Sign in to follow this  
Jumatatu

doorashadii guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, ku-xigeenadiisa xubnaha guddiga fu

Recommended Posts

Jumatatu   

Warbixin ku saabsan qaabkii ay u dhacay doorashadii guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, ku-xigeenadiisa & xubnaha guddiga fulinta(Sawiradii laga soo qaaday doorashada)

 

Waxaa maanta lagu qabtay hotelka Saxafi International ee KM 4 doorasho muddooyinkan la wada sugayey oo lagu dooranayey guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, 3 guddoomiye ku-xigeen, xoghayaha guud & 5 xubnood oo guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta noqonaya, waxaana doorashadaasi shir guddoominayey guddoomiyaha kubadda koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta C/qani Siciid Carab & Guddoomiyihii KMG ahaa ee xiriirka kubadda cagta Salaad Macalin Max’ed (Salaad gaab)

Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) oo isugu noqday musharaxa keliya ee xilkaasi isu soo sharaxay ayey u codeeyeen dhammaan kooxaha heerarka 1-aad ee dooranayey guddoomiyaha, waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad loo doortay Salaad Macalin Max’ed (Salaad gaab), Xasan Diritoor ayaa loo doortay Guddoomiye ku-xigeen 2-aad halka Bashiir Max’uud Geeseey isna loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 3-aad, waxaana sidoo kale, xoghayaha guud loo doortay C/qani Siciid Carab, waxaana markaa kadib tartan loo galay 5 xubnood oo noqonaya guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta, iyadoo 5-taas xubnood 4 ka mid ah leysku raacay waxaana loo baahday in lagu daro hal qof oo haween ah, iyadoo buuxinta xubinta haweenkana ay u tartameen Mulki Nuur Muudey (Mulki Jenyo) oo ka mid aheyd xiddigihii kubadda koleyga naadigii Jenyo & xulkii Qaranka & Faadumo Cali C/raxmaan (Faay-yarey) oo ka mid aheyd ciyaartoyda basket-ka naadiyada heerka 1-aad ee sanadahan dagaalada sokeeye, waxaana codadkii loo qaaday Mulki & Faay yarey hal cod oo dheeri ah ku guuleystay Faadamo Cali C/raxmaan oo ka mid noqotay 5-ta xubnood ee guddiga fulinta xiriirka kubadda oo kala ah.

. Faadumo Cali C/raxmaan (Faay yarey)

 

2. C/raxmaan Sabriye (Cabdi bile)

 

3. Yaxye Max’ed Abuukar

 

4. Caamir Cabdi Xuseen

 

5. C/llaahi Aabow Xuseen

 

 

“Aniga guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta ayaan ahaa waxa aan u tanaasulay waxey tahay danta guud & xaaladaha ay ku sugan yihiin ciyaartoyda kubadda cagta & dhibaatada ka taagan garoomada ciyaaraha kubadda cagta oo u baahan dayactir, sidaa darteed waxaan goostay in aan la saan qaado xiriirkan cusub ee la doortay†sidaa waxaa yiri Salaad Macalin Max’ed (Salaad gaab) oo isugu si KMG ah u hayey xilka guddoomiyenimada xiriirka kubadda cagta, horayna u sheegay in uu ka soo horjeedo in doorashada xiriirka kubadda cagta waqtiga loo qabtay oo aheyd bisha Agoosto laga soo hormariyo, wuxuuna Salaad oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad sheegay in uu ku qanacsan yahay in doorashadu la qabto.

 

 

“Waxaan idiin sheegayaa in aan farriin ka helay wasiirka dhalinyarada & isboortiga dowladda FKMG ah ee Soomaali xalay, uuna igu wargeliyey in aan ka qeybgalo doorashadan saaka dhaceysay aniguna warba uma aanan hayn, wuxuuna wasiirkuna igu yiri u hambalyee mas’uuliyiinta maanta doorashadoodu dhaceyso,, salaan gaar ahna iga gaarsii†ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay, muddooyinkanna Muqdisho ku sugnaa isagoo hogaaminayey wefdigii ugu horeeyey ee soo gaara Muqdisho, isuguna jiray baarlamaanka & xukuumadda.

