Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sh dalxiis it took me one year

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif Oo Sheegay In Waxqabadka Ugu Weyn Ay Qabteen Tahay Furitaanka Idaacada Muqdisho- Lasanod Online. Sunday, January 17, 2010

 

 

 

Muqdisho,(Lasanod Online)- M/weynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya, Shiikh Shariif oo ka hadlay waxqabadka dawlada Somaliya 12-kii bilood ee uu ahaa Madaxweynaha.

 

 

ayaa sheegay in dhismaha hay'adaha dawliga ah sida kuwa amnigu ay ugu muhiimsanaayeen waxqabadka lagu faani karo ee dawladiisu ku guulaysatay.

 

Isagoo ku tilmaamay furitaanka idaacada Muqdisho ee codka dawlada ayaa uu sheegay inay tahay waxqabad ay dawladiisu ku faani karto.

 

Dawlada federaalka ah ee Somaliya ma laha hay'ado amni oo la taaban karo ama ciidan tayo leh oo sugi kara amniga goobaha ay madaxda dawladu ku sugan yihiin.

 

Dawlada ayaa ka tilisa dhawr goobood oo ku yaal magaalada Muqdisho oo laga magacaabi karo Villa Somaliya, madaarka, dekedda Muqdisho & meelo cayiman, iyagana ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

 

Mar la weydiiyey M/weyne Shariif inta xaafadood ee magaalada Muqdisho ee dawladu ay ka taliso ayaa uu sheegay in ay dawladu xukunto xaafado badan, balse mar la weydiiyey in uu magacaabo tirada xaafadaha, ayaa uu ku jawaabay, in uusan aqoon.

 

Xalka Somaliya ayaa uu sheegay M/weyne Shariif in uu ku jiro dhismaha ciidan amni oo xoogan, hannana kara amniga dalka.

 

M/weyne Shariif waxaa uu sheegay in dawladiisu ay sugi doonto amniga dhammaandka bisha Janaayo sidii hore uu u sheegay R/wasaare Sharma'arke. Mar la weydiiyey in uu jiro jadwal uu degan oo ay ku sugi doonaan amniga ayaa uu kaga jawaabay in aanu sheegi karin.

 

Waxaa uu ka hadlay joogitaanka ciidamo shisheeye ee taageero ciidan, dhaqaale iyo hubba siiya xoogaga Al-shabaab iyo Xisbul Islam ee badi ka arrimiya gobollada Koonfureed ee Soamliya.

 

Waxaa uu intaas ku daray in dawladiisu aanay taageero sidaa u buuran ka helin bulshada caalamka, ayna adaga tahay in ay keligood sugaan amniga dalka.

 

Al-Qaacida ayaa uu sheegay in ay halis ku tahay Somaliya, Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.

 

Mar wax laga weydiiyey dib u heshiisiinta mucaaradka dawladiisa ayaa uu sheegay in ay dadaalo badan sameeyeen, ayna jiraan qaar ka mid ah mucaaradka oo dawladiisu ku soo biiray.

 

M/weyne Shariif ayaa u waramayey wargaysta maalinlaha ah ee Wall Street Journal.

 

 

Wariye: Abdiqadir M. Cali

admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

I have to agree with him on this. An anti-terror/Alshabaab media outlet was bad needed from the getgo. Why did it take Sh. Shariif and company so long?

 

Virtually every media outlet in Mogadishu is pro-Alshabab/xisbul islam and Somalis wholly rely on them for their info given the high illiteracy rates and general Somali cultural preference for spoken word over the written word.

 

 

Anyways, better late than never.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this