Sign in to follow this  
Gabbal

TFG claims to have defeated the ICU in the most fiercest clashes yet; in Iidaale.

Recommended Posts

Gabbal   

Dowladda Federaaliga ee KMG ee

Jamhuariyada Soomaliya

Wasaaradda Warfaafinta

 

Transitional Federal Government

of Somali Republic

Ministry of Information

 

War Saxaafadeed

 

Friday, December 22, 2006

 

Dawladda Federalka KMG, waxay War-saxaafadeedkan ku cadaynaysaa in maleeshiyadda Kooxda xagjirka ah ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (MMI) ah lagu jabiyay weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Dawladda Federaalka ah ee fadhigoodu yahay Aagga Iidaale ee Degmadda Diinsoor maanta oo ay bishu tahay 22ka Diisambar 2006, Saacaddu markii ay ahayd 5:45 subaxnimo.

 

War saxaafadeedku waxa uu sheegayaa in dagaalkaasi ay hogaaminayeen ciidamo Eretarian ah oo ay weheliyaan kuwa ka kala socda kooxdaha Ashabaab, ONLF, OROMO iyo jihaadiistayaal ka kala yimid dalalka Suudaan, Bakistaan iyo dalal kaloo dibadda ah.

 

Ciidamada Dawladu waxay haatan daba joogaan firxadkii kooxihii dagaalka soo qaaday oo ujeedadoodu ahayd inay qabsadaan Baydhabo oo ah Xarunta KMG ee Dawladda Soomaaliya”, sida uu sheegay warsaxaafadeedku.

 

Dagaalkan maanta waxa uu bilowday iyadoo ciidamada Maxaakiimta ay gurmad ahaan ugu yimaadeen ugu yaraan 10 baabuur oo ciidamo ajnabi ahi saaran yihiin, kadib markii shalay lagaga itaal roonaaday weerarkii ay ku soo qaadeen ciidamada Dawladda, lagaga gubay in ka badan kala bar gaadiidkii ay wateen oo gaarayay 60 gawaarida dagaalka ah.

 

Dhanka kalana Aaga degmada Bur-hakaba oo ay maxaakiimtu ku jabeen ugu yaraan todoba weerar oo ay 20-21 December, 2006 ku soo qaadeen difaaca ciidanka Dawladda Federaalka ah ayaan maanta wax dagaal ahi ka dhicin illaa iyo hadda, sababo la xiriira jabkii dagaalkii hore. Aden Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ahaa maxaabiistii dagaalkaas lagu soo qabtay ayaa sheegay in ay dhamaadeen saraakiishii ciidankoodu ayna waayeen cid hogaamisa kahor intii aan la qaban, wuxuuna intaas ku daray in lix ka mid ah ciidankoodii jabay oo ajnabi ahaa ay is qarxiyeen markii la hareereeyay.

 

Wararka ugu danbeeyay ee aan ka helayno sirdoonka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Aagaas Buur-Hakaba ayaa sheegaya in maleeshiyada Midowga Maxakamadaha Islaamiga ah ee ka soo hor jeeda ay manta oo kaliya ku soo biireen 500 oo ka mid ah ciidanka Dalka Eretaria oo wata madaafiicda goobta iyo hub kale oo badan.

 

Dawladda Federalka ahi waxay ka xun tahay dhibaatadan ay sababeen maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, waxayna dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaan inay ka joojiyaan caruurtooda yaryar iyo ardada ay Baadiyaynayaan Argagixisada Caalamiga ah oo u adeegsanaya dhalinyaraddeena inay ka dhigtaan gabaad ay xabadda isaga dhigaan.

 

Sidoo kale DFKMG waxay u soo jeedinaysaa Beesha caalamka inay indhaha ku hayaan falalka burcadnimo ee ay dadka soo galootiga ahi ku hayaan xasiloonida Soomaaliya, taasoo holcin doonta gobolka iyo caalamkaba haddii aan degdeg wax looga qaban.

 

Wasaaradda Warfaafinta.

