Sign in to follow this  
Suldaanka

Puntland traditional Leaders go to Addis Abeba

Recommended Posts

Isimadii ay casumaada ufidisay Ethiopia oo diiday iyo Puntland oo Isimo kale horay usii kaxaysay.

Warkii 21-Dec-2008 iyo Qormadii: Afnugaal New Desk

 

Waxaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe wafdi isugu jira Isimo iyo wasiiro ay horkacayaan wasiirka arimaha gudaha ee Puntland C/xamiid Garaad Jamaac iyo wasiirka maaliyada Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab kuwaas oo u socdaalay dhanka Ethiopia.

 

Wafdidan oo ay qaaday diyaarad khaas ah kana soo kicintintay Dalka Ethiopia ayaa waxa ay saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe wafdidan oo isugu jira Isimada Puntland qaarkood kuwaas oo aan ahayn kuwii casumaada ufidisay Ethiopia oo ku gacansaydhay kuna tilmaamay in booqashada Ethiopia aysan waqtigan munaasib ahayn iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada iyo waliba xubin ka socota Ethiopia.

 

Dawlada Ethiopia ayaa waxa ay horay casumaad usoo gaadhsiisay maamul Goboleedka Puntland kaas oo ay casumaadeeda ku xustay cidda ay doonayso inay kala kulanto Puntland oo dhanka Isimada iyo waliba Golaha wasiirada ee maamulka Puntland.

 

Isimadii ay hoary usoo casuntay Dawlada Ethiopia ayaa waxa ay diideen casumaadaas waxaana ay ku tilmaameen inaysan munaasib ahayn xilligan in la aado Dalka Ethiopia iyadoo ay soo dhaw yihiin Doorashooyinkii Puntland iyo iyaga oo aan ogayn ujeedada casumaada loogu yeedhay oo ahayd in lasii ogaysiiyo.

 

Isimada Safarka ugu anbabaxay Dalka Ethiopia:-

 

1- Ugaas Xasan Ugaas Yasiin

2- Suldaan Siciid Cabdi Salaan

3- Boqor Cabdulahi Axmad Dabagooye

4- Ugaas Cumar Geele Maxamad Kaneeco

5- Beeldaaje Faarax Xaaji Cabdulahi

6- Suldaan Cabdulqaadir Cali Kenadiid

7- Suldaan Maxamad Suldaan Maxamud

8- Garaad Cabdulahi Cali Ciid

 

Ma ahan markii ugu hoarysay ee Dawlada Dalka Ethiopia ay casumaad ufidiso qaar ka tirsan masuuliyiinta Puntland waxaana tan iyo intii khilaafka siyaasadeed ee Dawlada KMG ah ee Somalia ay u fidisay dhawr casumaad uuna ku tagay madaxwaynaha maamulka Puntland Cadde Muuse.

 

Hadaba lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay casumaadan ay Ethiopia u fidisay Isimada iyo maamulka Puntland laakiin mar uu ka hadlay isagoo ku sugan Airport-ka maagalada Garowe wasiirka arimaha Gudaha C/xamiid Garaad Jaamac ayaa waxa ay uu saxaafada u sheegay inay kala soo hadli doonaan arimaha amniga,dhaqaalaha,khilaafka Dawlada KMG ah ee Somalia iyo waliba iskaashiga labada dhinac oo lasii xoojiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

These elders/sultans/garads are a men of peace and honor and they must be accorded the respect they deserve from us. Let's not belittle the values they represent or made them political clowns. They wield legitimate power and politicians of Puntland in particular seek their official endorsement before running for an office. To call them a puppet is unacceptable behaviour and it denigrates their values, power and social position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those Issims have no bussiness meddling in politics. Am glad the other elders have made it clear...

 

************************************************** *****

 

Garoowe: Golaha Isimada Puntland oo ka horyimid safar ay shalay ugu ambabaxeen xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Isimada

22. December 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Qoraal saakay ay soo saareen Golaha Isimada Maamul Goboleedka Puntland ayaa looga horyimid safar ay shalay magaalada Garoowe ugu ambabaxeen xubno isugu jiray Isimo iyo xubno ka socday Golaha Xukuumadda Puntland, kuwaasi oo ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Ku dhawaad Afartan Isim oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa bayaan ay soo saareen saakay waxaa ay ku sheegeen ineysan qodobada ka soo baxa kulanka Addis Ababa aysan aqoonsaneyn isla markaana khuseyn Isimada waa sida ay hadalka u dhigeenee, iyadoo saakayna shir ku yeesheen Isimada magaalada Garoowe, waxaana qoraalka ay soo saareen uu u qornaa sidan:

 

Dowlad Goboleedka Puntland

 

Golaha Issimada Puntland

 

Ujeedo: Bayaan.

