Sign in to follow this  
General Duke

Mogadisghu: EU delegation arrives - $30 million dollars given to TFG: PICS

Recommended Posts

Ra'isal Wasaare Nur Cadde oo kulan adag Xarunta Madaxtooyada kula leh Wufuud Midawga Yurub oo Gor dhaw Muqdisho soo gaartay.

 

Xubnaha ka socday Midowga Yurub ayaa markii ay ka soo dageen Madaarka Magaalada Muqdisho waxay kulan la qaateen Golaha odayaasha dhaqanka beelaha ******, waxayna ka wada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta iyo sida odayaashu kaalin uga qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta.

 

Sidoo kale Wafdiga Midowga yurub ayaa la kulmay ururada Bulshada rayidka magaalada muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta.

 

Waxaa la soo sheegayaa in kulankii Xubnaha midowga yurub ka socdeen iyo odayaasha ****** uu soo dhamaaday daqiiqado ka hor, waxaana xubnahaas loo soo galbiyay dhinaca iyo Madaxtooyada oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo Raisal wasaaraha.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Midowga Yurub oo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ugu deeqay 30 Milyan oo Dolar.

25. marts 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Midowga Yurub oo ka mid ah Ururada Caalamiga ah ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa dawladda faderaalka ee Soomaaliya ugu deeqay Aduun gaaraya 30 Malyan oo Dolarka Mareykanka.

 

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay lacagtan ugu talogaleen in wax looga qabto Dibu heshiisiinta iyo gargaar la gaarsiiyo Umada Soomaaliyeed ee dhibaatadu heystay sanadihii ugu danbeeyey.

 

Warbixin looga hadlayay lacagtan oo ka soo baxay Xarunta Midowga Yurub ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxa Midowga Yurub ee Horumarinta & Bini Aadamtinada ,isagoo shaaca ka qaaday in ay deeqdan ku timid dalab ka yimid dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

“ Deeqdan waxa ugu muhiimsan oo aan usiiney dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waa in ay wax uga qabataa dagaalada ka soconaya Soomaaliya ayadoo Dibu heshiisin lugu badalayo & Gargaar la siiyo Kumanaan Soomaaliyeed oo dhibaatu ku heysato gobalo badan oo ka mid ah Soomaaliya “ Ayaa lugu yiri baaq ka soo baxay xarunta Midowga Yurub.

 

Midowga Yurub waxa ay sheegtay in looga baahan yahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay sare uqaado talaabooyinka ay wax kaga qabaneyso dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Wuxuuna Midowga Yurub ku booriyey dawladda Dhexe ee Soomaaliya in ay dhamaanba wada hadalo la gasho Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasadeeda ,si loo helo wadiiqo lugu furikaro wada hadal iyo is aaminaad ka dhex dhacda dawladda Faderaalka & Mucaaradkeeda oo badan.

 

Deeqdan ka timid Midowga Yurub mahan markii ugu horeysay ee ay timaada horeyna Midowga Yurub wuxuu ubixiyay dhaqaale fara badan oo ayku taageeraan dawladda Faderaalka & Shirkii dibu heshiisiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: "Waxaan taageersanahay hanaanka Dib u Heshiisiinta ee ay horseedka ka tahay Xukuumada Soomaaliya"madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee maanta soo gaadhay Caasumada.

25. marts 2008

 

Muqdisho (AllPuntland) - Danjiraha Dowladda Faransiiska u fadhiya Dalka Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Elazabeth Barber oo shir jaraa'id ku qabatay madaarka Magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan ka ambabixin ayaa waxay sheegtay in ay soo dhoweynayaan tallaabooyinka hididiilada mudan ee Xukuumada horseedka ka tahay.

 

Mss Barber ayaa sheegtay in ay soo dhoweyneyso hanaanka dib u heshiisiinta, waxayna ka dhawaajisay in Midowga Yurub taageerayo Dib u heshiisiinta Qaran ee uu ku baaqay Raisalwasaare Cadde.