 

 

“Uma noqonayo guddoomiye inta halkan fadhida oo keliya ee waxaan u noqonayaa ummadda Soomaaliyeed ee isboortiga jecel gaar ahaan kubadda cagta, waxaanna balan qaadayaa, dhegahoodana ku ridayaa dadka walaalahey ah ee gobolada ka yimid in aan ku shaqeyn doono siyaasad cad oo transparent & accountability leh, waana howl u siman u sinaaneysaa degma kasta iyo gobol kasta wuxuuna xiriirka wixii soo gala uu si cadaalad ah ugu qeybin doonaan dhammaan gobolada & degmooyinka dalka, dadka codka i siiyey waxaan u sheegayaa in uu xiriirku u baahan yahay howshiisa in la sii dhaqaajiyo, la dhiirageliyo, laga difaaco dicaayadaha & in lala shaqeeyo, wax aydnaan ka aheyn kama ihi, shaqo aydnaan ka qaban kama qaban karo marka waxaan ka codsanayaa kooxaha heerka 1-aad ee codadkooda i siiyey, mas’uuliyiinta isboortiga & dhammaan bahdweynta jecel horumarinta isboortiga in ay si wanaagsan u shaqeeyaan, talaabooyinka aan ugu horeyn qaadi doono waxaa ka mid noqonaya sidii aan u soo nooleyn lahey wadashaqeyntii nagala dhexeysay ururka caalamka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed xoogaa uu mugdi soo kala dhexgalay, waxaana ku shaqeyn doonaa maba’da ah xuquuqdaadana qaado waajibaadkaaga fusho, waxaan kaloo ka shaqeyn doonaa gaar ahaan aniga in ay isku xirmaan bahweynta Soomaaliyeed kuwooda gudaga ku sugan & kuwa dibedda ku sugan si loo helo howl cusub oo qurux badan, garoomadana loo hagaajiyo kooxahana qalab loogu helo, wixii taakuleyn ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibedda ay ku saacidi karaan dhalinyarada gudaha dalka ku sugana in aan ka shaqeyno anigu haddii aan isboorti nahay waxaan nahay hal bah†ayuu yiri Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) oo keligii musharaxa guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ahaa, dhammaan 23-kii koox ee guddoomiyaha xiriirka dooranayeyna ay u wada codeynayey, mana jirin hal qof oo diiday ama qof ka aamusay codeyntaasi.

 

 

“Anigoo ku hadlaya magaca guddiga olombikada Soomaaliyeed, layna soo xilsaaray in aan maanta shir guddoomiye inta ay doorashadu socotay, howluhu waa badnaayeen, aniga waxaan shir guddoominayey doorashada intii ay socotay oo keliya, goob joog ahaana waan ula socday howlaha aad & aad ayaana ugu faraxsanahay runtii sida wanaagsan ee loo soo agaasimay mas’uuliyiinta kooxaha, marti sharafta kala duwan sida ardayda dugsiyada, Jaamacadaha & dhammaan dadkii doorashada ka soo qeybgalay,, waxaana farxad weyn ah in barnaamijkii la ii soo xilsaaray in uu ku dhammaado guul & doorasho u dhacday si dumuqoraadi ah, guddoomiyaha cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Bashiir Max’ed Jaamac, sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Salaad Macalin Max’ed (Salaad gaab) oo runtii talaabo ku dayasho mudan qaaday markii uu tanaasulay, haddii uusan tanaasuleena runtii in xoogaa leysku riiqan lahaa†ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo ah guddoomiyaha kubadda koleyga.

 

 

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa guddoomiye ka ahaa Salaad Macalin Max’ed (Salaad gaab) oo haddana aniga xilka igu wareejiyey, noqdayna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee xiriirka, Faarax Sendiko & Iska horimaadkii dhexmaray FIFA taasina wax aniga i quseeye ma ahan, sababtoo ah markii uu khilaafkaasi dhacayeyna anigu xiriirka kama tirsaneyn mana hogaamineyn, haddana Mudane Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) xiriirka kubadda cagta kama mid aha, hase yeeshee sharciga ayaa wuxuu kuu ogol yahay haddii uu jiro qof isboortiga Soomaaliya wax u soo qabtay magacna ku leh in aad sharfi karto adigoo ku sharfaya wixii uu ummadda u soo qabtay, waxa aan maanta u magacownayna waa tusid in aan maanta sharaf & xurmeyn u hayno Faarax, xiriirka kubadda cagta ee maanta dhisana ninka soo hayey xilligii ugu adkeyd isaguu ahaa ee ku soo simay Salaad & kooxdii la shaqeyneysay, ilaa & haddana waa oday isboorti oo qiimeyn & qadarin naga mudan†sidaa waxaa yiri Bashiir Goobe oo ka jawaabayey su’aal ay saxaadadu weydiisay oo aheyd sida uu howshan u dhaqaajin karo, maadaama uu wato Faarax Sendiko oo xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ay saartay cunaqabateyn

 

 

The new " guddoomiye" the one on the left with the red tie...

olonbiga2.gif

 

olonbig1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this