 

Kadib fadhigoodii golaha Issimada ay yeesheen maalintii Isniinta taariikhduna aheyd 22/12/008 iyadoo sida la ogsoon yahay shir uga socday Isimada magaalo madaxda Dowlada Goboleedka Puntland ee Garowe in ka badan 20 cisho, shirkaasi oo loogu gogol xaarayey doorashada la sugayo iney ka dhacdo January 2009.

 

Waxaa halkaan ku cadeyneynaa in Issimada laga sheegey warbaahinta iney u ambabaxeen dowladda Itoobiya, ayna ku tagin wax talo ah oo kasoo baxdey golaha Issimada, inkastoo dowlada Itoobiya ay naga dhexeyso darisnimo wadaag. hadana wixii kasoo baxa kulnakaas aanu noqoneyn wax na khuseeya.

 

ALAA MAHAD LEH

 

Magacyada Saxiixay Bayaanka saakay ay soo saareen Isimada

 

Gobolka Nugaal

 

1- Islaan Ciise Islaan Maxamad

 

2- Suldaan Siciid Maxamad Garaase

 

3 Suldaan Maxamad Cabdalle

 

Gobolka Sool & Cayn

 

1- Garaad Jaamac Garaad Cali

 

2- Garaad Saleebaan Garaad Maxamad

 

3- Garaad Cabdulahi Garaad soofe

 

4- Suldaan Siciid Cismaan Cali

 

5- Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur

 

6-Garaad Maxamad Garaad Saleebaan

 

7- Garaad Cabdilan Xasan Maxamud

 

8- Garaad Maxamud Cismaan [ Mashqare]

 

9- Garaad Maxamed Garaad Saleebaan

 

10- Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed

 

11- Garaad Saleebaan Buraale Aw-Aadan

 

12- Ugaas Faarax Maxamuud Cali

 

13-Islaan Xuseen X. Cabdisalaan

 

14- Ugaas Ibraahim Cali Shibiin

 

15- Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur

 

Gobolka Mudug

 

1- Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

 

2- Yuusuf Suldaan Xasan Cali Baale

 

3- Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig

 

4- Suldaan Cabdullaahi Axmed Nuur

 

5- Suldaan Maxamed Jaamac Shire

 

Gobolka Bari iyo Karkaar

 

1-Beeldaaje Yaasiin Cali Xasan

 

2- Suldaan Saciid Maxamed Irbad

 

3- Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin

 

4- Suldaan Ciise Xasan Cumar

 

5- Ugaas Jamaal Cabdi Ducaale

 

6- Suldaan Saciid Guuleed Sanyare

 

7- Garaad CabdullaahiMaxamed Dacar

 

8- Suldaan Bashiir Muuse

 

10- Suldaan Cabdullaahi Saalax

 

11- Suldaan C/qaadir Ciise Axmed

 

12- Suldaan Daahir Maxamed Muuse

 

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Isimada kor ku xusan waa isimadii aan la casumin oo ka xanaaqey inay iyagu casuumaad heli waayeen. Kadib ayay ku eedeeyeen boqorka cusub in uu isaga wax dhan kala waday. Isimada baxay waa kuwa ugu tunka waaweeyn Puntland. Waxaa ka mid ah boqorka cusub, Ugaas X. Ugaas Yaasiin of Bari, Garaad Cabdullahi Cali Ciid oo ah afayeenka Isimada Beelaha (D), Suldaan Siciid, iyo kuwa kaloo badan.

 

Intey iskaraama tiri lahaayeen kuwan cabanaaya waxaa u fiicneyd iney khilaafka daayaan oo ay taageeraan xulufadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxan la yaaba xaaji ahaan

horta Ethiopia maxay ula shirta garaada madax dhaqmeeydyada salaadiinta iyo boqorada puntland , nimankaasii goormay siyaasiin noqdeen

manay ahayn inay Ethiopa la hadasho

ina afqudhac iyo boqor cade muse , wamaxay nimankan Ethiopianka gogoasha oo dhigaya

oday xiiran oo ghadh cas oo reer oo caaqil ah

waxani wa fadexaad wana ceeb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Caamir:

These elders/sultans/garads are a men of peace and honor and they must be accorded the respect they deserve from us. Let's not belittle the values they represent or made them political clowns. They wield legitimate power and politicians of Puntland in particular seek their official endorsement before running for an office. To call them a puppet is unacceptable behaviour and it denigrates their values, power and social position.

Huh ?? ,,,, They have been declaring wars and calling for attacks ... some of them were even wearing a military uniform.

 

I'm glad we finally realize the position of those clan/traditional leaders.

 

 

On a second note, i knew and even said in one of the posts that this trend between Yes and nur cade will cause problems in bugland. I hope that will not happen. I can already see the signs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this