 

Midowga Maxkamadaha ayaa sheeganayo inay gaareen guulo iyadoo dhanka dowladana ay sheegayaan inay guulo waaweyn ka gaareen iyadoo xaqiiqda dhabta aan lahayn balse ay cadahay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay dad badan ay labada dhinac ka dhinteen inkastoo tiro rasmi ah aanan haynin

 

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiininay hadalada labada dhinac, hase yeeshee maalmahan ayaa labada dhinac waxa ay kala sheeganayeen guulo iyo in ay goobo cusub qabsdeen welina ma jirto cid xaqiijisay sheegashadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dagaaladii Iidaale ka dhacay lagu dilay waxa ay ku sheegeen in ka badan 2 boqol oo kooxaha al-qaacidda iyo maleeshiyooyin ah.

 

Hobyonet. Muqdisho. Jimce, Dec 22, 2006

 

.

 

War saxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay deegaanka Iidaale ku dileen ciidamo ka socda dalka Ereteriya iyo maleeshiyooyin Soomaali ah, waa sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

 

warka ka soo baxay dowladda federaalka, ayaa waxa lagu tilmaamay in ciidamada dowladda ay qabteen ciidamo ka tirsanaa maxkaamdaha Islaamka, oo ay ciidamada dowladda guulo waaweyn ka soo hoyeen dagaalkii Iidaale.

 

War-saxaafadeedkaan, ayaa waxaa lagu sheegay in dalka ay joogaan ilaa kun askari oo Ereteriyaan, iyadoo lagu muujiyey in nin u dhashay dalka Suudaan uu hoggaaminayo ciidanka maxkamadaha ee dagaalamaya deegaanka Iidaale.

 

Wasaaradda warfaafinta ee dowladda federaalka waxa ay sheegtay in dagaalka lagu qabtay nin ay ku sheegeen in uu magaciisa yahay Aadam Cabdule, kaasoo ay sheegeenin uu u gudbiyey in ciidamo shisheeye oo dagaalka ku jiray la dilay kuwa kalena lagu dhaawacay.

 

Warkaan, ayaa waxa si weyn loogu faahfaahiyey guulaha ay sheeganeyso in ay dowladda ka gaartay dagaalada ay ciidamada maxkamadaha iyo kuwa Itoobiyaanka ku galeen deegaanka gobolka Bay.

 

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa loogu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in ay celiyaan waxa ay ku sheegeen dhalinyarada maskaxda laga xaday ee lagu qalday in dagaal jihaad ah lagu jiro.

 

Warkaan ayaa waxa uu u muuqdaa mid looga jawaabayo kii ay maxkamadaha Islaamka shaly ku sheegeen in lagu dilay 2 boqol o Itoobiyaan ah.

 

Ma jiraan warar madax-bannaan uu muujinayo sheegashada dowladda, balse waxaa magaalada Baydhaba lagu arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo qoryaha aartilariga iyo taangiyo wato.

 

AHMAD DAHIR

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaale: Xerada Manaas oo si buuxda gacanta ugu gashay xoogaga midowga maxaakiimta, kadib markii loo awood sheegtay ciidamadii Ethiopianka!!!

Wararka degdeg ah Godeynews kusoo gaaraya khadka thuraya ee jiida hore ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta ay galabta gacanta kudhigeen dhamaanba xerada Manaas iyo deegaanada kuhareeraysan oo kasaareen ciidamada Ethiopianka ay afarta cisho kula dagaalamayay aagga Iidaalle.

 

Faahfaahinta dagaalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ciidamada maxaakiimta cutubyo kamid ah ay dhabir jabin culus kusameeyeen oo gacanta kudhigeen xerada Manaas iyo dhamaanba waxii Gawaari dagaal, hub iyo saanad ahaa ee halkaas u yiilay ciidamada Ethiopianka.

 

Gawaarida laga qaniimaystay Ethiopianka ayaan tiro lahayn, inkastoo lagu soo waramayo inay kor udhaafayaan 35 gawaaraida dagaalka sida Kaaraha, Beebega iyo kuwa jiida madaafiicda goobta.

