Sign in to follow this  
Abwaan

300 oo Soomaaliya oo soo gudanaya Waajibaadka Xajka ayaa saaka ka dhoofaya Magaalada

Recommended Posts

Abwaan   

Garoonka Hargeisa ayaa maanta waxaa ka baxaya 300 oo qof oo Somali ah oo soo gudanaya waajibaadka xajka, kuwaasi oo ku safraya baasaboorka cagaarka ah ee dawladii hore ee Soomaaliya, xilli Dowladda Federaalka ee C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha ka yahay sheegtay inaan la qaadan Karin Baasaboorkii hore.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in dalkeeda lagu galo Baasaboorka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo daabacday,iyadoo kumanaan soomaaliyed oo ka tagi lahaa Magaalada Muqdisho caqabad ku noqday go’aanka Dowladda Soomaaliya oo ah ciddii lagu arko Baasaboorkii hore inay muteysan doonto xabsi.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabi Faahiye iyo ninka Waaxda Socdaalka Madaxda ka ah Col Gaafow ayaa tagay Sacuudiga si ay boqortooyada ugu soo dhaadhiciyaan in dalkeeda lagu tago Baasaboorka cusub, hase ahaate socdaalkaas waxaa uu ku soo dhamaaday fashil.

 

Dad badan oo reer Muqdish ah ayaa haatan waxay qorsheynayaan inay tagaan magaalada Hargeysa halkaasna ugu sii gudbaan dalka Sacuudiga iyagoo sita basaaboorkii hore.

 

Dadka maanta ka dhoofaya Magaalada Hargeysa ayaa insha lagu wada haaya, hadii dadkaas Sacuudiga tagaana waxaa sidaas ku cadaanaya in Baasaboorka cusub uusan shaqeyn doonin.

 

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this