Hogaamiye Da’a ah, Caafimaadkiisuna uu liito.

................................................................

Waxaa Soo Ururiyay Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrikaâ€

Wixii Talo iyo Tusaale ahna ugu soo hagaajiya Ciwaankiisa

abdiazizafrica@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Olalaha Muuse Suudi ee Musharaxnimadda,?

 

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ku sii biiray Siyaasadda 14-kii Sanno ee ay Dagaaladda Sokeeye ka socdeen Somalia ayaa isna ku biiray Liiska Furan ee Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana Muuse uu kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa Kulan uu la yeeshay Xubnaha Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ee uu Madaxda u yahay.

 

Muuse Waa Nin Caynkee ah,?

 

Muuse Suudi Waa Hogaamiye Mayal Adag oo aan ka dabcin Mawqifkii uu qaato. Waa nin Dadka yaqaanaa ay ku tilmaamaan sidii Hogaamiye Dhaqameed u taagan Gar Nacleey, waa Nin aan ka xishoon ku dhawaaqidda wixii Maskaxdiida ku soo dhacda.

 

Muuse Suudi Waa Hogaamiye Beeleed aaminsan inuu Xaq u leeyahay Masiirka ugu sareeya Somalia, maadaama uu muddo dheer soo halgamayay, Waxa uuna ku adkaystaa in haddii aan isaga Kaalintiisa meel la saarin inaysan Xaajo Soconayn.

 

Muuse Suudi waxa uu ku caan baxay ka hadalka Qadiyadda Muddulood oo ah Beesha uu ku dhashay. Waxa uuna ku doodaa in Gobalka Banaadir uu yahay Gobal Muddulood. Sidaas darteedna Dadka kale ay waajib ku tahay inay isaga baxaan.

 

Ma ahan Nin leh Diblomaasiyad furfuran oo uu kula dhaqmo Dalalka Deriska la ah Somalia. inta la xasuusto waxa uu hal mar xiriir la sameeyay Itoobiya oo markii dambana ay is jiireen. Sidoo kale Beelaha kale ee Soomaalida lama lahan Xiriir Wanaagsan. Waxa uuna si toos ah Qalabka Warbaahinta uga caayaa hadba Beeshii uu doono, mana ahan Nin ku xisaabtama in Siyaasaddu ay is badali karto Mustaqbalka.

 

Marka uu Waraysiyadda bixinayo Muuse Suudi waxa uu leeyahay Dhagaystayaal Badan oo ku soo xoomo Goobta uu ka shidan yahay Raadiyaha uu ka hadlayo, waxaana lagu qiimeeyaa inuu yahay Hogaamiyaha ugu dhagaystayaasha Badan, iyadoo taana loo sababeeyay sida uu u hadlo iyo Mawqifkiisa xag jirnimadda ah.

 

Muuse Suudi Erayadda lagu xasuusto waxaa ka mida Dadkaygu yeeli maayo Qanyaraa wax Noqday, Muusana wax ma noqon oo uu ka yiri BBC-da Laanteeda Soomaaliga xilli Muqdisho looga dhawaaqay Maamul uu Gobalka Banaadir yeesho. Iyo C/laahi Yuusuf Kabo ka waawaynaas isku Jimayhaa, Kursiga Madaxwaynanimadana waxaa xaq u leh ****** .

 

Waraysigan Dambe oo isla BBC-da siiyay Muuse Suudi galabkii uu baxayay markii ay soo gashay Iddaacaddu waxaan fadhiyay goob lagu shaaheeyo xilligaasoo uu BBC-da furay Axmed Xasan Cawke oo ah Suxufi ku wanaagsan Ararta Barnaamijyadda. Waxa uuna ku furay, yaa Xaq u leh Madaxwaynanimadda Somalia,? Yaase Mudan inuu Somalia hogaamiyo,? Muuse Suudi oo arrintaasi noo sharixi doona.

 

.................................................................