 

Haweeneydan ayaa faah faahin ka bixisay kulamadii ay la qaateen Madaxda dowladda, Odayaasha ****** iyo Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Muqdisho, waxaana ay intooda badan ku tilmaamay mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday.

 

Wafdiga Midowga Yurub ee maanta soo gaadhay Caasumada ayaa isugu jiray Safiiro iyo Diblomaasiyiin, kuwaasoo wakiilo ka kala ahaa dalal badan oo Yurub ka tirsan.

 

Waxaana Xubnihii maanta soo gaaray isugu jiray Safiirada Dowladaha Talyaaniga, Spain, Czech, Faransiiska ee Dalka Kenya iyo Ergey ka socday Wakiilka Midowga Yurub ee Dalka Kenya.

 

Xubnahan ayaa ku booriyay in laga shaqeeyo Ammaanka, waxayna walaac ka muujiyeen dhibaatooyinka dhinaca bani'aadanimada ee ka jira Dalka Soomaaliya, waxayan farta ku fiiqeen in ay kaalmo deg deg ah la soo gaari doonaan.

 

Cabdicasiis Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Midowga Yurub oo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ugu deeqay
30 Milyan oo Dolar.

The money is going to be squandered anyway..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

is they money going to be used to releive the poor citizens of the severe droughts, malnutrition, displacement, or is it going to be used for security and politician's pockets. i mean you could only do soo much with 30mil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The UN is raising more than that for the drought and other relieve efforts. The money is for the governemnt. As you said $30 million is not enough.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Talyaaniga oo dhaqaale Maaliyadeed ugu deeqday Xukuumada Nuur Cadde.

 

Adis ababa,(WNT):-Dowlada Talyaaniga ayaa dhaqaale Maaliyadeed ugu deeqday Xukuumada uu Hogaamiyo Ra'isul wasaare Nuur Cadde kaasi oo loogu tala galay in lagu dar dar galiyo amniga dalka soomaaliya.

Lacagtaani ayaa dowlada Talyaaniga waxaa ay gudoonsiisay ra'isul wasaare Nuur cadde oo iminka ku sugan Magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia kadib kulan ay wada qaateen Ra'isul wasaaraha iyo wafdi talaayaniga ka socday.

 

Mas'uul u hadlay Xukuumada Roma ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xukuumada Nuur cadde guydoonsiiyeen lacag gaaraysa 50-milyan oo lacagta giniga istarliinka ah taasi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in tababar loogu furo ciidamada booliska iyo sidii loogu xoojin lahaa amniga dalka.

 

Ra'isul wasaare Nuur cadde oo isna saxaafada kula hadlayay magaalada adis ababa ayaa ku nuux nuuxsaday in uu si weyn ugu farax san yahay kaalmahada ay gudoonsiiyeen wafdiga Talyaaniga ka socda isaga oo sidoo kale wadamada caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arimaha soomaaliya in ay gar gaar la garab istaagaan xukuumadiisa si buu yiri wax uga badasho xaalada iminka dalka soomaaliya ku sugan tahay.

 

Ra'isul wasaare Nuur cadde ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in xukuumadiisa hatan ku howlan tahay sidii wada hadal dib u heshiisiineed ula gali laheyd kooxaha mucaaradka ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa si buu yiri xal guud looga gaaro khilaafaadka 18-jirsaday ee u dhaxeeya dhinacyda siyaada ee dalka soomaaliya.

 

Si kastaba Ra'isul wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho iyaga oona gaaray magaalada adis ababa si ay halkaasi kulamo ugula soo qaataan qaar ka mid ah mas'uuliyiin beesha caalamka ka socota kaasi oo ay ka wada hadlayaan xaalada dalka soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To outline how the money will be spent, let's examine how the Saudi money was spent.

 

Schools: $0

Hospitals: $0

Roads: $0

Relief for IDPs: $0

Housing: $0

Security for citizens: $0

Government expense accounts: $30,000,000

Share this post


Link to post
Share on other sites
FatB   
The UN is raising more than that for the drought and other relieve efforts. The money is for the governemnt. As you said $30 million is not enough.<< wat do u mean duke

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this