Sign in to follow this  
Abwaan

(Hadeey aake idin aadiyaan..ugu jawaaba Aarti feyf)

Recommended Posts

Abwaan   

Shirib Abshir Bacadle soo ururiyey

(Hadeey aake idin aadiyaan..ugu jawaaba Aarti feyf)

 

Goobta 1-aad

 

Itoobiya oo Ugandha la dardaarmeysa

 

Shirib:

 

A)- Hadeey aake idin aadiyaan..ugu jawaaba Aarti feyf

 

Hogaamiye kooxeed…

 

B)- Itoobiyaa na af-xirtee...Ugaandhaay aabe noo ahaaw

 

Ugandha :-

C)- Ununa eydhisaan wadnaa…hadaa na ogolaa kartiin

 

Goobtii 2-aad

 

A)- Kutaabkii aaka sheegateen…kuwaanu ma ka roon yihiin!

B)- Kooxdii wadaan ka sheeganee…kutaabku waa na kaafiyaa

C)- Katooligaad u kaashateen…kuwii ma kaaga roon yihiin!

D)- Isu kitaaba ma ihinoo, kuwaanu kookaleey wataan

E)- Ama kuwaan ama kuwii… ama keligaa kitaabka oog

F)- Adoon kurbinta kahsaheyn..kitaabka ma isku kaashanaa

G)- Ma kurbintaan karaahsadaa…katoolig iigu kaashateen!

H)- Soo koob kor ha ila aadinee..kitaabka aan isu kaashanee!

 

Goobtii 3-AAD

 

A)- Arinkaan weysla aqbalnee..ooda aan ka qaadnee ogolaaw!

B)- Ood-qaadka idinkaa yaqaan.. ana abuur iyo faloow!

C)- Markaan aslaaxsho ii imaaw.. hana igu eryina ogolaaw!

D)- Anna imaam-nimaan rabaa.. ee ardadeydi ii ahaaw!

E)- Asleynkiyo ijmaaca raac..adigaan arday kuu ehee!

F)- Intaan isla ogolnahaa..na anfacdee ooda iga qaad!

G)- Aamiin ilaahow kaa ajiib..oo kaa ilaali ibtidaac!

 

Goobta 4-AAD

A)- Waa loo kala hooda leeyehee..hogaankii halgankoow horeey!

B)- Holaca waa ley hormarshaa..hadhowna weygu heysatiin!

C)- Ma kaa heraahoo meys hubtaa.. aa halgam halgameyside!

D)- Hoteel Galobal hooga yaal..*****yo hintirey hortaal!

E)- Hadalka kii horaa haboon..hoteelkuna hab dowladeed!

 

Goobtii 5-aad

 

A)-Adoogu aarsiyoow rabaa.. abwaanki yiri koow ahaay!

B)- Adinku NS maa tihiin..ujeedadiinu xeey eheed!

C)-Anigu NS miihiyee..ishaaradisiyaan arkaa!

D)- Adoogu asrkartaan Puntland..waxaan aheyn ma woow aqoon!

E)- SSDF waxaan aheyn..asmaaba arkay ebedkiis!

F)- Waa asal jabhadeedkiyoo..inta kaloowsan aamineyn!

G)- Fikradii Faarax sendikood..faquuqdeen fursad waa eheed!

F)- Ha faarax faaraxeynine..farsamo fiican fa’ ku sheeg!

 

 

Goobtii 6-aad

 

A)- Waa daa’im diinta rabigeey…duquse waa dabeyl xagaay!

B)- Nin diin leh dimoqraadi-diid..waxaase doortay dahriyaal!

 

Kala xiriir Abwaan Abshir Bacadle Tel:002521-5858752

 

 

Xafiiska Muqdisho, Somalia

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this