Sign in to follow this  
Xoogsade

10 Madfac Oo Laga Soo Ridey Villa Soomaaliya Oo Maanta Suuqa Bakaaraha Lagu Garaacey.

Recommended Posts

Xoogsade   

10 Madfac Oo Laga Soo Ridey Villa Soomaaliya Oo Maanta Suuqa Bakaaraha Lagu Garaacey.

 

Beerdhiga 23.05.2008 15:24

 

Waxaa Barqanumadii Maanta Suuqa weyn ee Bakaaraha ku soo dhacey ilaa 10 Madfac oo ah hoobiya yaal, kuwaas oo sida ay sheegayaan wararka la helayo in laga soo riday xarunta Villa Soomaaliya oo hadda fariisin u ah DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

 

Madaafiicdan ayaa intooda badan waxa ay ku dhaceen guryo banaan oo dadkii lahaa horey uga qaxeen oo ku yaala inta u dhaxeysa jidka 2 aad ee Suuqa Bakaaraha iyo Xerta Sh Cali Dheere ee Degmada Wardhigley.

 

Ma jiraan inta la ogsoon yahey wax khasaare ah oo ay soo gaarsiiyeen madaafiicnadi dadka rayidka ah marka laga reebo in ay bur bur u geysteen guryo banaan oo dadkii lahaa horey uga qaxeen.

 

Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah, ayaa bartil maameed ka dhigta badanna Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaas oo muddo 2bilood ka hor intii aan loo sameyn ciidamo madani, ahaa kuwo si joogta u soo farageliya Suuqa, kana geysan jirey dhac iyo boob joogta ah oo mararka qaarkood muddo isbuucyo ah xanibi jirey howlaha ganacsi ee Suuqa.

 

Maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kale Suuqa weyn ee Bakaaraha madaafic lagu garaaco iyada oo dhac dadan tii ka horeysay duqeyn Suuqa loo geystey ay khasaarooyin badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartey dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa gudaha Suuqa.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Loool at 10 Madfac oo laga soo riday Villa Somalia, how precise would they now where its coming from.... You love your Beerdhiga stories, I have seen you being obsessed with it for the past few days...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Umaddu ma indha la'a Adeer. Madfaca kan ugu hooreeya in la arki waayo cidda soo riday, waa surta gal, balse kan labaad iyo saddexaadba cidi ma garanweydo .

 

10kaba haddii la garanwaayo halka laga soo riday Wallee umaddu Ookiyaale ayeey u wada baahaneysaa. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho: "Madaafiic laga tuuray Madaxtooyada iyo kuwo ku soo dhacay midna ma jiraan, waana been warkaas" Afhayeenka Madaxweynaha.

23. maj 2008

 

 

Muqdisho (AllPuntland) - Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Xuubsireed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaafiic laga soo riday madaxtooyada uu ku dhacay Suuqa Bakaaraha, kadib markii Madaafiic lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada.

 

Xuseen Xuubsireed ayaa sheegay in Madaafiic ku soo dhacay iyo mid laga tuuray Madaxtooyada aanu jirin, wuxuuna warkaas ku sheegay been la dhoodhoobay.

 

Barqanimadii maanta ayay aheyd markii mar kaliya ay is wada qabsatay Daryanka Madaafiicda waa weyn, kuwaasoo qaarkood ku dhacayay Suuqa Bakaaraha.

 

Xilliga Madaafiicdu dhacayeen waxaa Xaafadaha ku dhaw dhaw Suuqa Bakaaraha ka socday dagaal ay isaga horyimaadeen Ciidamada dawlada iyo kooxaha ka hor jeeda.

 

Hadalka Afhayeenka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xilli Madaafiic u muuqday in la is dhaafsaday ay ku hoobteen xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Suuqa Bakaaraha.

 

Inta badan Kooxaha ka soo horjeeda ayaa weeraro Madaafiic ay u adeegsadan waxay ku qaadaan Madaxtooyada, Madaarka Muqdisho iyo Marsada, waxaana ka dhasha dhimasho soo gaarta dadka rayidka ah ee goobahas ka ag dhow.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Isseh there are many sources of Somali news, the beauty of cyber world, if you believe your Beerdhiga lies and there are many that believe the truth of Allpuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this