Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Farewell To The Ethiopian Ambassador to Somaliland

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland, ayaa xaflad sagootin ah u sammaysay Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Hargeysa Mr. Wubishet Demissie, kadib markii uu dhmmatay muddo afar sanno ah oo uu joogay Somaliland,

 

Munaasibad uu soo abaabulay Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo lagu macasalaamaynayey safiirka waqtigiisu dhammaaday, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin badan oo Somaliland ka tirsan oo isugu jiray wasiiro uu ka mid ah yahay Wasiirka Arrimaah Dibada Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, iyadoo dhinaca dawladda Itoobiyana ay ka joogeen masuuliyiin badan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada, waaxyaha kale ee dawladaasi iyo shaqaalaha xafiiska dawladda Itoobiya ku leedahay Hargeysa.

 

Wasiirka maaliyadda Xuseen Cali Ducaale oo munaasiabadaas sagootiska ah ka hadal ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay wakiilkii Itoobiya oo uu ku tilmaamay nin diblomaasi ah. Waxaannu ka sheekeeyey xidhiidhka siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

 

Wasiir cawil waxa uu sheegay in Itoobiya tahay dalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta Xafiis Diblomaasiyadeed, sidaas daraadeedna ay ahmiyad gaara u hayaan. Waxaannu u rajeeyey Wakiilka cusub ee Itoobiya u soo magacaabi doonto Somaliland inuu noqon doono mid sii wanaajiya xidhiidka labada dal oo halkaa ka sii wada.

 

Wakiilka xilkiisu dhammaday Wubishet Demissie, ayaa isaguna sheegay inuu sii xoojin doono taageerada Somaliland, isagoo sheegay inuu wadamo badan ku qancin doono ictiraafka Somaliland. Mr. Wubishet Demissie waxa uu sheegay in Somaliland tahay dalkii labaad ee uu ka shaqeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking news

 

The city of Hargeysa is under shock after the departure of the ethiopian Ambassador.

 

Reuters: Hageysa news desk.

 

The authority in the breakaway banana republic of Somaliland have increased the suicide watch level to red alert as many people are on the streets crying and ripping their clothes while they chant, "WHY Dear ambassador".

 

Our reporter in Hargeysa witnessed some people jumping off the bridge of Hrgeysa to their deaths, and many others being kept away from the bridge by the police. Unconfirmed reports say that huge number of people are marthoning to the twin mounts of "Nasa hablood" to commit mass suicide jump.

 

President Rayale is under pressure tonight to declair marshall law, and some parts of Hargeysa have been un cerfuw for the last 12 hours.

 

While Faisal Ali Warabe the leader of the opposition UCID party has called for the declairation of total war against the neighbouring Djibouti for causing this unexpected departure of the Abassador.

 

0.72996200%201243344755.jpg

 

Disturbing images from Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa bedeshay wakiilkeedii u joogay Somaliland Ambassador Wubishet Dimmise, waxaanay soo magacawday masuul kale oo ku meelgaadh ah .

 

Ambassador Wubishet Dimmise, oo afartii sannadood ee u dambeeyay masuul ka ahaa xafiiska ay Itoobiya Hargeysa ku leedahay, si rasmi ah looma garanayo sababta keentay bedelkiisa, iyadoo uu muddooyinkii u dambeeyay u kala dab qaadi jiray bulshada caalamka iyo madaxda siyaasadda Somaliland, ka hor intii aanay dhawaan kala saxeexan heshiis lagu soo afjaray murankii jiray. Hase yeeshe, bedelkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay dawladda Itoobiya labadii bilood ee u dambeeyay u yeedhay safiiradeeda dunida u kala jooga, kuwaas oo la sheegay in lagu samaynayo isku shaandhayn.

 

Masuulka sida ku meelgaadhka ah loogu soo magacaabay xafiiska ay Itoobiya Hargeysa ku leedahay Mr. Abdete, waxa uu ahaa wakiilkii hore ee uu bedelay danjiraha hadda la bedelay, waxaanu dhawr sanno masuul ka ahaa xafiiska ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa. Waxaana la filayaa in dawladda Itoobiya dhawaan soo magacawdo wakiil rasmi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this