Sign in to follow this  
Emperor

Large scale refugees still flee from the districts of Kaaran, Abdi-aziz Shibis

Recommended Posts

Emperor   

Barakacii ugu ballaarnaa oo saakay ka soconaya degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo C/casiis

 

Waxaa saakay barakicii ugu ballaarnaa ka soconayaa degmooyin ku yaala Waqooyiga magaalada Muqdisho oo aan laga qixin labadii sano oo ay dalka ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo wixii ka dambeeyay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Kaaraan, Shibis, C/casiis iyo qeybo ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shingaani.

 

Waddooyinka ku yaalla degmooyinkaasi ayaa saakay waxaa lagu arkayaa boqollaal qoys oo u badan caruur iyo dumar oo wata agab u badan firaash iyo maacuun oo daadsan waddooyinka kuwaasoo qaarkood sugaya gaadiid fara ku tiris ah oo si teel-teel ah saakay uga shaqeynaya qeybo ka mid ah degmooyinkaasi, halka kuwo kalena ayba cagta doorbideen maadaama aanay awood u lahayn inay gaari kireystaan.

 

Barakacan saakay ka soconaya degmooyinkaas ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay saamayn ba’an ku yeesheen dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duleedka degmada Kaaraan oo ay ugu sii darneyd kii shalay gelinkii dambe ilaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Kaaraan iyo qeybo ka mid ah degmada C/casiis, waxaana soo wajahday cabsi fara badan oo ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhaca deegaanadaasi.

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

The human loss, massive shelling of the AMISON and the largest civil displacement seen, the tragic cost of this senseless war is beyond believe...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this