 

Waxaa Soo Ururiyay Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrikaâ€

Wixii Talo iyo Tusaale ahna ugu soo hagaajiya Ciwaankiisa

abdiazizafrica@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tartanka Madaxwaynanimadda iyo Cadoow.

 

C/laaahi Axmed Caddoow waxa uu ku jiraa Loolankiisii ugu dambeeyay ee uu ku Doonayo in loogu doorto Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana uu Caddoow Kulamo kala duwan la leeyahay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Somalia oo ka Dhaadhicinayo inay Codka Kalsoonidda siiyaan marka ay timaado Doorashadda

Madaxwaynanimadda Somalia.

 

Caddoow waxa uu magacaawday Guddi u ololeeya Musharaxnimadiisa. Waxaana Guddigan oo u badan Aqoonyahanno iyo Diblomaasiyiin ay Beelaha Soomaalida u Sharixi doonaan Siyaasadda Caddoow ee ku aadan Hogaaminta Somalia.

 

Waa Nin Caynkee ah Caddoow……?

 

Caddoow Waa Siyaasi Ruug Caddaa ah oo la soo shaqeeyay Xukuumaddii Milatariga Ahayd ee Somalia. Waxa uu ka soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ugu dambaysay markii uu Danjiraha ka ahaa Dalka Maraykanka.

 

C/laahi Axmed Caddoow waa Nin Qunyar Socod ah oo aan hadal badnayn. Isla markaana ay yartahay Kaftanka uu la qaato Saaxiibadiis. Waa Nin Jecel had iyo jeer inuu ka hadlo Rabitaankiisa Siyaasadeed, Noloshiisa Inta badan ku koobay Arrimaha Siyaasadda. Mana ahan Nin Ehel Diinta. Taasoo aan ula jeedo inuusan Aqoon Fiican u lahayn Diinta. Laakiin waa Nin Muslim inta aan ka ogahay.

 

C/laahi Axmed Caddoow waxa uu inta badan ololihiisa Siyaasadda ku saleeyaa inuu Xiriir wanaagsan la leeyahay Maraykanka. Wuxuuna soo bandhigaa Sawiro uu la galay Masuuliyiintii soo martay Dalka Maraykanka qaarkood. Laakiin

haatan Xiriir lama lahan Maamulka Aqalka Cad ka arrimiya. Sida ay xaqiijiyeen Saaxibadiisa u ololaynaya Musharaxnimadiisa.

 

 

C/laahi Axmed Caddoow waa Nin Saddex Meelo Meel ka mida Noloshiisa ku qaatay Qurbaha. Mana ahan Nin ay Beeshiisu ku kalsoontahay sida Musharixiinta qaarkood. Sababta arrintaasna waxaa lagu macneeyay inuusan beeshiisa ku

garab galin xilligii ay hormuudka ka ahayd Riditaankii Xukuumadda Maxamed Siyaad Barre.

 

Hogaamiyihii Xilligaasi Beesha uu ka dhashay Caddoow horkacayay Marxuum Caydiid waxa uu ku tilmaamay Caddoow Nin dadkiisa ka doorbiday Kursi Dhiig leh oo ula jeeday in Jagadda Yar ee la siiyay lagu hilmaansiiyay Xasuuqyaddii loo gaysanayay Beesha uu ka dhashay. Waxaana Sifahaasi uu Caydiid ku xusay Buugiisa uu qoray Bogga 112-aad.

 

Caddoow ma ahan Nin Haysta Dhaqaale xoogan oo uu ku gali karo Doorasho Madaxwaynanimo. Mana jirto cid uu ku tiirsan yahay oo ka caawin karta dhinacaasi. Inkastoo uu sameeyay isku day uu Ganacsatadda Beeshiisa uga doonayay Taageero haddana taasi ma suuragalin. Kadib markii ay Beeshiisu ku kala qaybsantahay Musharaxnimadiisa.

