Sign in to follow this  
General Duke

Somali President meets Ethiopian leaders as well as AU officials

Recommended Posts

Addis Ababa: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay RW Itoobiya.

 

4. januar 2008

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ,ayagoo halkaasi utagey wada hadalo ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay xiriirkooda uwanaagsan lahaayeen dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya ,isagoo Madaxweynuhu markiiba bilaabay wada hadalada ku aadan Ujeedka socdaalkiisa uu ku tagey magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Raysalwasaaraha dowlada Itoobiya oo uu kala hadlay arinta Soomaaliya iyo sida ugu bahoon ee wax looga qaban karo dagaalada iyo rabshadaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho ,isagoo Madaxweynuhu sheegay in dalka Soomaaliya hada intiisa badan tahay meel nabdoon.

 

Mudane Yuusuf wuxuu sheegay in looga baahan yahay Madaxda dowlada Itoobiya in ay sii wadaan taageerida dowlada Faderaalka ee Soomaalia ,si loo gaaro wadiiqada nabadgalyada ee dalka Soomaaliya ,wuxuuna markaasina sheegay in ay Itoobiya mudan tahay amaan.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo kala hadlay dowlada Itoobiya sidii wax looga qaban lahaa Rabshadaha todobaad maalmood ka socda Magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya ,wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dowlada ah Africa in ay gacan lixaad leh ka qaataan wax ka qabashada rabshadaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

 

Shirkaan uu Madaxweynaha Soomalaiya la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa laga soo xigtey Dad ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ,ayagoo lasheegayo in uu Madaxweynuhu beri la kulmayo Madaxda Midowga Africa oo uu kala hadlayo arinta Soomaaliya.

 

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay Ciidamada Itoobiya & Kuwa Soomaaliya dadaalo xoog leh ugu jiraan hanashada amaanka dalka Soomaaliya ,ayagoo sidoo kale ay ka socdaan qeybo Soomaaliya ka mid ah Kooxihii Maxkamadihii oo doonaya in ay Dhaqdhaqaaqyo hor leh sameeyaan.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia oo saaka ka dhoofay Baydhabo :

 

Saaka ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo madaxweynaha Dowlada KMG ah ee somalia C/laahi yuusuf axmed,

 

waxaana uu madaxweynuhu usafray dalka Ethopia iyo dhanka magaalada Adis ababa

 

Afhayeenka madaxweynaha Dowlada KMG ah ee somalia Xuseen Xuubsireed ayaa xafiiska SBC ee magaalada baydhabo u sheegay in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay xukuumada Ethopia,

 

afhayeeenka madaxweynhuhu waxaa uu beeniyey in ay wax ka jiraan warar sheegayey in madaxweynaha iyo ra’isal wasaaruhu ay ku aragti duwaanaadeen magacaabista xukuumada cusub ee laga sugayo ra’isal wasaare Nuur cade,

 

Safarka madaxweynaha oo yimi ka dib maalmo ay isaga iyo ra’isalwasaarihiisu ka arinsanayeen xukuumada lagasugayo in Nuur cade uu soo dhiso . hadana waxaa jira wararkale oo sheegaya in madaxweynuhu uu baxay howlo caafimaadka laxiriira,

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/yusuf oo u anbabaxay dalka Itobia

 

Baydhabo, Somaliya (Calanka.com) 04-Janaayo-2008

 

Madaxweynaha dowladda federalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ugu kicitimay magaalada Addis-Abeba ee dalkaasi Itobia.

 

Safarkan deg-dega ah ayaa ilaa iyo iminka la garan ujeedkiisa, waxaase warar iminka ina soo gaaray sheegayaan in dalka Itobia ey kusoo wajahan tahay xoghayaha arimaha Afrika u qaabilsan Mareykana Jendayi Frazer.

 

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweynuhu uu u tagay halkaa arimo la xiriira wadatashi ku aadan arimaha Somaliya oo kala yeelanayo dowladaha Mareykanka, Itobia iyo midowga Afrika.

 

Madaxweye C/laahi Yuusuf ayaa dhawaan kasoo laabtay safar uu ku maqnaa kaasoo la xiriiray xaga caafimaadkiisa.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan oo ka hadlay sababaha uu madaxweynuhu u tagay dalka Itoobiya maanta.

 

Qunsulka Soomaaliya ee fadhiya dalka Itoobiya ayaa faafaahin ka bixiyay ujeedada Socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadu uu maanta ku tagay magaalada Adis Ababa,waxaana uu been wax kama jiraan ah ku tilmaamay wararka idaacadaha Qarandiidku faafiyeen oo sheegayay in uu madaxweynaha Jamhuuriyadu xanuunsanayo.

