Sign in to follow this  
Siciid1986

Kooxda SSC oo ka hadlay sida ay wadahadalo nabadeed kula bilaabi karaan Somaliland

Recommended Posts

Widh-widh (TogdhNews)- Kooxda la baxday SSC ee ka dilaacay Sool iyo degaanka Buuhoodle, ayaa markii u horaysay ka hadlay qaabka ay wadahadalo nabadeed kula bilaabi karaan Xukuumadda Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu badhtamihii bishii August ee aynu ka soo gudubnay guddi 8 xubnood ka kooban u magacaabay qiimaynta xaalada gobollada Bari iyo inay ka soo talo bixiyaan qaabkii loo nabadayn lahaa.

 

 

 

 

 

 

 

Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool, ayaa ka hadlay xidhiidh ay yeesheen guddigaa loo saaray xaalada degaankaas. “Waxaanu xidhiid yeelanay guddida cusub ee loo xilsaaray xal-u-helida arrinta, waxaananu ku heshiinay in aanu dib u sii wadano wadahadaladayada,” ayuu yidhi Garaad Abshir oo u waramay wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

 

 

 

 

 

Garaadku waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen dad uu sheegay inay dhowaan ka barakiciyeen isku-dhacyo dhexmaray ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada kooxda SSC, kuwaasoo uu tilmaamay inay dhamaantood ku soo laabteen tuulada Widh-whidh oo ay iska horimaadkaa uga carareen. “Dhamaan dadka barakacay waxay ku soo laabteen magaalada,” ayuu yidhi Garaad Abshir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this