 

Caddoow ma ahan nin ku fiican Bixinta Dhaqaalaha Afka Talyaaniga lagu yiraahdo Spesso Politico, waana Nin Gacan Adag sida ay ku sifeeyeen Raggii la soo shaqeeyay. Sidoo kale waa Nin Guddoon Jilicsan, waana Labo Astaan uu Caddoow ka hor istaagaysa inuu noqdo Hogaamiye, marka dib loogu noqdo Dhaqanka Soomaalida.

 

Caddoow sidoo kale Xiriir fiican lama lahan Beelaha kale ee Soomaalida, wuxuuse inta badan ku doodaa inuu Mudan yahay in loo doorto Madaxwayne. Isagoo isku haysta inuu yahay Shaqsiga kaliye ee Somalia ka saari kara Go’doonka Siyaasadeed ee ay 14 kii Sanno ee la soo dhaafay ku jirtay.

 

Caddoow waa Nin Yaqaan Tanaasul iyo waa laga badiyay, ma ahan sida Hogaamiyayaasha Soomaalida qaarkood ee marka Tartanka looga adkaado qaadaca gabi ahaanba Natiijadda Doorashadda. Waxaana taas Tusaalaheeda kaaga filan

Shirkii Carta oo uu noqday Ninka Labad ee afka lagu hayay inuu Jagaddaasi ku soo baxaya laakiin markii looga awood roonaaday waxa uu oggolaaday Natiijaddii Shirka. Waxaana uu la shaqeeyay Dawladii C/qaasim oo markii dambe iskeed u dhaqaaqi waysay.

 

Caddoow marka loo eego Da’diisa iyo Xaaladda Somalia oo uusan wax badan kala socon waxay Dadka isaga dhaliilsan sheegayaan inuusan xilligan adag hogaamin Karin Somalia oo u baahan Hogaamiye Ad Adag oo dhibaatadda ka samatabixin

kara. Waxaana ay Caddoow ku dhaliilayaan inuusan la jaanqaadi Karin Xaaladan Jaantaa Roganta ah ee ay Somalia ku sugantahay.

 

Caddoow Waxa uu Xiriir wanaagsan la leeyahay Ururadda Bulshadda Rayidka ah iyo Aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee Shirka ka qayb qaadanaya. Laakiin xiriir lama lahan Qabqablayaasha Dagaalka ee Somalia oo haatan Shirka awood xoogan

ku leh. Waana Siyaasiga kaliye ee hanaan kasta oo Shirka loo jiheeyo aan dhaliilin. Kaliya waxa uu tan iyo Billowgii Shirka u ololaynayay inuu Noqdo Madaxwaynaha Somalia.

 

..............................................................

 

Waxaa Soo Ururiyay Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrikaâ€

Wixii Talo iyo Tusaale ahna ugu soo hagaajiya Ciwaankiisa

abdiazizafrica@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

These are profiles bro. We need more profiles, of the contenders for the crown not just our own feelings or wants.

 

What I like about the above article was that it was trying to be objective. Thats all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

[Abdulahi Yusuf] Ma ahan Nin Diimeed, waxa uu aad u neceb yahay Kooxaha Diinta. Waxaana uu marar badan sheegay in Somalia ay Xarun u tahay Kooxaha Argagixisadda. Waxaase uu C/laahi ku fashilmay Deegaanka Shimbiraale oo uu sheegay inay Xarun u tahay Al-Qaacidda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Whoever it is, i pray to Allah that he is God-fearing and does the people of Somalia justice.

 

Ma ahan Nin Diimeed, waxa uu aad u neceb yahay Kooxaha Diinta.

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Otali, SmithNwestern wait less then 3 weeks! icon_razz.gif If your canidate is chosen president, the whole world will know in less then 3 weeks.

 

Save the energy for then :Dicon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brother Horn, its just speculation. We willhave to waitbut nothings wrong with following the moves of the key players and the opinions of some commentators. For example Xaji English is a good correspondnet at times even though he can be abit emotional like Otali. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this