Sign in to follow this  
BN

Telecom War in Puntland

Recommended Posts

BN   

Dagaalka shirkadaha Taleefonada Boosaaso oo noqotay fursad qaali u ah oo ay heleen reer Boosaaso

 

tel_war.jpg

 

Waxaa ayaamahan hoos u dhac weyn ku yimid daqiiqadaha taleefoonada ee magaalada Boosaso, taas oo ka dambaysay tartan xoog leh oo dhexmaray dhawr shirkadaha taleefoonada ah oo kuwa taleefoonada ah oo degan magaalada Boosaso oo ay kami yihiin Netco, Golis, Wabtel iyo Bostel.

 

Shirkadaha teleefoonada ayaa intii muddo ahba waday wadahalo ay ku rabeen inay qiimo ay u dhan yihiin u gooyaan dirsashada taleefoonada dalka iyo dibadda iyo waliba qiimaha internetka, balse ku heshiin waayey inay qiimo loo dhan yahay wada gaaraan, taas oo markii dambe keentay inay isku baqsaan qiimaha dirsashada taleefoonada.

 

Shirkadda lagu magacaabo Wabtel ayaa iyadu markii ugu horaysay ka dhigtay qiimaha daqiiqadda telka dibada 7000 oo shilin soomali ah, halka shirkadda Netcona ay 7000 ka dhigtay.

 

Shirkadda Bostel ayaa iyana daqiiqadda dibadda ka dhigtay 5000 shilin, halka shirkadda Golis ay ka dhigtay 1 daqiiqo ee qaybo ka mid ah wadamada dibadda 3000 shilin, meelaha kalena u goyesay qiime kale oo ka hooseeya kii hore.

 

Arrinta qiimadhaca teleefoonada ayaa waxay keentay in aan hadda jaanis loo helin dirsashada teleefoonada ee meelaha taleefoonada laga dirsado dadweynaha oo fayl ku jira darteed iyo waiba internetka oo isna gaaray meelaha ugu yar 15000 shilin 1 saac, meelaha ugu badana 20000 shilin.

 

Isku soo wada duuboo dadweynaha reer Boosaaso ayay tani u tahay fursad qaali ah oo ay kaga faaidaysanayaan la xiriirka eheladooda ku kala nool dalacad aduunka.

 

 

Note: Xassan Ciise

Bosaso, Puntland

 

LINK

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

War-isgaarsiinta Bosaso

 

Qiimihii Telefoonada Debeda iyo Internetka Boosaaso oo aad Hoos ugu Dhacay

 

 

Tartan dhexmaray shirkadaha war-isgaarsiinta ee ka hawl-gala magaalada Boosaaso ayaa waxay keentay in qiimihii debadda lagula hadli jirey uu hoos u dhacay xaddi dhan 89%. Haatan halkii daqiiqo ee dibadda ah waxay sii maraysaa $0.15 taas oo ah qiime aan hore loo arag. Qiimihii hore ee la yaqaaney waxaa uu ahaa $0.7 halkii daqiiqo.

 

Sidoo kale waxaa dhulka galay qiimaha Internetka oo uu ku yimid hoos u dhac gaarsiisan 75% . Waxaana haatan halkii saac aad ku fadhin kartaa $0.5 kaas oo hore u ahaa qiime dhan $2 . waxaana shirkadda Golis ay macaamiisheeda ugu baaqday in ay heli doonaan Internet lacag la'aan ah [Free Internet].

 

Xarumaha taleefoonnada laga dirsado ayaa noqday kuwa dad badani saf ugu jiraan iyaga oo ka cabsi qaba in laga noqdo go'aannadan ay soo saareen shirkadaha war-isgaarsiintu, taasi oo ay doonayaan in ay eheladooda la xiriiraan inta xaalku taagan yahay jeebka gacanta galida.

 

SomaliTalk.com | Boosaaso Feb 14, 2004

 

 

LINK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent indeed. Forces of free market economy, and economies of scale at work – benefectors are the consumers and local markets. I understand high speed internet (download 365mb, 256mb upload) and wireless technology (G-rated 56mb data transfer) is being deployed in Bosaso and Galkayo at the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this