 

Qunsulka Soomaaliya ee fadhiya dalka Itoobiya ayaa faafaahin ka bixiyay ujeedada Socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadu uu maanta ku tagay magaalada Adis Ababa,waxaana uu been wax kama jiraan ah ku tilmaamay wararka idaacadaha Qarandiidku faafiyeen oo sheegayay in uu madaxweynaha Jamhuuriyadu xanuunsanayo.

 

“Warkaasi ma jiro waana been abuur,madaxweynuhu wuxuu halkan u yimid sidii uu horay ugu imaan jiray oo ahayd in wada tashiyo uu la sameeyo masuuliyiinta dalkan,waxaana ada nagusoo fool leh shirkii madaxweyne yaasha Afrikaanka oo dhacaya Usbuuc kaddib,waxaana shirkaa ka hor halkan ka jira shirar kale”ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan.

 

Qunsulka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan munaasabado kale o dalka Itoobiya ka dhacaya oo lagu casuumay 800 oo masuul,arrimo noocaas ahna uu socdaalka madaxweynuhu ku saasban yahay.

 

“Ma jiraan dhibaatooyin xaga caafimaadka ah,madaxweynuhu isagoo qoslaya ayuu kasoo dagtay diyaarada,gawaaridiisii loo diyaariyayna isagoo faraxsan ayuu mid ka mida koray,wax caafimaad darro ahna kama muuqan haba yaraatee”ayuu mar kale yiri qunsulka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Jibriil Maxamed Sheekh Cusmaan.

 

Hadalka diplomaasigan ayaa ku soo beegmaya kadib markii idaacadaha qarandiidka oo ay BBC-du ugu tunka weyn tahay ay maanta isla dhex qaadeen warar ay ku sheegayeen in uu madaxweynaha xanuun dag dag ahi kusoo booday,inkastoo ay hadana sheegeen in shir dag dag ah uu garoonka diyaaradaha kula qaatay madaxda kusoo xiga ee qaranka,waxaana taasi ay cadeyneysaa in warkooda ah “wuu xanuunsanayaa” uu yahay been abuur.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabay kulamo uu masuuliyin kala duwan kula leeyahay Adis Ababa.

 

Madaxweynaha JamhuuriyAda Soomaaliya Mudane C/llaAhi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulamo kula yeeshay masuuliyiijn dhowr ah oo isugu jira madaxda Itoobiya iyo saraakiil dalalka beesha caalamk u fadhiya dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha JamhuuriyAda Soomaaliya Mudane C/llaAhi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulamo kula yeeshay masuuliyiijn dhowr ah oo isugu jira madaxda Itoobiya iyo saraakiil dalalka beesha caalamk u fadhiya dalka Itoobiya.

 

Shalay barqanimadii ayay ahayd markii madaxweynaha jamhuuriyada si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Adis,waaxana masuuliyiinta garoonka diyaaradaha uga hortagay ka mid ahaa ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Atto Meles oo ay qaateen kula hor dhac u ah kulamo dheeraada oo ay ku yeelan doonaan magaalad Adis Ababa.

 

Madaxweynaha ayaa kulanka hor dhaca ah oo uu la yeeshay Meles,waxaa ay diirada ku saareen sida ugu fudud ee wax looga qaban karo xaaladaha adag e wali ka taagan magaalad Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya intiisa badan uu haatan dagan yahay oo wax dhibaato ahna aanay ka jirin,marka laga reebo rabshado aan badnayn oo ay argagixisadu wali wadaan,laakin lagu rajo weyn yahay in ay soo dhamaadaan todobaadyada inasooa adan.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Of course no pictures is required to proof the meeting of officials in Adis as he reguraly meets delegates from the AU in Adis, EU in Brussels, UN in Newyork and other African head states...

 

He's no like Riyaale who's searched and had to get through the security clearance before he's allowed to enter only Ethiopia...

 

Naxariis darada ayaa ka daran, dharka dhan ayaa laga siibayaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

So it is not required when he hasn't get one ,, loooooool ,,,, I think those la sheegayaa are those cusbitaalka ku soo booqday :D

 

 

Someone would take secret pictures and post it somewhere ,,,,,,,,,,,, don't worry, i'll find them :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Sxb you better think before you write, there is nothing wrong with being in a hospital, infact he had left one in London A week or so ago, no shame in that... But you would dwell on that just to proof a point, how weak and sad must you be if that is the strongest argument you could present against a man.

 

The President and the TFG have no desire to proof the meeting of and with any officials, unlike the secessionist the Old man regularly meets world leaders, and were hosted by Hu Jintao on a state visit...

Share this post


Link to post
Share on other sites

These people are now saying on ecan not get sick, or that when ever the ld man flies out he must be sick?

 

JB: You need more Pics of President Yusuf? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this