 

Xooggaga maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay inay wali sii baacsanayaan firxadka ciidamada Ethiopianka ee u baxsaday dhinaca Baydhabo, isla markaasna aysan jirin wax xero dhufays ah oo ay Ethiopianka iskaga kaana caabin karaan inta udhexeesa Manaas oo aan joogno iyo magaalada Baydhabo oo aan kusii siqayno.

 

Waxii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo sheegi doonaa Inshaallah.

 

Godeynews.com

Goobta hore dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa naloo qeybiyay khariiradan, iyadoo nalagu yiri waa inaad qabataan magaalada Dekada ee Kismaayo" waa hadalkii maxaabiista ciidamada Ethiopianka ee lagu qabtay dagaallada kasocda agagaarka Iidaalle.

Warar hoose oo sir ah ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Ethiopianka ee afarta maalmood dagaalka kula jiray midowga maxaakiimta aaga Idaalle ay maxaabiistoodii iyo meydkoodiibii ay jeebabkooda kuwateen khariiradda soomaaliya oo ay wada calaameysan yihiin meesha ay kutaalo magaalada dekada ah ee Kismaayo.

 

Meydadka ciidamada Ethiopianka ay daadsan inta udhexeesa Safar-Noolays, Idaale iyo Goof-Guduud ayaa dhamaantood jeebkooda aad ku arkaysaa khariiradda soomaaliya iyo walina magaalada Kismaayo oo si gooni ah loo sii calaamadeeyay iyo waliba jidadka laga tagi karo Kismaayo.

 

"Waxaa naloo soo sheegay inaan qabano magaalada dekada ah ee Kismaayo" waa hadalkii maxaabiista nolosha lagu qabtay ee Ethiopianka

 

Arintan ayaa waxay si gooni usii muujinaysaa hanka iyo colaada goonida ah ee ay wada qabaan ciidamada Ethiopianka iyo Cabdullahi Yuusuf oo soomaalida usheegta inuu doonayo madaxweynimo soomaaliyeed.

 

Hase yeeshee waxaa maanta cad inuu jiro qorshe hoose oo ay wada gaareen xukuumda Ethiopia oo colaad soo jireen ah kadhexeeso guud ahaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan beel-weynta ****** iyo C/laahi Yuusuf Axmed oo markii uu kuguul daraystay xukunkii Ethiopia usoo dhood-hoobtay uxuub siibtay qaabiil iyo in Ethiopia u qabato goballada Jubbooyinka.

 

Dhinaca kale warar xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Jijiiga ee ismaamulka Soomaalida ayaa cadeynaya in saraakiisha sarsare ee dawladda fedaraalka Ethiopia ay maamulka kilalka lagu wargeliyay inaysan marnaba siyaasadda dawladda Ethiopia ogolaan doonin inay maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ay gacanta kusii hayaan Goballada Jubbooyinka.

 

Shacabka kudhaqan goballada Jubbooyinka ayaa kawar qaba colaadda iyo hanka goonida ah ee ciidamada Ethiopianku uqabaan dhibaateynta shacabka soomaaliyeed ee kudhaqan goballada Jubbooyinka.

 

Shacabka oo taas kaduulaya ayay si fiican uga qayb qaatey dagaalka jihaadka ee lagula jiro ciidamada Ethiopianka ee waxay awood lahaayeen usoo gudbiyay jiidda hore ee aaga Iidaale oo afartii maaalmood lasoo dhaafay ay kadhaceen dagaallo lagu hoobtay oo khasaare badan keensaday.

 

Hadii Godeynews ay hesho sawirka khariiradda khaaska ah dib ayaan qormooyinkaanaga danbe ugu soo bandhigi doonaa.

 

C/laahi Sheekh,

Godeynews.com

Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, the game is up. Godeynews reported Yusuf fled to Godey a few weeks back, thus their credibility is done.

 

Friday, December 22, 2006

 

Dawladda Federalka KMG, waxay War-saxaafadeedkan ku cadaynaysaa in maleeshiyadda Kooxda xagjirka ah ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (MMI) ah lagu jabiyay weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Dawladda Federaalka ah ee fadhigoodu yahay Aagga Iidaale ee Degmadda Diinsoor maanta oo ay bishu tahay 22ka Diisambar 2006, Saacaddu markii ay ahayd 5:45 subaxnimo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this